1 M arkaasaa waxaa soo kacay Naaxaash oo ahaa reer Cammoon, oo wuxuu soo ag degay Yaabeesh Gilecaad. Oo dadkii Yaabeesh oo dhammu waxay Naaxaash ku yidhaahdeen, Axdi nala dhigo oo annana waannu kuu adeegaynaa.
Аммонитянин Нахаш пришел и осадил Иавеш Галаадский. Все жители Иавеша сказали ему: − Заключи с нами союз, и мы будем подчиняться тебе.
2 M arkaasaa Naaxaash oo ahaa reer Cammoon wuxuu iyagii ku yidhi, Sabab keliya ayaan axdi idinkula samaysanayaa, taasuna waa anigoo isha midigta idinka wada bixiya si aan u ceebeeyo reer binu Israa'iil oo dhan.
Но Нахаш аммонитянин ответил: − Я заключу с вами союз только на том условии, что выколю каждому из вас правый глаз и так покрою бесчестием весь Израиль.
3 M arkaasaa duqowdii reer Yaabeesh waxay isagii ku yidhaahdeen, Bal toddoba maalmood na sug, aannu xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan wargeeyayaal u dirnee, oo dabadeedna haddii aannu wayno mid na badbaadiya, waannu kuu imanaynaa.
Старейшины Иавеша сказали ему: − Дай нам семь дней, чтобы мы могли послать вестников по всему Израилю. Если никто не придет, чтобы спасти нас, мы сдадимся тебе.
4 M arkaasaa wargeeyayaashii waxay yimaadeen Gibecaahdii Saa'uul, oo erayadan ayay dadkii u sheegeen. Kolkaasaa dadkii oo dhammu codkoodii kor u qaadeen oo wada ooyeen.
Когда вестники пришли в Гиву к Саулу и рассказали народу о том, что произошло, весь народ громко заплакал.
5 O o bal eeg, waxaa yimid Saa'uul oo dibiyadii duurka ka keenay, oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa ku dhacay dadka oo ay la ooyayaan? Markaasay u sheegeen hadalladii nimankii reer Yaabeesh.
Как раз в это время Саул возвращался с полей, идя за своими волами, и спросил: − Что за беда у народа? Почему он плачет? Тогда ему пересказали то, что рассказали жители Иавеша.
6 O o Saa'uulna markuu maqlay hadalladaas ayaa Ruuxa Ilaah si xoog leh ugu soo degay, oo xanaaqiisiina aad iyo aad buu u kululaaday.
Когда Саул услышал их слова, Дух Бога сошел на него, и Саул разгневался.
7 M arkaasuu wuxuu qaatay laba dibi oo intuu qalay ayuu cad cad u kala jaray, oo intuu wargeeyayaal gacantood u dhiibay ayuu wada gaadhsiiyey xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii aan Saa'uul iyo Samuu'eel soo raacin, sidaas oo kalaa dibidiisa loo geli doonaa. Markaasaa waxaa dadkii ku soo dhacday cabsidii Rabbiga, oo waxay u soo baxeen sidii nin qudha.
Он взял пару волов, рассек их на куски и разослал с вестниками по всему Израилю, объявляя: − Вот что будет с волами всякого, кто не пойдет за Саулом и Самуилом. Страх Господа охватил народ, и они выступили все как один.
8 M arkaasuu iyagii ku tiriyey Beseq, oo reer binu Israa'iil waxay ahaayeen saddex boqol oo kun, oo raggii reer Yahuudahna waxay ahaayeen soddon kun.
Когда Саул построил их в Везеке, мужчин Израиля было триста тысяч, а мужчин Иудеи − тридцать тысяч.
9 M arkaasay waxay ku yidhaahdeen wargeeyayaashii yimid, Dadkii reer Yaabeesh Gilecaad waxaad ku tidhaahdaan, Berrito markii qorraxdu kulushahay ayaad samatabbixin heli doontaan. Markaasaa wargeeyayaashii u yimaadeen oo u warrameen dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo iyana way farxeen.
Они сказали вестникам: − Передайте жителям Иавеша Галаадского: «Завтра к тому часу, когда станет припекать солнце, вы будете спасены». Когда вестники передали это жителям Иавеша, те ободрились.
10 S idaas daraaddeed dadkii reer Yaabeesh waxay yidhaahdeen, Berrito ayaannu idiin soo bixi doonnaa, oo waxaad nagu samayn doontaan kulli wax alla wixii idinla wanaagsan.
Они сказали аммонитянам: − Завтра мы сдадимся вам, и вы сможете сделать все, что вам угодно.
11 O o maalintii dambe Saa'uul wuxuu dadkii ka dhigay saddex guuto; oo subaxdii hore ayay xeradii soo dhex galeen, oo waxay reer Cammoon laynayeen tan iyo hadhkii, oo waxay ahaatay in intii hadhayna kala firidhay, oo xataa laba iyagii ka mid ahu isma haysan. Saa'uul Oo La Boqray
На следующий день Саул разделил своих людей на три отряда. Во время последней стражи ночи они ворвались в лагерь аммонитян и перебили их до часа дневного зноя. Уцелевшие были рассеяны, так что не осталось двоих вместе. Утверждение царской власти Саула
12 M arkaasaa dadkii waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Waa ayo kii yidhi, Ma Saa'uul baa na xukumaya? Nimankaas soo bixi aannu dilnee.
После этого народ сказал Самуилу: − Кто это говорил: «Неужели Саул будет править нами?» Приведи к нам этих людей, мы убьем их.
13 K olkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Ninnaba maanta la dili maayo, waayo, maanta Rabbigu wuxuu samatabbixiyey reer binu Israa'iil.
Но Саул ответил: − Сегодня никто не будет казнен, ведь в этот день Господь спас Израиль.
14 M arkaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii ku yidhi, Ina keena aynu Gilgaal tagnee oo aynu halkaas boqortooyada ku cusboonaysiinnee.
И Самуил сказал народу: − Пойдем в Гилгал и утвердим там царскую власть.
15 M arkaasaa dadkii oo dhammu waxay tageen Gilgaal, oo Gilgaal ayay Saa'uul ku boqreen Rabbiga hortiisa, oo waxay halkaas Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno nabaadiino, oo halkaasaa Saa'uul iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu aad ugu farxeen.
Весь народ пошел в Гилгал и утвердил Саула царем в присутствии Господа. Там они принесли перед Господом жертвы примирения. Очень веселился там Саул вместе со всеми израильтянами.