1 T aliyaha dalka baraarka uga soo dira Selac oo cidlada ag taal, oo waxaad ugu keentaan buurta magaalada Siyoon.
– Посылайте ягнят в дань правителю страны, из Селы через пустыню на гору дочери Сиона. –
2 W aayo, sidii shimbir wareegaysa oo buulkeedii laga tuuray ayaa gabdhaha Moo'aab ku ahaan doonaan meelaha Webi Arnoon laga gudbo.
Как бьющая крыльями птица, выброшенная из гнезда – женщины-моавитянки у бродов Арнона.
3 T alo ku tali, oo caddaalad ku garsoor, maalin hadh cad ah hooskaaga ka dhig habeen madow oo kale, masaafurisyada qari, oo magantana ha gacangelin.
– Дай нам совет, прими решение. Сделай в полдень тень свою ночи подобной. Спрячь изгнанников, не выдавай скитальцев.
4 K uwa Moo'aab ee masaafurisyada ah ha kula joogeen, oo waxaad gabbaad uga noqotaa kan iyaga dhacaya, waayo, kii wax dulmi jiray wuu dhammaaday, dhiciddiina way joogsatay, kuwii dadka cadaadin jirayna dalkaa laga baabbi'iyey.
Дай моавским изгнанникам остаться у тебя; стань им убежищем от губителя. Когда притеснителю придет конец, прекратится опустошение и в стране сгинут расхитители.
5 O o carshigu naxariis buu ku dhismi doonaa, oo run ahaan waxaa carshiga taambuugga Daa'uud dhexdiisa ah ku fadhiisan doona mid caddaalad ku garsoora, caddaaladna doondoona, oo xaqnimada ku dhaqsada.
Тогда верностью утвердится престол в шатре Давида, и воссядет на него в истине правитель, ищущий справедливость, спешащий творить праведность.
6 W axaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa madaxweynaantiisa, iyo kibirkiisa, iyo cadhadiisa, faankiisuna waa wax aan waxba tarayn.
Слышали мы о гордости Моава, о его непомерной гордости и тщеславии, о гордости его и о наглости, – но пуста его похвальба.
7 S idaas daraaddeed reer Moo'aab waxay u ooyi doonaan dalka Moo'aab, oo mid kastaaba waa ooyi doonaa. Oo waxaad aad ugu barooran doontaan aasaaska Qiir Xaresed oo aad wax loogu dhuftay.
Поэтому плачут моавитяне, все вместе оплакивают Моав. Плачьте, сраженные горем, вспоминая прекрасные лепешки с изюмом из Кир-Харесета.
8 W aayo, beerihii Xeshboon way qallalan yihiin, quruumaha madaxdoodii ayaa jejebisay geedihii canabka ee Sibmaah oo soo gaadhay xataa tan iyo Yacser oo xagga cidlada u soo baxay. Laamihiisii way fidsanaayeen oo badday dhaafeen.
Поля Хешбона засохли и виноградные лозы Сивмы. Вожди народов растоптали лучшие лозы, что тянулись некогда до Иазера, простирались к пустыне. Побеги их расширялись и достигали моря.
9 S idaas daraaddeed waxaan canabka Sibmaah ugu ooyi doonaa oohintii aan Yacser ugu ooyay oo kale. Xeshboon iyo Elecaaleehow, waxaan idinku waraabin doonaa ilmadayda, waayo, midhahaagii la hor guray iyo beergoosadkaagiiba waxaa ku dhacday qayladii dagaalka.
И я плачу, как плачет Иазер, о лозах Сивмы. О, Хешбон и Елеала, орошу вас слезами! Над твоими созревшими плодами, над твоим поспевшим зерном стихли радости крики.
10 F arxaddii waa la qaaday, oo beertii midhaha badnaydna farxaddii waa laga bixiyey, oo beeraha canabka ahna hees iyo rayrayn ma jiri doonaan, mana jiri doono mid canabka macsarooyin ku tunta, oo qaylada tumidda canabkana waan joojiyey.
Веселье и радость ушли из садов, никто не поет, не шумит в виноградниках и в давильнях не топчет вино, и радости шумной положен конец.
11 H addaba sidaas daraaddeed qalbigaygu wuxuu sida kiraar oo kale ugu barooranayaa Moo'aab aawadeed, oo calooshayduna Qiir Xaresed aawadeed.
Плачет сердце мое о Моаве, как арфа, и душа – о Кир-Харесете.
12 O o markii Moo'aab iskeeno oo uu meesha sare ku daalo, oo uu meeshiisa quduuska ah u yimaado si uu ugu tukado, innaba ma guulaysan doono.
Если Моав явится и станет изводить себя в капище, если он придет на возвышенности в свое святилище молиться – прока не будет.
13 K anu waa eraygii uu Rabbigu waagii hore reer Moo'aab kaga hadlay.
Таково слово, которое Господь сказал о Моаве в прошлом.
14 L aakiinse haatan Rabbigu wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Muddo saddex sannadood ah sida shaqaale sannaddiis ayaa sharafta reer Moo'aab lagu quudhsan doonaa, isaga iyo dadkiisa faraha badan, oo kuwa hadhi doonaana waxay ahaan doonaan in yar oo aan tabar lahayn.
Но теперь Господь говорит: – Точно через три года, как если бы батрак считал свой срок работы, слава Моава и все множество его народа погибнут, а уцелевшие будут малочисленны и слабы.