Muujintii 19 ~ Откровение 19

picture

1 O o waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga;

После этого я услышал голос, звучащий, как голос огромного множества людей. Они восклицали в небесах: – Аллилуйя! Спасение, слава и сила у нашего Бога,

2 w aayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray.

потому что Его суды истинны и справедливы! Он осудил великую блудницу, которая растлила мир своим развратом. Он отомстил ей за кровь Своих слуг!

3 O o haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis.

И они опять воскликнули: – Аллилуйя! И дым от нее поднимается во веки веков!

4 M arkaasaa afar iyo labaatankii oday iyo afartii xayawaan ayaa sujuuday, oo waxay caabudeen Ilaaha carshiga ku fadhiya iyagoo leh, Aamiin, Halleeluuya.

Двадцать четыре старца и четыре живых существа пали и поклонились Богу, сидящему на троне, говоря: – Аминь! Аллилуйя!

5 M arkaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba.

И от трона прозвучал голос: – Хвалите нашего Бога, все Его слуги и все боящиеся Его, малые и великие!

6 O o haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah.

Затем я услышал голос, звучавший, как голос множества людей или как шум могучих вод, или как мощный раскат грома: – Аллилуйя! Потому что наш Господь Бог Вседержитель воцарился!

7 A ynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.

Давайте радоваться и веселиться! Воздадим Ему славу! Наступил час бракосочетания Ягненка! Его невеста уже приготовила себя!

8 O o waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.

Ей дано тончайшее льняное платье, чистое и блестящее. (Это платье – символ праведных дел святых.)

9 O o wuxuu igu yidhi, Waxaad qortaa, Waxaa barakaysan kuwa loogu yeedhay arooska Wanka cashadiisa. Oo wuxuu kaloo igu yidhi, Kuwanu waa erayadii Ilaah oo run ah.

Потом ангел сказал мне: – Запиши: блаженны те, кто приглашен на свадебный пир Ягненка! И добавил: – Это истинные слова Божьи.

10 I naan isaga caabudo aawadeed ayaan cagihiisa ugu hor dhacay. Oo isna markaasuu wuxuu igu yidhi, Iska jir oo saas ha yeelin. Anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo walaalahaaga haya markhaatifuridda Ciise. Ilaah u sujuud, waayo, markhaatifuridda Ciise waa ruuxa wax sii sheegidda. Masiixa Guusha leh

Тогда я пал к его ногам, чтобы поклониться ему, но он сказал мне: – Не делай этого! Я тоже слуга Бога, как ты и твои братья, держащиеся свидетельства Иисуса. Поклонись Богу! Потому что свидетельство об Иисусе – это дух пророчества. Всадник на белом коне

11 O o bal eeg, waxaan arkay samadii oo furantay, iyo faras cad, oo kii fuushanaana waxaa la odhan jiray Aamin iyo Run; oo isagu xaqnimuu wax ku xukumaa oo uu ku diriraa.

Я увидел раскрытые небеса и всадника на белом коне. Всадника звали Верный и Истинный. Он справедливо судит и ведет войну.

12 O o indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.

Его глаза как пылающий огонь, и на Его голове множество венцов. На Нем написано Имя, которого никто не знает, кроме Него Самого.

13 O o isna wuxuu qabay dhar dhiig lagu rusheeyey, magiciisana waxaa la odhan jiray ereyga Ilaah.

Он одет в плащ, обагренный кровью, и Имя Его – Слово Божье.

14 O o ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah.

За Ним следует небесное войско, всадники на белых конях, одетые в тончайшую льняную одежду, чистую и белую.

15 O o afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.

Из Его рта выходит острый меч, чтобы поражать им народы. Он правит железным скипетром и топчет в давильне виноград, готовя вино ярости и гнева Бога Вседержителя.

16 O o dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA. Masiixa Cadaawayaashiisii Waa La Laayay

На Его плаще и бедре написано имя: ЦАРЬ ЦАРЕЙ И ГОСПОДЬ ГОСПОДСТВУЮЩИХ.

17 O o markaasaan arkay malaa'ig qorraxda dhex taagan; oo intay cod weyn ku dhawaaqday ayay waxay haadda samada dhex duusha oo dhan ku tidhi, Kaalaya oo u soo urura cashada weyn oo Ilaah,

И я увидел ангела, стоящего на солнце. Он громко крикнул всем птицам, летающим посреди неба: – Сюда! Собирайтесь на великий пир Бога!

18 a ad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba.

Вы будете есть тела царей, военачальников, могущественных людей, тела коней и их всадников, тела всех людей, свободных и рабов, малых и великих.

19 O o markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii.

Затем я увидел зверя и царей земли с их войсками. Они собирались на битву со Всадником на коне и с Его армией.

20 M arkaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay;

И схвачен был зверь и вместе с ним лжепророк, который сотворил от имени зверя знамения и обманул тех, кто получил клеймо зверя и поклонялся его изображению. И тот, и другой были брошены заживо в огненное озеро, горящее серой.

21 o o intoodii kalena waxaa lagu laayay kii faraska fuushanaa seeftiisii afkiisa ka soo baxday; oo haaddii oo dhammu waxay ka dhergeen hilibkoodii.

Остальные были убиты мечом, выходящим изо рта Всадника на коне, и все птицы досыта наелись их трупами.