Taariikhdii Kowaad 23 ~ 1-я Паралипоменон 23

picture

1 H addaba Daa'uud wuu gaboobay, wuuna da' weynaa, markaasuu reer binu Israa'iil boqor uga dhigay wiilkiisii Sulaymaan.

Когда Давид состарился и был в преклонных годах, он сделал своего сына Соломона царем Израиля.

2 O o wuxuu soo wada ururiyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba.

Еще он собрал всех вождей Израиля, а также священников и левитов.

3 M arkaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin.

Левиты в возрасте от тридцати лет были пересчитаны. Их оказалось тридцать восемь тысяч человек.

4 O o kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno,

Давид сказал: – Пусть двадцать четыре тысячи из них следят за работой в доме Господа, а шесть тысяч будут сановниками и судьями.

5 o o afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi.

Четыре тысячи пусть будут служащими у ворот, и четыре тысячи пусть славят Господа, играя на музыкальных инструментах, которые я для этого приготовил.

6 O o Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. Reer Gershoon

Давид разделил левитов на три группы по сыновьям Левия – Гершону, Каафу и Мерари. Гершониты

7 R eer Gershoon waxaa ahaa Lacdaan iyo Shimcii.

Из гершонитов: Лаедан и Шимей.

8 W iilashii Lacdaan waxay ahaayeen saddex, waana Yexii'eel oo madax ahaa, iyo Seetaam, iyo Yoo'eel.

Сыновья Лаедана: Иехиил – первый, Зефам и Иоиль – всего трое.

9 W iilashii Shimciina waxay ahaayeen saddex, waana Shelomood, iyo Xasii'eel, iyo Xaaraan, kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinkii reer Lacdaan.

Сыновья Шимея: Шеломоф, Хазиил и Харран – всего трое. Они были главами кланов-семейств от Лаедана.

10 O o waxaa wiilashii Shimcii ahaa Yaaxad, iyo Siinaa, iyo Yecuush, iyo Beriicaah. Afartaasuba waxay ahaayeen wiilashii Shimcii.

Еще сыновья Шимея: Иахаф, Зиза, Иеуш и Берия – всего четверо.

11 O o waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer. Reer Qohaad

Иахаф был первым, а Зиза – вторым, но у Иеуша и Берии было мало сыновей, и они считались как один клан. Каафиты

12 W iilashii Qohaadna waxay ahaayeen afar, waana Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon iyo Cusii'eel.

Сыновья Каафа: Амрам, Ицгар, Хеврон и Узиил – всего четверо.

13 W iilashii Camraamna waxay ahaayeen Haaruun iyo Muuse, oo Haaruun waxaa gooni looga dhigay inay isagii iyo wiilashiisuba weligood quduus ka dhigaan waxyaalaha ugu wada quduusan iyo inay Rabbiga hortiisa foox ku shidaan, oo ay u adeegaan oo ay weligoodba magiciisa ku duceeyaan.

Сыновья Амрама: Аарон и Моисей. Аарон был отделен, чтобы посвящать самую святую утварь (он сам и его сыновья навеки), приносить жертвы Господу, совершать перед Ним служение и всегда благословлять Его Именем.

14 L aakiinse Muuse oo ahaa nin Ilaah wiilashiisii waxaa lagu tiriyey qabiilka reer Laawi.

Сыновья Моисея, Божьего человека, причислялись к роду Левия.

15 W iilashii Muusena waxay ahaayeen Gershoom iyo Eliiceser.

Сыновья Моисея: Гершом и Элиезер.

16 I na Gershoomna wuxuu ahaa Shebuu'eel oo madax ahaa.

Сыновья Гершома: Шевуил был первым из них.

17 I na Eliiceserna wuxuu ahaa Rexabyaah oo madax ahaa. Oo Eliiceser innaba wiilal kale ma lahayn, laakiinse Rexabyaah wiilashiisu aad bay u badnaayeen.

Сыновья Элиезера: Рехавия был первым. У Элиезера не было других сыновей, но у Рехавии было очень много сыновей.

18 I na Isehaarna wuxuu ahaa Shelomiid oo madax ahaa.

Сыновья Ицгара: Шеломит был первым из них.

19 W iilashii Xebroonna waxay ahaayeen Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.

Сыновья Хеврона: первый – Иерия, второй – Амария, третий – Иахазиил и четвертый – Иекамам.

20 W iilashii Cusii'eelna waxay ahaayeen Miikaah oo madax ahaa, iyo Yishiyaah oo ahaa kii labaad. Reer Meraarii

Сыновья Узиила: первый – Миха, а второй – Ишшия. Мерариты

21 W iilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Wiilashii Maxliina waxay ahaayeen Elecaasaar iyo Qiish.

Сыновья Мерари: Махли и Муши. Сыновья Махли: Элеазар и Киш.

22 O o Elecaasaarna wuxuu dhintay isagoo gabdho keliya mooyaane aan wiilal lahayn, oo waxaa gabdhihiisii guursaday reer Qiish oo ahaa ilma-adeerradood.

Элеазар умер, не родив сыновей: у него были только дочери. Их двоюродные братья, сыновья Киша, взяли их себе в жены.

23 W iilashii Mushiina waxay ahaayeen saddex, waana Maxlii iyo Ceeder iyo Yereemood.

Сыновья Муши: Махли, Едер и Иеримот. Всего – трое. Служение левитов при доме Господа

24 K uwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

Это потомки Левия по их семействам, то есть главы семейств, которые были внесены в родословия поименно и перечислены по отдельности – мужчины от двадцати лет, которые несли службу в доме Господа.

25 W aayo, Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil dadkiisuu nasiyey, oo weligiis wuxuu deggan yahay Yeruusaalem.

Давид сказал: – Так как Господь, Бог Израиля, даровал Своему народу покой и поселился в Иерусалиме навеки,

26 W eliba reer Laawina mar dambe uma baahan doonaan inay qaadaan taambuugga iyo weelashiisa lagaga adeego oo dhan.

левитам больше нет нужды носить ни скинию, ни утварь, которой пользуются во время служения в нем.

27 O o Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

По последним указаниям Давида перечислялись те из левитов, кому было от двадцати лет и выше.

28 W aayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga.

Теперь левиты должны были помогать потомкам Аарона в службах Господнего дома: следить за дворами и комнатами, очищением всей священной утвари и исполнять другие обязанности при Божьем доме.

29 O o weliba waxay kala hagaajin jireen kibistii tusniinta iyo burkii laga dhigi jiray qurbaan jidhiidh ah, hadduu ahaa kibis aan khamiir lahayn ama tii digsiga lagu dubi jiray, amase tii la qoyn jiray, iyo cayn kasta oo ah qiyaas iyo miisaan,

Они заботились о священном хлебе, о лучшей муке для хлебных приношений, о пресных коржах, о выпечке для приношения, о приношении, которое смешивается с маслом, и обо всех мерах объема и веса.

30 i yo inay subax kasta u istaagaan inay Rabbiga ku mahadnaqaan oo ammaanaan, oo haddana habeenkiina saasoo kalay yeeli jireen.

Они должны были каждое утро благодарить и славить Господа, делать то же самое вечером,

31 O o haddana waxay had iyo goor Rabbiga hortiisa ku bixin jireen qurbaanno la gubo oo dhan, waxayna bixin jireen sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha, waxayna u bixin jireen si waafaqsan tiradoodii qaynuunka ku qornayd,

и всякий раз, когда в субботы, праздники Новолуния и в установленные праздники Господу приносилась жертва всесожжения. Они должны были служить Господу постоянно в надлежащем количестве и так, как для них предписано.

32 w ayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.

Так они исполняли свои обязанности при шатре собрания и при доме, помогая своим собратьям, потомкам Аарона, в их служении.