1 O o waxyaalahaas dabadeed Boqor Ahashwerus wuxuu dalliciyey oo kursigiisii ka sarraysiiyey amiirradii isaga la joogay oo dhan Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, oo isaga wuu hore mariyey.
Спустя некоторое время, царь Ксеркс возвысил агагитянина Амана, сына Аммедаты, возвеличив его и дав ему почетное место выше, чем у всех прочих своих сановников.
2 O o waxaa Haamaan u foororsaday oo u sujuuday boqorka addoommadiisii iriddiisa joogay oo dhan, waayo, boqorka ayaa in saas loo yeelo amray. Laakiinse Mordekay uma uu foororsan, umana sujuudin.
Все царские чиновники у царских ворот преклоняли колени и воздавали Аману честь, потому что так постановил о нем царь. Но Мардохей не преклонял колен и не воздавал ему честь.
3 M arkaasaa addoommadii boqorka oo joogay boqorka iriddiisa waxay Mordekay ku yidhaahdeen, War maxaad u jebinaysaa boqorka amarkiisa?
Царские чиновники у царских ворот спрашивали Мардохея: – Почему ты нарушаешь царское повеление?
4 H addaba waxaa dhacday, markay maalin kasta saas ku lahaayeen, laakiinse isagu uusan dheg u dhigin, inay warkaas Haamaan u sheegeen inay arkaan bal wuxuu xaalka Mordekay noqdo, waayo, wuxuu iyagii u sheegay inuu Yuhuud yahay.
Они говорили ему так изо дня в день, но он их не слушал. Тогда они донесли об этом Аману, чтобы посмотреть: станет ли он терпеть поведение Мардохея – ведь он рассказал им, что он иудей.
5 H aamaanna markuu arkay inaan Mordekay u foororsan oo aanu u sujuudin, ayuu Haamaan aad u cadhooday.
Увидев, что Мардохей не преклоняет колен и не воздает ему честь, Аман исполнился ярости.
6 L aakiinse wuu quudhsaday inuu Mordekay oo qudha gacanta saaro, waayo, waxaa isaga loo sheegay Mordekay qabiilkiisa; oo sidaas daraaddeed Haamaan wuxuu doonayay inuu wada baabbi'iyo Yuhuudda boqortooyada Ahashwerus deggan oo dhan, kuwaasoo ahaa Mordekay qabiilkiisii.
Но, узнав из какого Мардохей народа, он не остановился на мысли убить лишь его одного. Вместо этого Аман стал искать способ погубить весь народ Мардохея – иудеев – по всему царству Ксеркса.
7 O o sannaddii laba iyo tobnaad oo Boqor Ahashwerus, bisheedii kowaad taasoo ah bisha Niisaan ayay Haamaan hortiisa ku rideen saami magiciisa la yidhaahdo Fuur, oo taasuna waxay socotay maalin ka maalin, iyo bil ka bil, ilaa bishii laba iyo tobnaad oo ah bisha Adaar.
В двенадцатом году правления царя Ксеркса, в первом месяце, месяце нисане, бросали перед Аманом «пур», что означает «жребий», чтобы выбрать день и месяц. И жребий пал на двенадцатый месяц, месяц адар.
8 M arkaasaa Haamaan wuxuu Boqor Ahashwerus ku yidhi, Waxaa jira dad ku wada dhex firidhsan dadyowga deggan gobollada boqortooyadaada oo dhan, qaynuunnadooduna way ka wada duwan yihiin kuwa dadyowga kale oo dhan. Iyaguna qaynuunnada boqorka ma dhawraan. Sidaas daraaddeed, boqorow, inaad iska daysid faa'iido kuugu ma jirto.
Аман сказал царю Ксерксу: – Есть некий народ, разбросанный и рассеянный между народами во всех провинциях твоего царства; их законы отличаются от законов прочих людей, а законов царя они не соблюдают. Нельзя царю терпеть их.
9 H addaba, boqorow, taas haddaad raalli ka tahay, ha la qoro in iyaga la baabbi'iyo; oo anna waxaan bixin doonaa toban kun oo talanti oo lacag ah, oo waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa boqorka shuqulkiisa u taliya inay iyagu maalkaas geliyaan khasnadaha boqorka.
Если угодно царю, пусть выйдет указ, чтобы их погубить, а я отвешу десять тысяч талантов серебра в руки царских казначеев, чтобы они внесли его в царскую сокровищницу.
10 M arkaasaa boqorkii wuxuu gacantiisa ka siibay kaatunkiisii oo wuxuu siiyey Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag ee weliba ahaa cadowgii Yuhuudda.
Царь снял с пальца свой перстень и отдал агагитянину Аману, сыну Аммедаты, врагу иудеев.
11 K olkaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Lacagta adigaa lagu siiyey, oo weliba dadkana waxaad ku samaysaa wax alla wixii kula wanaagsan.
– И этот народ, и его серебро твои, – сказал царь Аману. – Делай с ними, что тебе угодно.
12 O o bishii kowaad maalinteedii saddex iyo tobnaad ayaa loo wada yeedhay boqorka karraaniyadiisii oo dhan, oo waxaa la qoray kulli wixii Haamaan ku amray boqorka saraakiishiisii iyo taliyayaashii gobollada oo dhan xukumayay, iyo amiirradii u talinayay dad kasta, oo gobol kasta waxaa loogu qoray afkiisii. Oo waxaa lagu qoray Boqorka Ahashwerus magiciisa, waxaana lagu shaabadeeyey boqorka kaatunkiisii.
В тринадцатый день первого месяца были призваны царские писари. Письменами каждой провинции и на языке каждого народа они записали все приказы Амана царским сатрапам, наместникам провинций и князьям различных народов. Они были написаны от имени самого царя Ксеркса и запечатаны его перстнем.
13 O o warqadona waxaa loo dhiibay warqaadayaal, oo waxaa loo diray boqorka gobolladiisii oo dhan, in Yuhuudda oo dhan la wada baabbi'iyo, oo la wada laayo, oo la halaago dhammaantood, yar iyo weyn, iyo dhallaanka iyo dumarkaba, bisha Adaar oo ah bisha laba iyo tobnaad, maalinteeda saddex iyo tobnaad, iyo in maalkoodana booli ahaan loo dhaco.
Письма были разосланы через гонцов во все царские провинции с приказом погубить, уничтожить и искоренить всех иудеев – молодых и старых, женщин и маленьких детей – в один день, тринадцатый день двенадцатого месяца, месяца адара, и разграбить их имущество.
14 O o waxaa dadyowga oo dhan lagu dhex faafiyey warqaddii la qoray naqilkeedii, oo leh amar ha la wada siiyo gobollada oo dhan inay diyaar u noqdaan maalintaas.
Копию указа должны были дать как закон в каждой провинции и объявить во всеуслышание людям всякого народа, чтобы они были готовы к этому дню.
15 O o warqaadayaashiina haddiiba degdeg bay ugu ambabbexeen boqorka amarkiisii, oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorkana amarkii waa lagu bixiyey. Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u fadhiisteen inay wax cabbaan; laakiinse magaaladii Shuushan oo dhammu way ka wareertay.
По приказу царя гонцы поспешно отправились в путь, как только указ был оглашен в крепости Сузы. Царь и Аман сели пировать, а город Сузы был объят смятением.