Sekaryaah 8 ~ Захария 8

picture

1 M arkaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,

Было ко мне слово Господа Сил:

2 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn.

– Так говорит Господь Cил: Крепко возревновал Я о Сионе; Моя ревность о нем пылает, как огонь».

3 R abbigu wuxuu leeyahay, Siyoon baan ku soo noqday, oo waxaan degganaan doonaa Yeruusaalem dhexdeeda, oo Yeruusaalem waxaa lagu odhan doonaa Magaaladii runta, oo buurta Rabbiga ciidammadana waxaa lagu odhan doonaa Buurta quduuska ah.

Так говорит Господь: Я вернусь на Сион и буду жить в Иерусалиме. Иерусалим назовут городом истины, и гора Господа Сил назовется святой горою.

4 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis.

Так говорит Господь Cил: Снова старики и старушки будут сидеть на улицах Иерусалима со старческой тростью в руках.

5 O o magaalada jidadkeedana waxaa ka buuxi doona wiilal iyo gabdho oo jidadka dhexdooda ku cayaaraya.

Улицы города наполнятся мальчиками и девочками, играющими там.

6 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?

Так говорит Господь Cил: Если это покажется в то время невозможным для остатка народа, то должно ли это быть невозможным и для Меня? – возвещает Господь Cил.

7 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.

Так говорит Господь Cил: Я вызволю Мой народ из восточных и западных стран.

8 W aanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.

Я верну их, чтобы им жить в Иерусалиме; они будут Моим народом, а Я буду их Богом, верным и праведным.

9 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.

Так говорит Господь Cил: Вы, кто ныне слышит из уст пророков эти слова, которые были сказаны, когда закладывались основания дома Господа Сил! Пусть ваши руки будут сильными, чтобы храм был построен.

10 W aayo, wakhtigaas ka hor ninna kiro ma lahayn, neefna kiro ma lahayn innaba, oo kii baxay iyo kii galay toona nabadu uma jirin cadowga daraaddiis, waayo, dadka oo dhan nin kasta waxaan ku diray deriskiisa.

До этого времени человеку за труд не платили, скот не кормили. Никому из странствующих не было покоя от врагов, потому что Я обратил всех людей друг против друга.

11 L aakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.

Но с остатком народа Я не стану больше поступать, как прежде, – возвещает Господь Cил. –

12 W aayo, waxaa jiri doona iniintii nabadda. Geedcanabkuna canabkiisuu dhali doonaa, oo dhulkuna midhihiisuu soo bixin doonaa, oo samooyinkuna sayaxay soo deyn doonaan, oo waxaan ka dhigi doonaa in kuwa dadkan ka hadhay ay waxyaalahan oo dhan dhaxlaan.

Семена будут спокойно прорастать, виноградная лоза принесет плод, земля даст урожай, и небеса будут сочиться росой. Все это Я отдам во владение остатку народа.

13 D adka dalka Yahuudahow, iyo dadka dalka Israa'iilow, sidaad quruumaha habaar ugu dhex ahaydeen ayaan idiin badbaadin doonaa, oo barako baad ku ahaan doontaan. Ha cabsanina, laakiinse gacmihiinnu xoog ha yeesheen.

Вы были проклятием среди народов, дом Иуды и дом Израиля, но Я спасу вас, и вы станете благословением. Не бойтесь; пусть ваши руки будут сильными.

14 W aayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Sidii waagii ay awowayaashiin iiga xanaajiyeen oo aan ugu fikiray inaan iyaga wax xun ku sameeyo, oo aanan taas uga soo noqon,

Так говорит Господь Cил: Я решил покарать вас и не миловать, когда ваши отцы вызвали Мой гнев, – говорит Господь Cил, –

15 s idaas oo kale ayaan haatan ku fikiray inaan wax wanaagsan ku sameeyo Yeruusaalem iyo dadka dalka Yahuudah, haddaba ha cabsanina.

но теперь Я решил снова сделать Иерусалиму и Иудее добро. Не бойтесь.

16 I dinku waxaad samaysaan waxyaalahan, ninkiin kastaaba deriskiisa run ha kula hadlo, oo waxaad irdihiinna ku naqdaan garsoorid run ah oo nabad keenta,

Вот что вам следует делать: говорите друг другу правду, судите в своих судах истинным судом – тем, который приносит мир,

17 o o midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin deriskiisa, oo ha jeclaanina dhaar been ah, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahan oo dhammu waa waxyaalo aan necbahay.

не замышляйте зла против своего ближнего и не любите клясться ложно. Все это Я ненавижу, – возвещает Господь.

18 O o waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,

Было ко мне слово Господа Сил:

19 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Soonkii bisha afraad iyo soonkii bisha shanaad iyo soonkii bisha toddobaad iyo soonkii bisha tobnaadba waxay dadka dalka Yahuudah u noqon doonaan farxad iyo rayrayn iyo iido lagu rayreeyo, haddaba sidaas daraaddeed jeclaada runta iyo nabadda.

– Так говорит Господь Cил: Посты, в четвертом, пятом, седьмом и десятом месяцах, станут у дома Иуды веселыми и радостными торжествами и светлыми праздниками: так что любите истину и мир.

20 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Mar kale waxaa iman doona dadyow iyo kuwo magaalooyin badan deggan.

Так говорит Господь Cил: Еще придут многие народы и жители многих городов,

21 O o magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa.

и жители одного города пойдут в другой и скажут: «Пойдемте скорее просить Господа о милости и искать Господа Сил! Сам я уже иду».

22 D adyow badan iyo quruumo xoog badanuba waxay u soo kici doonaan inay Yeruusaalem ka doondoonaan Rabbiga ciidammada, iyo inay Rabbiga baryaan.

Многочисленные народы и сильные племена придут в Иерусалим искать Господа Сил и просить Господа о милости.

23 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas toban nin oo ka mid ah quruumaha oo dhammu waxay ku dhegi doonaan mid Yuhuud ah darafka dharkiisa, iyagoo leh, Annagu waannu idin raaci doonnaa, waayo, waxaannu maqalnay in Ilaah idinla jiro.

Так говорит Господь Cил: В те дни по десять человек из всех языков и народов схватят за край одежды одного иудея и скажут: «Позволь нам идти с тобой, ведь мы слышали, что с вами Бог!».