1 M agaaladii dadku ka buuxay sidee bay keligeed u fadhiisataa! Sidee bay carmal oo kale u noqotay! Tii quruumaha dhexdooda ku weynayd, oo dalalka gobolladooda amiirad ku ahayd Sidee bay addoon u noqotay!
Как одиноко стоит столица, что некогда была многолюдной! Она стала, как вдова, а была великой среди народов, была царицей над областями, но стала рабыней.
2 H abeenkii aad bay u ooydaa, oo ilmadeediina dhabannaday kaga taal. Kuwii jeclaa oo dhan iyadu kama haysato mid u qalbi qaboojiya. Saaxiibbadeedii oo dhammu way wada khiyaaneeyeen, Oo waxay noqdeen cadaawayaasheedii.
Горько плачет она ночью, и слезы текут по ее щекам. Нет у нее утешителя среди всех возлюбленных ее, все друзья изменили ей и стали врагами.
3 Q uruunta Yahuudah maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay dhibkeedii iyo addoonsigeedii weynaa aawadood. Quruumahay dhex deggan tahay, oo innaba nasasho ma hesho. Silciyayaasheedii oo dhammu waxay soo gaadheen iyadoo cidhiidhi ku dhex jirta.
Иудея пошла в изгнание, после бед и тяжкого рабства. Поселилась она среди других народов, но не нашла покоя. Все ее преследователи настигли ее посреди бедствия.
4 J idadkii Siyoon way baroortaan, maxaa yeelay, ninna iidaha uma yimaado. Irdaheedii oo dhammu waa cidla, wadaaddadeeduna way wada taahaan, Hablaheeda bikradaha ahuna way dhibaataysan yihiin, oo iyada qudheedana dhib qadhaadh baa haya.
Дороги Сиона плачут, потому что никто не идет на праздник. Все ворота столицы опустели, стонут священники ее, девушки печальны, горько и ей самой.
5 K uwii cidhiidhin jiray madax bay noqdeen, cadaawayaasheediina way barwaaqoobaan, Waayo, Rabbigu wuxuu iyada u dhibay xadgudubyadeedii badnaa aawadood. Carruurteediina maxaabiis ahaan bay cadowgoodii u hor socdeen.
Враги правят ею, неприятели ее благоденствуют. Горе послал ей Господь из-за множества ее беззаконий. Дети ее пошли в плен, враг гонит их перед собой.
6 O o magaaladii Siyoon quruxdeedii oo dhammuna way ka dhammaatay. Amiirradeedii waxay noqdeen sidii deero daaq weyday, Oo waxay tageen iyagoo aan itaal ku lahayn kan eryanaya hortiis.
Все великолепие покинуло дочь Сиона. Вожди ее подобны оленям, не находящим пастбища; обессиленные, они бегут впереди погонщика.
7 Y eruusaalem wakhtiga ay dhib iyo wareeg ku jirto ayay waxay soo xusuusataa Waxyaalihii wanaagsanaa oo ay waagii hore haysatay oo dhan. Markii dadkeedu gacanta cadowga ku dhacay, oo aan ninna caawiyin Ayaa cadaawayaashu iyada arkeen, oo baabba'eedana way ku majaajiloodeen.
В дни своих бедствий и скитаний вспомнила столица о всех драгоценностях, которые были у нее в прежние дни. Когда народ ее попал в руки врага, никто не помог ей; враги смотрели на нее и смеялись над ее поражением.
8 Y eruusaalem aad iyo aad bay u dembaabtay, oo sidaas daraaddeed sida wax wasakh ah ayaa loo xooray. Intii sharfi jirtay oo dhammu way quudhsadaan, maxaa yeelay, waxay arkeen cawradeedii. Hubaal way taahdaa, wayna sii jeesataa.
Ужасно согрешила столица, поэтому она и стала нечистой. Все, кто прославлял ее, теперь презирают, потому что увидели ее наготу. Да и сама она вздыхает и отворачивается;
9 N ijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.
ее нечистота замарала ей подол. И так как она не задумывалась о будущем, падение ее было ошеломительным, и не было у нее утешителя. – О Господь, взгляни на мое страдание, ведь враг торжествует!
10 C adowgu wuxuu gacanta ku fidiyey waxyaalaheedii wanaagsan oo dhan, Waayo, iyadu way aragtay in quruumihii ay meesheedii quduuska ahayd galeen, Kuwaasoo aad amartay inayan ururkaaga gelin.
Враг похитил у нее все самое ценное; она видит, как в ее святилище входят язычники, те, кому Ты запретил вступать в Твое собрание.
11 D adkeeda oo dhammu way taahaan, oo kibis bay doondoonaan. Waxyaalahoodii wanaagsanaa cuntay siisteen si ay nafta ugu ceshadaan. Rabbiyow, bal eeg oo ka fiirso, waayo, waxaan noqday wax la nacay.
Весь народ ее стонет в поисках хлеба, отдает драгоценности свои за пищу, лишь бы жизнь сохранить. – О Господь, обрати Твой взор и посмотри как я унижена! Вопль Иерусалима
12 M iyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.
Неужели это не трогает вас, все проходящие мимо? Взгляните и посмотрите, есть ли страдание, подобное моему страданию, которое постигло меня, которое Господь послал на меня в день Своего пылающего гнева?
13 X agga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.
Свыше Он послал огонь, послал его в кости мои. Он раскинул сеть для ног моих, опрокинул меня. Он опустошил меня и наполнил дни мои болезнью.
14 H arqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.
Беззакония мои Он взял и, связав их, сделал из них ярмо. Владыка возложил его на шею мою, чем ослабил силы мои. Он отдал меня в руки тех, кому я не могу противостоять.
15 R aggaygii xoogga badnaa oo dhan Sayidku dhexdayduu ku tuuray. Wuxuu iigu yeedhay shir inuu barbaarradayda burburiyo. Gabadhii bikradda ahayd ee quruunta Yahuudah ah Sayidku wuxuu ugu tuntay sidii macsaro khamri.
Владыка низложил среди меня всех сильных моих, собрал против меня войска, чтобы истребить моих юношей; как в давильне, истоптал Владыка девственную дочь Иуды.
16 W axyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.
Вот почему я плачу, и из глаз моих потоками льются слезы. Рядом нет никого, кто бы утешил меня, оживил бы душу мою. Дети мои разорены, потому что враг одолел их.
17 S iyoon gacmahay hoorsataa, mase jiro mid u qalbi qaboojiya. Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka Yacquub ku wareegsan ay cadaawayaashooda noqdaan. Yeruusaalemna waxay dhexdooda ku tahay sida wax wasakh ah.
Сион простирает руки свои, но нет никого, кто бы утешил его. Господь повелел окружающим народам враждовать с Иаковом. Иерусалим стал мерзостью среди них.
18 R abbigu waa xaq, waayo, amarkiisaan ku caasiyoobay. Dadyowga oo dhammow, i maqla, waan idin baryayaaye, oo bal murugtayda fiiriya. Hablahaygii bikradaha ahaa iyo barbaarradaydii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay.
– Праведен Господь, а я была непокорна слову Его. Послушайте, все народы, и взгляните на страдание мое. Девушки и юноши мои пошли в плен.
19 W axaan u yeedhay kuwii i jeclaa, laakiinse way i khiyaaneeyeen. Wadaaddadaydii iyo duqowdaydiiba magaalada dhexdeeda ayay ku naf bexeen, Intay doondoonayeen cunto ay nafta ku ceshadaan.
Звала я возлюбленных моих, но они меня предали. Священники и старцы мои умирали в городе, ища себе пищи, чтобы сохранить себе жизнь.
20 R abbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya, Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay. Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.
Взгляни, Господь, как я страдаю: душа моя мается, и сердце потеряло покой, потому что я упорно противилась Тебе. Снаружи меч лишил меня детей, а внутри – поселилась смерть.
21 I naan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.
Люди услышали стоны мои, но нет мне утешителя. Все враги мои услышали о бедствии моем и были рады тому, что Ты сделал со мною. Пусть же наступит день, объявленный Тобой, когда с ними случится то же, что и со мной.
22 X umaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.
Пусть все их злодеяния предстанут пред Тобой, и поступи с ними так же, как Ты поступил со мною за все грехи мои, потому что многочисленны стоны мои, и изнемогает сердце мое.