1 R abbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.
Не приноси в жертву Господу, своему Богу, вола или овцу с каким бы то ни было изъяном или недостатком, потому что это будет Ему отвратительно.
2 O o magaalooyinkiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo haddii laga dhex helo nin ama naag sameeya wax Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa shar ku ah isagoo axdigiisa ka gudba,
Если найдутся у тебя в одном из городов, которые дает тебе Господь, мужчина или женщина, творящие зло в глазах Господа, твоего Бога, и нарушающие Его завет;
3 o o intuu taga u adeega ilaahyo kale, oo caabuda iyaga, ha ahaadeen qorraxda, ama dayaxa, amase ciidanka samada midkood, taasoo aanan anigu ku amrin,
если кто-нибудь, вопреки моему повелению, будет служить другим богам, поклоняясь им, или солнцу, или луне, или небесным звездам,
4 h addii laydiin soo sheego oo aad maqashaan, markaas waa inaad dadka aad u haybisaan, oo bal eega, haddii ay run tahay iyo wax xaqiiqa ah in reer binu Israa'iil lagu sameeyey wax karaahiyo oo caynkaas ah,
и ты узнаешь об этом, то тщательно расследуй это дело. Если это окажется правдой и будет доказано, что в Израиле было сделано такое отвратительное дело,
5 k olkaas waa inaad irdihiinna keentaan ninkaa ama naagtaa waxan sharka ah sameeyey, oo qofkaasu nin ama naag ha ahaadee waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan.
то приведи мужчину или женщину, которые сделали это, к городским воротам и забей их камнями до смерти.
6 O o kii la dilayo, markii laba ama saddex qof ku markhaati furaan waa in la dilo, laakiinse qof keliya markhaatigiisa waa inaan lagu dilin.
Человек может быть предан смерти по свидетельству двух или трех очевидцев, но никого нельзя предавать смерти по показанию только одного свидетеля.
7 O o markhaatiyaashu waa inay marka hore u gacan qaadaan qofkaas, dabadeedna dadka oo dhammu waa inay u gacan qaadaan. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan. Garsoorka Sharciga
Свидетели должны первыми бросить в него камень, а потом и все остальные. Удали зло из среды своей. Суды
8 O o haddii dhexdiinna ka kaco xaal garsoorid ah oo idinku adag oo ku saabsan dhiig, ama gar, ama dhaawac, oo xaalalkaas irdihiinna gudahooda lagaga murmo, kolkaas waa inaad kacdaan oo tagtaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo.
Если на твой суд представят дело, которое слишком трудно рассудить – будь то кровопролитие, тяжба или побои, – приведи судящихся на место, которое выберет Господь, твой Бог.
9 O o waa inaad u tagtaan wadaaddada reer Laawi iyo xaakinka wakhtigaas joogi doono, oo waa inaad xaalkaas haybisaan oo iyana waxay idiin sheegi doonaan xukunkaas garsooriddiisa.
Пойди к священникам из левитов и к судье, который будет в те дни, и спроси их. Они объявят тебе судейское решение.
10 O o waa inaad u samaysaan sida xukunka garsooriddiisu tahay, taasoo ay idiinka sheegi doonaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo waa inaad dhawrtaan oo wada samaysaan waxa ay idin bari doonaan oo dhan.
А ты должен поступить в соответствии с решением, объявленным на месте, которое выберет Господь. Смотри, сделай все, что они укажут тебе.
11 O o siduu yahay sharciga ay idin bari doonaan, iyo siduu yahay xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaad u samaysaan. Xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaydaan uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona.
Поступи по закону, которому они тебя научат, и по решению, которое они тебе дадут. Не уклоняйся от того, что они тебе скажут ни вправо, ни влево.
12 O o ninkii kibra oo diidaa inuu maqlo wadaadka Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa u taagan inuu u adeego, amase xaakinka, ninkaas waa in la dilaa, oo sharka waa inaad reer binu Israa'iil ka saartaan.
Тот, кто поступит дерзко и не послушает судью или священника, который служит Господу, твоему Богу, должен быть предан смерти. Ты должен искоренить зло в Израиле.
13 M arkaasay dadka oo dhammu maqli doonaan, oo cabsan doonaan, oo kibir dambena ma samayn doonaan. Boqorka
Весь народ услышит об этом и испугается, и впредь не будет дерзким. Царь
14 O o markaad gashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, oo intaad hantidaan aad dhex degtaan, haddaad istidhaahdaan, Waxaannu doonaynaa inaannu boqor u boqranno sida quruumaha hareerahayaga ku wareegsan oo kale,
Когда ты войдешь в землю, которую дает тебе Господь, твой Бог, завладеешь ею, поселишься в ней и скажешь: «Поставлю-ка я над собой царя, как все народы вокруг»,
15 s i kastaba ha ahaatee waa inaad boqrataan kii Rabbiga Ilaahiinna ahu doorto. Oo mid aad walaalihiinna kala soo dhex baxdaan waa inaad boqrataan. Waa inaydaan shisheeye aan walaalkiin ahayn boqor ka dhigan.
то поставь царя, которого выберет Господь, твой Бог. Он должен быть из твоего народа. Не ставь над собой чужеземца, который будет не из твоего народа.
16 L aakiinse isagu waa inuusan fardo badsan, oo dadkana uusan Masar dib ugu celin si uu fardo u badsado, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku yidhi, Hadda ka dib jidkaas waa inaydaan dib ugu noqon.
Царь не должен приобретать множества коней и отправлять народ назад в Египет, чтобы приобрести еще больше, потому что Господь сказал вам: «Вы не должны возвращаться этим путем».
17 O o naagona waa inuusan badsan si aan qalbigiisu Rabbiga uga leexan, oo lacag iyo dahabna waa inuusan aad u badsan.
Он не должен брать себе много жен, иначе его сердце развратится. Он не должен набирать для себя чрезмерно много серебра и золота.
18 O o markuu carshiga boqortooyadiisa ku fadhiisto waa inuu naqil ah sharcigan kitaab kaga qoro waxa wadaaddada reer Laawi hortooda yaal,
Заняв престол своего царства, он должен написать на свитке копию этого Закона, снятую с той, что у священников из левитов.
19 o o naqilkaas waa inuu haystaa, oo waxa ku qoran waa inuu cimrigiisa oo dhan akhristaa inuu barto si uu uga cabsado Rabbiga Ilaahiisa ah inuu wada xajiyo oo yeelo erayada sharcigan iyo qaynuunnadan oo dhan,
Она должна быть у него, и он должен читать ее всю свою жизнь, чтобы учиться чтить Господа, своего Бога, и прилежно следовать всем словам этого Закона и этим установлениям:
20 s i uusan qalbigiisu kor ugaga kicin walaalihiis, oo uusan amarka uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona, in isaga iyo carruurtiisuba ay boqortooyada ku cimridheeraadaan reer binu Israa'iil dhexdooda.
не мнить себя лучше всех своих братьев и не уклоняться от заповеди ни вправо, ни влево. Тогда он и его потомки будут долгое время царствовать над Израилем.