Bilowgii 20 ~ Бытие 20

picture

1 I braahimna meeshaas wuu ka sodcaalay oo wuxuu u kacay xagga dhulka Koonfureed, oo wuxuuna degay Qaadeesh iyo Shuur dhexdooda, qariib ahaan buuna Geraar u degay.

Оттуда Авраам перебрался в область Негев и поселился между Кадешем и Суром. Он жил пришельцем в Гераре

2 I braahimna wuxuu naagtiisii Saarah ka yidhi, Waa walaashay. Oo Abimeleg oo ahaa boqorkii Geraar ayaa u soo cid dirtay, oo watay Saarah.

и там сказал о своей жене Сарре: «Она – моя сестра». Авимелех, царь Герара, послал за Саррой и взял ее к себе.

3 L aakiinse Ilaah baa Abimeleg habeenkii riyo ugu yimid, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waxaad tahay meyd uun, waana naagtii aad qaadatay aawadeed, maxaa yeelay, iyadu waa nin naagtiis.

Но Бог явился к Авимелеху ночью во сне и сказал ему: – Тебе грозит смерть за женщину, которую ты взял к себе: она замужем.

4 A bimelegna uma uusan dhowaan iyada, wuxuuna yidhi, Sayidow, miyaad quruun xaq ah baabbi'inaysaa?

Но Авимелех не прикасался к ней, и поэтому он сказал: – Владыка, неужели Ты уничтожишь невинный народ?

5 M iyuusan isaga qudhiisu igu odhan, Waa walaashay? Oo iyana xataa waxay igu tidhi, Isagu waa walaalkay. Tan waxaan ku sameeyey daacadnimada qalbigayga iyo daahirsanaanta gacmahayga.

Ведь он мне сказал: «Она – моя сестра», – и она сказала: «Он – мой брат». В этом деле совесть моя чиста и руки невинны.

6 O o Ilaah wuxuu ku yidhi isaga intuu riyoonayay, Haah, waan ogahay inaad waxan daacadnimada qalbigaaga ku samaysay, anna waan kaa celiyey inaad igu dembaabto: sidaas daraaddeed kuuma aan oggolaan inaad iyada taabato.

Бог сказал ему во сне: – Да, Я знаю, что совесть твоя чиста: это Я удержал тебя от греха против Меня, поэтому и не позволил тебе прикоснуться к ней.

7 H addaba ninka naagtiisa u celi, waayo, isagu waa nebi, wuuna kuu ducayn doonaa, waanad noolaan doontaa. Haddaadan iyada celinna, ogow hubaal waad dhiman doontaa, adiga iyo waxaaga oo dhammuba.

Теперь верни жену мужу, потому что он – пророк, он помолится за тебя, и ты останешься жив. Но если ты не вернешь ее, знай, что тебе и твоим близким не избежать смерти.

8 A bimelegna aroor horuu kacay, oo wuxuu u yeedhay addoommadiisii oo dhan, oo waxyaalahan oo dhan buu u sheegay, nimankiina aad iyo aad bay u cabsadeen.

На другой день рано утром Авимелех собрал всех приближенных и рассказал им, что случилось, и они сильно испугались.

9 M arkaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo.

Потом Авимелех позвал Авраама и сказал: – Что ты с нами сделал? Какое зло я тебе причинил, что ты навел такую тяжкую вину на меня и мое царство? Ты поступил со мной так, как нельзя поступать.

10 A bimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Maxaad aragtay oo aad waxan u samaysay?

И Авимелех спросил Авраама: – Что было у тебя на уме, когда ты сделал такое?

11 I braahimna wuxuu yidhi, Waxaan mooday inaan cabsida Ilaah meeshan jirin, oo ay naagtayda aawadeed ii dili doonaan.

Авраам ответил: – Я подумал: «В этом месте, конечно, нет страха Божьего, и они убьют меня за мою жену».

12 O o weliba sida runta ah iyadu waa walaashay, waana gabadhii aabbahay, laakiin ma aha gabadhii hooyaday; waxayna noqotay naagtaydii.

Кроме того, она действительно моя сестра – дочь моего отца, хотя и не от моей матери; и она стала моей женой.

13 W axaana dhacay, markii Ilaah iga wareejiyey gurigii aabbahay, inaan ku idhi iyada, Raxmaddaada aad i tusi doonto waxay tahay inaad meel kastoo aynu tagnaba iga tidhaahdo, Waa walaalkay.

Когда Бог отправил меня странствовать из дома моего отца, я сказал ей: «Окажи мне такую услугу: куда бы мы ни пришли, говори обо мне: “Он мой брат”».

14 M arkaasaa Abimeleg wuxuu waday ido iyo dibiyo, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, oo wuxuu siiyey Ibraahim, naagtiisii Saarahna wuu u celiyey.

Тогда Авимелех привел мелкий и крупный скот, рабов и рабынь, дал их Аврааму; и вернул ему его жену Сарру.

15 A bimelegna wuxuu ku yidhi, Bal eeg dhulkaygu waa ku hor yaallaaye. Meeshaad doonto deg.

Авимелех сказал: – Моя земля перед тобой: живи, где хочешь.

16 S aarahna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, walaalkaa waxaan siiyey kun xabbadood oo lacag ah, waana u indhadabool kuwa kula jooga oo dhan; oo xagga wax kasta waa lagaa xaq mariyey.

Сарре он сказал: – Я даю твоему брату тысячу шекелей серебра, чтобы покрыть твою обиду в глазах всего твоего дома; честь твоя восстановлена.

17 I braahimna Ilaah buu baryay, markaasaa Ilaah bogsiiyey Abimeleg, iyo naagtiisii, iyo gabdhihii midiidinyada u ahaa; waxayna dhaleen carruur.

Авраам помолился Богу, и Бог исцелил Авимелеха и его жену, и рабынь, чтобы они снова могли иметь детей,

18 W aayo, Ilaah wuxuu awday maxalladii kuwa reerka Abimeleg oo dhan, waana Saarah oo ahayd naagtii Ibraahim aawadeed.

потому что Господь закрыл в Авимелеховом доме всякое чрево из-за Авраамовой жены Сарры.