Ishacyaah 34 ~ Исаия 34

picture

1 Q uruumahow, u soo dhowaada si aad wax u maqashaan, oo dadyowgow, i dhegaysta, dhulka iyo waxa ka buuxa iyo dunida iyo waxyaalaha ka soo baxa oo dhammu ha maqleen.

Подойдите, народы, чтобы слушать; внимайте, племена! Пусть слышит земля и все, что ее наполняет, мир и все, что рождается в нем!

2 W aayo, Rabbigu wuxuu u cadhaysan yahay quruumaha oo dhan, oo wuxuuna u dhirifsan yahay ciidammadooda oo dhan. Dhammaantood wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu iyaga u gudbiyey in la laayo.

Господь разгневан на все народы; ярость Его на все их полчища. Он обрек их полному уничтожению, предал их на бойню.

3 O o weliba kuwoodii la laayayna waa la xoori doonaa, oo qudhmuunkooduna wuxuu ka soo uri doonaa bakhtigooda, oo buurahana dhiiggoodaa ka soo qulquli doona.

Их убитые будут разбросаны, трупы их будут смердеть; от их крови размокнут горы.

4 O o ciidanka samada oo dhammuna wuu wada idlaan doonaa, oo samooyinka oo dhanna waa la wada duudduubi doonaa sida qorniin duudduuban oo kale, oo ciidankooda oo dhammuna hoos buu u soo daadan doonaa sida caleenu geed canab ah uga dhacdo iyo sida xabbad berde ahu geed berde ah uga soo dhacdo.

Звезды на небе истлеют, и небо свернется, как свиток; все звездное воинство падет, как пожухшие листья с лозы, как засохший плод с инжира.

5 W aayo, seeftaydu samooyinkay ka dheregtay oo bal eega, waxay ku soo degi doontaa Edom iyo dadkii aan habaaray inay xukunto.

– Меч Мой упился на небесах; вот, он нисходит для суда на Эдом, на обреченный Мною народ.

6 W aayo, seeftii Rabbiga dhiig baa ka buuxsamay, oo waxay ka dheregtay baruur, iyo dhiig baraar iyo orgi, iyo baruurta kelyaha ee wananka, waayo, Rabbigu wuxuu qurbaan ku samaynayaa Bosraah, oo dalka Edomna layn weyn.

Меч Господень омылся кровью, жиром покрыт – кровью ягнят и козлят, жиром бараньих почек, потому что у Господа жертва в Боцре и великая бойня в Эдоме.

7 O o lo'gisiguna iyaguu la dhici doonaa, oo dibida yaryaruna dibida waaweyn bay la dhici doonaan, oo dalkooduna dhiig buu ka wabxi doonaa oo ciiddooduna baruur bay ka dhergi doontaa.

С ними падут и дикие быки, как телята, так и взрослые. Кровью упьется земля, и намокнет от жира пыль,

8 W aayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.

потому что Господь определил день мщения, год воздаяния по тяжбе Сиона.

9 O o durdurradooduna waxay u beddelmi doonaan daamur, oo ciiddooduna waxay u beddelmi doontaa baaruud, oo dhulkooduna wuxuu noqon doonaa daamur gubanaya.

Потоки Эдома превратятся в смолу, пыль его – в серу; земля его станет горящей смолой!

10 O o habeen iyo maalinba lama demin doono, oo qiiqiisuna weligiisba kor buu u bixi doonaa, oo tan iyo ab ka abna cidla ayuu ahaan doonaa, oo weligiis iyo weligiisba ciduna ma dhex mari doonto.

Она не будет гаснуть ни днем, ни ночью; дым ее будет подниматься вечно. Из поколения в поколение будет она в запустении; человек на нее не ступит во веки веков.

11 L aakiinse waxaa iska hantiyi doona cantalyaaga iyo caanaqubta, oo waxaa dhexdiisa degganaan doona guumays iyo tuke, oo isna wuxuu korkiisa ku fidin doonaa xadhigga qiyaaseed ee qasnaanta, iyo xadhigga miisaanka leh ee baabbi'inta.

Завладеют ею пустынные совы и ежи, филины и вороны будут жить в ней. Бог протянет над ней мерку пустоты и свинцовый отвес безликости.

12 R aggiisa gobta ah waxaa loogu yeedhi doonaa boqortooyada, laakiinse midkoodna halkaas ma joogi doono, oo amiirradiisa oo dhammuna waxba ma ay ahaan doonaan.

Скажут о ней «Нет-там-царства», все правители ее станут ничем.

13 O o daarihiisa waaweynna waxaa ka soo bixi doona qodxan, oo qalcadihiisana waxaa ka soo bixi doona maraboob iyo yamaarug, oo waxay noqon doonaan dawacooyin rugtood, iyo barxad gorayo daaqdo.

На ее дворцах вырастет терновник, на ее крепостях – крапива с колючками. Она станет логовом шакальим, жилищем сов.

14 O o xayawaanka lamadegaankuna waxay halkaas kula kulmi doonaan yeyda, bahalka dhogorta dheer lehna wuxuu u qaylin doonaa wadaygiis, oo guumaysuhuna halkaasay degi doonaan, oo waxay nafsaddooda u heli doonaan meel ay ku nastaan.

Там будут встречаться дикие кошки с гиенами, дикие козлы перекликаться друг с другом; ночная живность будет там отдыхать и находить себе место покоя.

15 O o abeesaduna halkaasay buul ka samaysan doontaa, oo ukunteeda ku dhali doontaa, oo ku dillaacin doontaa, oo waxay ku soo ururin doontaa hooskeeda, oo gorgoraduna halkaasay ku soo ururi doonaan, oo mid kastaaba waxay la jiri doontaa ka qaba.

Совы там будут гнездиться и откладывать яйца, высиживать и собирать птенцов под тень своих крыльев. Там будут собираться и коршуны, каждый со своей парой.

16 B al doondoona kitaabka Rabbiga oo akhriya. Waxyaalahaas miduna kama baaqan doonto, oo midunaba ka qaba ma waayi doonto, waayo, Rabbiga afkiisaa amray oo waxaa iyaga soo ururiyey Ruuxiisa.

Отыщите в книге Господней и прочитайте: Ни одно из этих тварей не будет упущено, и каждое будет с парой. Ведь Его уста отдали повеление, и Его Дух соберет их.

17 O o isagaa saamiga u tuuray, oo gacantiisaa xadhig qiyaaseed ugu qaybisay, oo iyana weligoodba way iska hantiyi doonaan, oo tan iyo ab ka abna way dhex degganaan doonaan.

Он наделяет их уделами; Его рука раздает их по мерке. Они будут владеть ими вечно и жить в них из поколения в поколение.