1 H addaba maalintii saddexaad Esteer baa gashatay dharkeedii boqornimada, oo waxay soo istaagtay guriga boqorka barxaddiisa dhexe, taasoo ka soo hor jeedday guriga boqorka; oo boqorkuna wuxuu ku fadhiyey carshigiisii boqornimada oo ku dhex yiil guriga boqornimada, wuxuuna ka soo hor jeeday iridda guriga laga soo galo.
И вот, на третий день Есфирь надела свои царские одежды и встала во внутреннем дворе дворца, напротив царского тронного зала. Царь сидел на своем троне в зале, лицом ко входу. Когда он увидел стоявшую во дворе царицу Есфирь, он смилостивился над ней
2 O o markii boqorkii arkay Boqorad Esteer oo barxadda dhex taagan ayuu raalli ka noqday iyada, oo boqorkiina wuxuu Esteer ku soo fidiyey ushii dahabka ahayd oo gacantiisa ku jirtay. Markaasaa Esteer soo dhowaatay oo taabatay usha dusheedii.
и протянул к ней золотой скипетр, который был у него в руке. Есфирь подошла и коснулась конца скипетра.
3 K olkaasuu boqorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oo maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa lagu siinayaaye.
Царь спросил ее: – Что тебе, царица Есфирь? О чем ты просишь? Все тебе будет, даже полцарства.
4 K olkaasaa Esteer waxay tidhi, Boqorow, hadday kula wanaagsan tahay, maanta adiga iyo Haamaanba kaalaya martiqaadka aan u diyaariyey.
– Если царю угодно, – ответила Есфирь, – то пусть царь вместе с Аманом придут сегодня на пир, который я для него устроила.
5 M arkaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Haamaan haddiiba ha dhaqsado, si loo yeelo waxay Esteer tidhi. Oo sidaas daraaddeed boqorkii iyo Haamaanba waxay yimaadeen martiqaadkii ay Esteer u diyaarisay.
– Немедленно сходите за Аманом, – сказал царь, – чтобы нам исполнить просьбу Есфири. Так царь с Аманом пошли на пир, который устроила Есфирь.
6 O o intii martiqaadkii khamriga la joogay ayuu boqorkii Esteer ku yidhi, Baryadaadu waa maxay? Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa laguu yeelayaaye.
Когда они пили вино, царь спросил у Есфири: – Чего же ты хочешь? Все тебе будет. Какова твоя просьба? Даже полцарства – все получишь!
7 M arkaasaa Esteer jawaabtay oo tidhi, Baryadayda iyo weyddiisashadaydu waxay tahay,
Есфирь ответила: – Мое желание и моя просьба таковы:
8 B oqorow, haddaad raalli iga tahay, oo aad ku faraxdid inaad ii samaysid waxaan kaa baryay, oo aad yeeshid waxaan ku weyddiistay, haddaba adiga iyo Haamaan kaalaya martiqaadka aan idiin diyaarin doono, oo aniguna berri baan yeelayaa sidaad tidhi, boqorow. Cadhadii Haamaan Ee Mordekay
если я нашла у царя расположение, и если царю угодно даровать мне то, чего я хочу, и исполнить мою просьбу, то пусть царь с Аманом придут и завтра на пир, который я для них устрою. Тогда я и отвечу на царский вопрос. План Амана погубить Мардохея
9 M arkaasaa Haamaan maalintaas wuxuu dibadda u baxay isagoo faraxsan oo qalbiga ka rayraynaya. Laakiinse Haamaan markuu arkay Mordekay oo jooga boqorka iriddiisa, oo aan isaga u istaagin, una gariirin, ayuu Mordekay aad iyo aad ugu cadhooday.
Аман вышел в тот день веселый и в прекрасном настроении. Но, увидев у царских ворот Мардохея и заметив, что тот не встал и не выказал перед ним страха, он разозлился на него.
10 H abase ahaatee Haamaan wuu isceliyey oo gurigiisuu tegey. Markaasuu u cid dirsaday oo u yeedhay saaxiibbadiis iyo naagtiisii Seresh.
Однако, Аман сдержался и пошел домой. Собрав вместе своих друзей и свою жену Зерешь,
11 M arkaasaa Haamaan wuxuu iyagii uga sheekeeyey ammaanta maalkiisa, iyo badnaanta carruurtiisa, iyo kulli derejadihii boqorku isaga u dalliciyey oo dhan, iyo sidii boqorku ugu wada sarraysiiyey boqorka amiirradiisa iyo addoommadiisa oo dhan.
Аман хвастался им своим огромным богатством, множеством сыновей и всеми почестями, которыми удостоил его царь, и тем, как он возвысил его над всеми сановниками и чиновниками.
12 O o Haamaan weliba wuxuu kaloo yidhi, Xataa boqoradda Esteer ninna uma ay oggolaan inuu boqorka u soo raaco martiqaadkii ay diyaarisay aniga mooyaane; oo weliba berrina anigoo boqorka la jira ayay i martiqaadday.
– Но это еще не все, – добавил Аман. – Я − единственный, кого царица Есфирь пригласила вместе с царем на пир, который она устроила. Она пригласила меня вместе с царем и на завтра.
13 L aakiinse waxaas oo dhammu waxba ii tari maayaan intaan arkayo Yuhuudiga Mordekay oo boqorka iriddiisa fadhiya.
Но меня это не радует, пока я вижу иудея Мардохея, сидящего у царских ворот.
14 M arkaasaa naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhammu waxay ku yidhaahdeen, Ha la sameeyo qori wax lagu deldelo oo dhererkiisu konton dhudhun yahay, oo subaxda waxaad boqorka ku tidhaahdaa, Mordekay meeshaas ha lagu deldelo. Oo markaas dabadeed adigoo faraxsan boqorka martiqaadka u raac. Kolkaasaa hadalkaasu ka farxiyey Haamaan; oo wuxuu amray in meeshii deldelaadda la sameeyo.
Его жена Зерешь и все друзья сказали ему: – Вели построить виселицу пятидесяти локтей высотой и утром попроси царя, чтобы Мардохея на ней повесили. А потом спокойно иди с царем на пир. Этот совет понравился Аману, и он велел построить виселицу.