Gabaygii Sulaymaan 5 ~ Песни Песней 5

picture

1 W alaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay, Saaxiibadaha Hadlayaa Saaxiibbadayow, wax cuna, Wax cabba, gacaliyayaalow, aad u cabba. Gacalisada Hadlaysaa

– Я вошел в сад мой, сестра моя, невеста моя; я собрал мою мирру с пряностями моими, поел моего меда из сотов, напился вина моего с молоком моим. Молодые женщины: – Ешьте, друзья, и пейте! Пейте и насыщайтесь, возлюбленные! Она:

2 A nigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.

– Я спала, но сердце мое бодрствовало. Послушайте! Возлюбленный мой стучится: «Открой мне, сестра моя, милая моя, голубка моя, чистая моя. Голова моя промокла от росы, волосы мои – от ночной влаги».

3 D harkaygii waan iska bixiyey, bal sidee baan u xidhaa? Oo cagahaygiina waan maydhay, bal sidee baan u wasakheeyaa?

Я уже сняла одежду свою, как же мне снова одеться? Я вымыла ноги свои, как же мне снова их пачкать?

4 G acaliyahaygii wuxuu gacantiisii ka soo dusiyey daloolkii albaabka, Oo qalbigaygu isaguu u dhaqaaqay.

Возлюбленный мой просунул руку свою в скважину двери, и сердце мое затрепетало.

5 W axaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo, Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal, Farahaygana malmalku Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka.

Я поднялась, чтобы отпереть возлюбленному моему, с рук моих капала мирра, с пальцев моих капала мирра на ручки замка.

6 G acaliyahaygii waan ka furay, Laakiinse gacaliyahaygii wuu iska noqday, wuuna tegey. Naftaydii markuu hadlay way naxday. Isagaan doondoonay, laakiinse waan heli kari waayay. Waan u dhawaaqay, laakiinse innaba iima uu jawaabin.

Я открыла возлюбленному моему, но его уже не было – он ушел. Сердце мое опечалилось из-за его ухода. Я искала его, но не нашла, звала, но он не откликался.

7 O o waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay ayaa i helay Wayna i garaaceen oo i dhaawaceen. Oo kuwii derbiyada dhawrayay ayaa garbasaartaydii iga qaaday.

Нашли меня стражи, обходящие город. Они избили меня, изранили и забрали накидку мою, стражи, стерегущие стены.

8 G abdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko. Saaxiibadaha Hadlayaa

Дочери Иерусалима, я заклинаю вас, если встретите возлюбленного моего, передайте ему, что я изнемогаю от любви. Молодые женщины:

9 G acaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee? Gacalisada Hadlaysaa

– Чем возлюбленный твой лучше других, прекраснейшая из женщин? Чем возлюбленный твой лучше других, что ты заклинаешь нас так? Она:

10 G acaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan. Waana kan toban kun ugu wanaagsan.

– Возлюбленный мой здоров и румян, ему нет равных.

11 M adaxiisu waa sida dahab saafi ah, Oo timihiisuna waa sida cawbaar, oo waxay u madow yihiin sida tuke oo kale.

Голова его – чистое золото; волосы его – волнистые, черные, как вороново крыло.

12 I ndhihiisu waa sida indho qoolley oo durdur biya ah ag joogta, Oo caano lagu maydhay oo si qumman loo dhigay.

Глаза его, как голуби при потоках вод, купающиеся в молоке, сидящие у стремнины.

13 D habannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa. Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.

Щеки его, словно грядки пряностей, издающих аромат. Губы его, словно лилии, источающие мирру.

14 G acmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey, Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay.

Руки его – золотые жезлы, украшенные хризолитом. Живот его, словно изделие из слоновой кости, покрытое сапфирами.

15 L ugihiisu waa sida tiirar marmar ah, oo lagu qotomiyey saldhigyo dahab saafiya ah, Oo muuqashadiisuna waa sida Buur Lubnaan oo kale, oo wuxuu u qurxoon yahay sida geedaha kedarka oo kale.

Ноги его – мраморные столбы, установленные на подножиях из чистого золота. Его вид величествен, как горы Ливана, изыскан, как ливанские кедры.

16 A fkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

Уста его – сама сладость, и все в нем желанно. Вот каков мой возлюбленный, вот каков мой друг, о дочери Иерусалима!