Yeremyaah 15 ~ Иеремия 15

picture

1 M arkaasaa Rabbigu igu yidhi, Xataa haddii Muuse iyo Samuu'eel ay hortayda soo istaagaan, qalbigaygu innaba dadkan uma soo noqon kareen. Hortayda ka fogee iyaga, oo iska daa ha tageene.

Господь сказал мне: – Даже если бы встали предо Мной Моисей и Самуил, Мое сердце не обратилось бы к этому народу. Гони его от Меня прочь, пусть уходит!

2 O o markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.

А если станут спрашивать тебя эти люди: «Куда нам идти?» – скажи им: «Так говорит Господь: Обреченные на смерть – пусть умирают; обреченные на меч – пусть идут под меч; обреченные на голод – пусть голодают; обреченные на плен – пусть уходят в плен».

3 R abbigu wuxuu leeyahay, Waxaan korkooda ku soo dayn doonaa belaayo afar cayn ah, waana in seeftu disho, oo eeydu kala dildillaacsadaan, oo haadka samada iyo dugaagga dhulku ay wada laastaan oo ay baabbi'iyaan.

– Я нашлю на них четыре вида казней, – возвещает Господь, – меч, чтобы убивать, псов, чтобы терзать, и птиц небесных со зверями земными, чтобы пожирать и губить.

4 M anaseh ina Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wixii uu Yeruusaalem ku dhex sameeyey daraaddood ayaan ka dhigi doonaa inay iyagu boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hore iyo dib.

Я сделаю их ужасом для всех царств на земле из-за того, что натворил в Иерусалиме иудейский царь Манассия, сын Езекии.

5 W aayo, Yeruusaalemay, bal yaa kuu tudhi doona? Yaase kuu barooran doona? Yaase u soo leexan doona inuu sidaad tahay weyddiiyo?

– Кто пожалеет тебя, Иерусалим? Кто оплачет тебя? Кто зайдет, чтобы узнать о твоих делах?

6 R abbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.

Ты отверг Меня, – возвещает Господь, – отступил назад. Свою руку на тебя подниму и погублю тебя: Я устал жалеть.

7 D alka irdihiisa ayaan iyaga masaf kaga haadiyey, waanan gablamiyey, dadkaygana waan baabbi'iyey, waayo, jidadkoodii kama ay soo noqon.

Я провею их вилами у ворот городов страны; Я лишу их детей и погублю Мой народ, так как он не свернул с путей своих.

8 T iradii carmalladooda waan ka sii badiyey cammuudda badaha, oo barbaarrada hooyooyinkood waxaan hadhkii ku soo daayay baabbi'iye. Waxaan si kedis ah ugu dejiyey cidhiidhi iyo cabsi.

Вдов у них станет больше, чем песка в море. В полдень Я наведу губителя на матерей их юношей; внезапно вселю в них страх и смятение.

9 R abbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.

Изнеможет родившая семерых и испустит дух. Зайдет ее солнце во время дневное; она будет унижена и опозорена. А всех уцелевших предам мечу на глазах их врагов, – возвещает Господь. Жалоба Иеремии и ответ Господа

10 A nigaa iska hoogay, hooyoy, waxaad ii dhashay inaan dunida oo dhan u ahaado nin rabshad iyo dirir miidhan! Weligay ninna korsocod wax uma deymin, oo ninna korsocod wax kama deyman, laakiinse mid kastaaba waa i habaaraa.

– Горе мне, мать моя, что ты родила меня, человека, что спорит и ссорится с целым светом. Я не давал денег в рост и в долг не брал, но всякий меня проклинает.

11 R abbigu wuxuu yidhi, Sida runta ah waad nabdoonaan doontaa, sida runta ah waxaan ka dhigi doonaa in cadowgu ku baryo wakhtigii masiibo jirto iyo wakhtigii dhib jiro.

Сказал Господь: – Я непременно дам свободу тебе во благо, Я непременно заставлю врагов молить тебя во время беды и во время скорби.

12 M iyaa bir la jebin karaa, xataa birta woqooyi, iyo naxaasta?

Может ли кто-нибудь сломать железо, железо с севера, или бронзу?

13 M aalkaaga iyo khasnadahaaga waxaan u wada bixin doonaa sidii boolida aan loo iibsan, waana dembigaagii aad waddankaaga oo dhan ku dhex samaysay daraaddiis.

Ваши богатства и сокровища Я отдам на разграбление, отдам бесплатно за все ваши грехи, совершенные по всей вашей стране.

14 O o waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

Я отдам вас в рабство вашим врагам в страну, что вам незнакома, так как вспыхнул огонь Моего гнева – он будет пылать против вас.

15 R abbiyow, wax kastaba waad og tahay, haddaba bal i soo xusuuso, oo i soo booqo, oo iiga aargud kuwa i silcinaya. Ii dulqaado oo ha i fogayn. Ogow inaan aawadaa cay ugu adkaystay.

– Господи, Ты все знаешь; вспомни меня, обрати на меня Свой взор! Отомсти за меня гонителям. Ты терпелив, не забирай меня; Ты знаешь, что ради Тебя я выношу насмешки.

16 R abbiyow, Ilaaha ciidammadow, erayadaadii waa la helay, oo waan cunay, oo erayadaadu waxay ii ahaayeen farxaddii iyo rayrayntii qalbigayga, waayo, magacaagaa la iigu yeedhaa.

Твои слова были найдены, и я съел их; Твои слова стали моей радостью и весельем моему сердцу, ведь Твоим Именем я наречен, Господи, Бог Сил.

17 M a aanan dhex fadhiisan shirka kuwa wax ku qosla, oo ma aanan rayrayn innaba, laakiinse keligay baan gooni u fadhiistay gacantaada i dul saaran aawadeed, waayo, waxaad iga buuxisay dhirif.

Не сидел я в кругу насмешников и не праздновал с ними; я сидел одиноко под гнетом Твоей руки, так как Ты наполнил меня гневом.

18 B al maxaa xanuunkaygu had iyo goor u sii jiraa, nabarkayguse bal muxuu la raysan waayaa, oo inuu bogsado u diidaa? Sida xaqiiqada ah ma waxaad ii noqonaysaa sidii durdur been ah, iyo sidii biyo sii gudhaya oo kale?

Почему моя боль никак не уймется, почему моя рана тяжка и неисцелима? Неужели будешь Ты для меня ручьем ненадежным, источником пересохшим?

19 S idaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.

Так говорит Господь: – Если покаешься, Я восставлю тебя, и сделаю тебя Своим слугой; если будешь говорить важное, а не пустословить, станешь Моими устами. Пусть они сами к тебе обращаются, а ты к ним не обращайся.

20 R abbigu wuxuu leeyahay, Waxaan dadkan kaaga dhigi doonaa derbi adag oo naxaas ah. Way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan innaba, waayo, waan kuula jiraa inaan ku badbaadsho oo aan ku samatabbixiyo.

Я сделаю тебя для этого народа укрепленной стеной из бронзы; они будут с тобой воевать, но не одолеют, потому что Я с тобой, чтобы избавлять тебя и спасать, – возвещает Господь. –

21 O o waxaan kaa samatabbixin doonaa gacanta sharrowyada, waanan kaa badbaadin doonaa gacanta kuwa laga cabsado.

Я спасу тебя от рук нечестивых и выкуплю из рук безжалостных.