Baxniintii 7 ~ Исход 7

picture

1 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal fiiri, waxaan Fircoon kaaga dhigay sidii ilaah oo kale, walaalkaa Haaruunna wuxuu ahaan doonaa nebigaaga.

Господь сказал Моисею: – Смотри, Я сделал так, чтобы ты был как Бог для фараона, а твой брат Аарон будет как бы твоим пророком.

2 A digu waa inaad ku hadasho waxa aan kugu amrayo oo dhan; walaalkaa Haaruunna waa inuu Fircoon la hadlo si uu reer binu Israa'iil u sii daayo si ay dalkiisa uga baxaan.

Говори все, что Я тебе велю, а твой брат Аарон пусть скажет фараону, чтобы тот отпустил израильтян из своей страны.

3 O o Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar.

Но Я сделаю сердце фараона упрямым, и хотя Я сотворю много знамений и чудес в Египте,

4 L aakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.

он не послушает тебя. Тогда Я обращу руку Мою на Египет и великими судами выведу Мои воинства, Мой народ, израильтян, из этой земли.

5 M arkaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga.

Египтяне узнают, что Я – Господь, когда Я занесу руку над Египтом и выведу оттуда израильтян.

6 M arkaasaa Muuse iyo Haaruun sidaas yeeleen. Sidii Rabbigu ku amray, ayay yeeleen.

Моисей и Аарон сделали, как повелел им Господь.

7 M uusena markaas wuxuu jiray siddeetan sannadood, Haaruunna wuxuu jiray saddex iyo siddeetan sannadood markay Fircoon la hadleen. Usha Haaruun Oo Noqotay Abeeso

Моисею было восемьдесят лет, а Аарону восемьдесят три года, когда они говорили с фараоном. Посох Аарона превращается в змею

8 M arkaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

Господь сказал Моисею и Аарону:

9 M arkii Fircoon idinla hadlo, oo idinku yidhaahdo, Cajaa'ib i tusa; markaas waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo Fircoon hortiisa ku tuur, si ay abeeso u noqoto.

– Когда фараон скажет вам: «Сотворите чудо», – скажи Аарону: «Возьми посох и брось его перед фараоном». Посох превратится в змею.

10 M arkaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay yeeleen sidii Rabbigu ku amray, markaasaa Haaruun ushiisii ku hor tuuray Fircoon iyo addoommadiisii, oo waxay noqotay abeeso.

Моисей и Аарон пришли к фараону и сделали так, как повелел им Господь. Аарон бросил свой посох перед фараоном и его приближенными, и он превратился в змею.

11 F ircoonna markaasuu wuxuu u yeedhay raggiisii xigmadda lahaa iyo saaxiriintiisii, markaasaa falalowyadii Masarna iyana yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen.

Тогда фараон позвал мудрецов и чародеев, и египетские колдуны с помощью колдовства сделали то же самое.

12 W aayo, nin waluba wuxuu tuuray ushiisii, markaasay waxay noqdeen abeesooyin, laakiinse ushii Haaruun baa wada liqday ulahoodii oo dhan.

Каждый бросил свой посох, и те превратились в змей; но посох Аарона проглотил их посохи.

13 Q albigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi. Belaayadii Dhiigga

Однако сердцем фараона завладело упрямство – он не послушал их, как и говорил Господь. Первое наказание: превращение воды в кровь

14 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon waa macangag, oo wuu diidayaa inuu dadka sii daayo.

Тогда Господь сказал Моисею: – Фараон упрям и отказывается отпустить народ.

15 B al subaxda Fircoon u tag, waayo, aroorta wuxuu tagaa biyaha. Haddaba waxaad istaagtaa webiga qarkiisa inaad la kulantid isaga; oo gacanta waxaad ku qaadataa ushii abeesada noqotay.

Пойди к фараону утром, когда он выходит к реке. Возьми посох, который превращался в змею, и подожди царя Египта на берегу Нила.

16 O o waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa ii soo kaa diray, oo wuxuu kugu yidhi, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu adeegaan; oo bal eeg, hadda ka hor ima aad maqlin.

Скажи ему: «Господь, Бог евреев, посылал меня сказать тебе: “Отпусти Мой народ поклониться Мне в пустыне”. Но до сих пор ты не слушался.

17 O o waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig.

Так говорит Господь: “Теперь ты узнаешь, что Я – Господь. Посохом, который у меня в руке, я ударю по воде Нила, и вода превратится в кровь.

18 O o kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan.

Рыба в Ниле умрет, река станет зловонной, и египтяне не смогут пить из нее”».

19 R abbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo gacanta ku kor fidi biyaha Masar, iyo webiyaashooda, iyo durdurradooda, iyo galalkooda, iyo balliyadooda biyaha ah oo dhan, si ay u noqdaan dhiig; oo dhulka Masar oo dhammu wuxuu noqon doonaa dhiig miidhan, oo ku jiri doona weelasha qoriga ah iyo weelasha dhagaxa ahba.

Господь сказал Моисею: – Скажи Аарону: «Возьми посох и протяни руку над водами Египта – над реками и каналами, над прудами и всеми водоемами: вода в них превратится в кровь. Кровь будет в Египте повсюду, даже в деревянных и каменных сосудах».

20 M arkaasaa Muuse iyo Haaruun yeeleen sidii Rabbigu ku amray; kolkaasuu ushii kor u qaaday, oo biyihii webiga ku jiray ku dhuftay Fircoon iyo addoommadiisii hortooda, markaasaa biyihii webiga ku jiray oo dhammu waxay u rogmadeen dhiig.

Моисей и Аарон сделали, как повелел им Господь. Аарон поднял посох на глазах у фараона и его приближенных, ударил по воде Нила, и она превратилась в кровь.

21 K alluunkii webiga ku jirayna way wada bakhtiyeen; webigiina waa uray, Masriyiintiina biyo way ka cabbi kari waayeen webigii; dhulkii Masar oo dhammuna wuxuu noqday dhiig miidhan.

Рыба в Ниле умерла, и река стала такой зловонной, что египтяне не могли пить из нее. Кровь была повсюду в Египте.

22 M arkaasaa saaxiriintii Masarna waxay yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

Но египетские чародеи своим колдовством сделали то же самое. И сердцем фараона завладело упрямство. Он не послушал Моисея и Аарона, как и говорил Господь.

23 K olkaasaa Fircoon noqday oo gurigiisii tegey, waxanna qalbigiisii maba uu gelin.

Царь Египта развернулся и ушел во дворец, даже не задумываясь об этом.

24 M arkaasaa Masriyiintii oo dhammu waxay qoteen webiga dhinacyadiisa inay helaan biyo ay cabbaan, waayo, biyihii webiga way cabbi kari waayeen.

А египтяне стали копать колодцы вдоль Нила, чтобы добыть питьевую воду. Они не могли пить из реки.

25 O o intii Rabbigu webiga kharribay toddoba maalmood baa ka dambaysay.

С тех пор, как Господь поразил воду в Ниле, прошло семь дней.