1 H addaba raggii reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, iyagoo Misfaah jooga, oo waxay isku yidhaahdeen, Midkeenna waa inaanu gabadhiisa u guurin reer Benyaamiin.
Израильтяне поклялись в Мицпе: – Никто из нас не отдаст свою дочь замуж за вениамитянина.
2 M arkaasaa dadkii waxay yimaadeen Beytel, oo halkaasay Ilaah hor fadhiyeen ilaa fiidkii, oo intay codkoodii kor u qaadeen ayay aad u ooyeen.
Народ пошел в Вефиль, где и сидели перед Богом до вечера, громко и горько плача.
3 O o waxay yidhaahdeen, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, maxaa waxanu uga dhex dhaceen reer binu Israa'iil in maanta qabiil ka dhimanaado reer binu Israa'iil?
– О Господь, Бог Израиля, – говорили они, – почему это случилось с Израилем? Почему сегодня у Израиля недостает одного рода?
4 O o waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
На следующее утро, встав рано, народ построил там жертвенник и принес на нем всесожжения и жертвы примирения.
5 O o reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, Qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan yaa ka maqan oo aan iman shirka Ilaah? Waayo, waxay ku dhaarteen dhaar weyn oo ku saabsan kii aan Misfaah Rabbiga ugu soo shirin, oo waxay yidhaahdeen, Hubaal kaas waa in la dilaa.
И израильтяне спросили: – Какой из всех родов Израиля не пришел на общество перед Господом? Они дали великую клятву, что всякий, кто не придет в общество перед Господом в Мицпу, непременно будет предан смерти.
6 O o reer binu Israa'iilna waxay u qoomamoodeen walaalahood reer Benyaamiin, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaa jira qabiil ka go'ay reer binu Israa'iil.
Израильтяне горевали о своих братьях вениамитянах. – Сегодня от Израиля отсечен один род, – говорили они. –
7 S idee baynu inta ka hadhay naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, waxaynu ku dhaarannay Rabbiga inaynaan gabdhaheenna u guurin iyaga?
Где нам взять жен для тех, кто уцелел, раз мы поклялись Господом не отдавать им в жены наших дочерей?
8 O o waxay isku yidhaahdeen, Qabiilooyinka reer binu Israa'iil qabiilkee baan Rabbiga Misfaah ugu iman? Oo bal eeg, midnaba xeradii shirka ugama iman reer Yaabeesh Gilecaad oo dhan.
Затем они спросили: – Какой из израильских родов не пришел на общество перед Господом в Мицпу? Выяснилось, что в лагерь на общество не пришел никто из Иавеша, что в Галааде;
9 W aayo, markii dadka la tiriyey bal eeg, halkaas ma joogin ka mid ah dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa.
и когда они пересчитали народ, там не оказалось ни одного из жителей Иавеша, что в Галааде.
10 M arkaasaa shirkii wuxuu halkaas u diray laba iyo toban kun oo nin oo xoog leh, oo waxayna ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo seef ku laaya dadka Yaabeesh Gilecaad deggan, iyo dumarka iyo yaryarkaba.
И тогда общество отправило туда двенадцать тысяч воинов, велев им: – Идите, предайте мечу всех жителей Иавеша, что в Галааде, вместе с женщинами и детьми.
11 O o waa inaad sidatan yeeshaan, oo aad inta lab oo dhan wada baabbi'isaan, iyo naag kasta oo nin la seexdayba.
Сделайте вот что: полностью истребите всех мужчин и всех женщин, кроме девственниц.
12 M arkaasay dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa ka soo heleen afar boqol oo gabdhood oo dhallinyar oo wada bikrado ah, oo aan weligood ninna la seexan; oo waxay iyagii keeneen xeradii Shiiloh, taasoo ku tiil dalka reer Kancaan.
Среди жителей Иавеша Галаадского они нашли четыреста девушек, которые еще не спали с мужчиной, и увели их в лагерь в Шило, что в земле Ханаана.
13 M arkaasaa shirkii oo dhammu wuxuu u cid diray oo la hadlay reer Benyaamiinkii joogay dhagaxii weynaa oo Rimmon, oo waxay ugu bishaareeyeen nabad.
Все общество послало вениамитянам к скале Риммон предложение заключить мир.
14 O o markaasay reer Benyaamiin soo noqdeen, oo waxaa la siiyey naagihii iyagoo nool Yabeesh Gilecaad laga keenay ee ka hadhay naagihii dalkaas; oo weliba kuma ay filnaan.
Тогда вениамитяне вернулись, и им дали женщин Иавеша, что в Галааде, которых оставили в живых. Но на всех не хватило.
15 O o dadkii waxay u qoomamoodeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Rabbigu dillaac buu u yeelay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.
Народ горевал о Вениамине, потому что Господь не сохранил целостности родов Израиля.
16 M arkaasaa odayaashii shirku waxay yidhaahdeen, Bal inta hadhay sidee baynu naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, naagihii waa laga baabbi'iyey reer Benyaamiin?
И старейшины общества сказали: – Женщины Вениамина истреблены. Как нам добыть жен для мужчин, которые уцелели?
17 O o waxay isku yidhaahdeen, Intii reer Benyaamiin ka baxsatay waa inay dhaxal helaan, si aan qabiil uga baabbi'in reer binu Israa'iil.
У уцелевших вениамитян должны быть наследники, – сказали они, – чтобы Израиль не потерял один из своих родов.
18 H abase ahaatee waa inaynaan gabdhaheenna iyaga u guurin; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, oo yidhaahdeen, Inkaaru ha ku dhacdo kii gabadh u guuriya reer Benyaamiin.
Мы не можем дать им в жены своих дочерей, ведь мы, израильтяне, поклялись: «Проклят всякий, кто даст жену вениамитянину».
19 O o haddana waxay yidhaahdeen, Bal eeg, sannad ka sannad waxaa jirta iidda Rabbiga ee lagu sameeyo Shiiloh, taasoo woqooyi ka xigta Beytel, oo ah dhanka bari oo waddada weyn oo Shekem aadda oo Beytel ka tagta, iyo Leboonaah xaggeeda koonfureed.
Но смотрите, праздник Господу ежегодно празднуется в Шило, что на севере от Вефиля и на востоке от дороги, что ведет от Вефиля в Шехем и на юг от Левоны.
20 M arkaasay waxay reer Benyaamiin ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo ku gaada beeraha canabka ah dhexdooda;
И они научили вениамитян, говоря: – Идите, спрячьтесь в виноградниках
21 o o bal eega, haddii ay gabdhaha reer Shiiloh u soo baxaan inay cayaaraan, de markaas ka soo baxa beeraha canabka ah, oo nin kastaaba naag ha ka qabsado gabdhaha reer Shiiloh, oo markaas waxaad la tagtaan dalka reer Benyaamiin.
и наблюдайте. Когда девушки Шило выйдут, чтобы кружиться в плясках, выбегайте из виноградников, хватайте каждый себе в жены одну из девушек Шило и ступайте в землю Вениамина.
22 O o markay aabbayaashood ama walaalahood noo soo cawdaan, waxaannu iyaga ku odhan doonnaa, Warroy raalli nooga ahaada iyaga; maxaa yeelay, annagu ninna dagaalkii naag ugama aannan reebin. Idinna ma aydnaan siin iyaga, haddii kalese haatan eed baad lahaan lahaydeen.
Когда их отцы или братья станут жаловаться нам, мы им скажем: «Будьте великодушны и оставьте их нам, потому что мы не взяли для них жен на войне, а раз не вы сами отдали их нам, то и вы не виновны».
23 O o reer Benyaamiinna sidii bay yeeleen, oo waxay intii tiradoodu ahaydba naago ka qaateen kuwii cayaarayay, oo way la tageen; oo waxay tageen oo ku noqdeen dalkoodii ay dhaxalka u heleen, oo magaalooyinkiina way dhiseen oo degeen.
Так вениамитяне и поступили. Когда девушки плясали, каждый мужчина схватил по одной и унес, чтобы она стала его женой. После этого они вернулись в свой удел, отстроили города и поселились в них.
24 O o reer binu Israa'iilna markaasay halkaas ka tageen. Oo nin waluba wuxuu tegey qabiilkiisii iyo xaaskiisii, oo halkaas intay ka tageen ayaa nin waluba wuxuu u kacay dalkiisii dhaxalka ahaa.
А израильтяне тогда же покинули то место и пошли домой к своим родам и кланам, каждый – в свой удел.
25 W aagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.
В те дни у Израиля не было царя, и каждый делал то, что считал правильным.