Caamoos 6 ~ Амос 6

picture

1 W axaa iska hoogay kuwa Siyoon xasilloonaan ku nool, oo buurta Samaariya ammaan ku deggan, kuwaasoo ah kuwa caanka ah ee madaxda quruumaha oo dadka Israa'iil u yimaadaan!

Горе вам, беззаботным на Сионе, и вам, кто в Самарии чувствует себя в безопасности, вам, знати первого из народов, к которым приходят израильтяне!

2 K alneh u gudba oo bal eega, oo halkaasna ka sii taga Xamaad tan weyn, dabadeedna waxaad sii tagtaan Gad ta reer Falastiin. Iyagu miyey ka wanaagsan yihiin boqortooyooyinkaas? Dalkoodu miyuu ka weyn yahay dalkiinna?

Пойдите в Халне и посмотрите на него; оттуда пойдите в великий Хамат, потом сойдите в Гат филистимский. Лучше ли они двух ваших царств? Больше ли их земля, чем ваша?

3 W axaa iska hoogay kuwiinna maalintii sharka fogeeya, oo ka dhiga fadhigii dulmiga inuu soo dhowaado,

Вы пытаетесь отдалить день бедствия и приближаете торжество насилия.

4 o o sariiro foolmaroodi ah ku jiifsada, oo gogosha isku kala bixiya, oo cuna baraarka idaha iyo weylaha edegga ku dhex jira,

Вы лежите на кроватях, украшенных слоновой костью, нежитесь на своих ложах. Вы питаетесь лучшими ягнятами и упитанными телятами.

5 o o u heesa dhawaaqa shareeradda, oo isu hindisa alaab muusiko sidii kuwii Daa'uud,

Вы горланите под звуки арфы и думаете, что сочиняете песни, как Давид.

6 o o khamriga maddiibadaha ku cabba, oo ku subkada saliidda ugu wada fiican, laakiinse kama murugaysna dhibaatada reer Yuusuf haysata.

Вы пьете вино чашами, мажетесь лучшими благовониями, но не горюете о крушении Иосифа.

7 H addaba sidaas daraaddeed iyagu waxay haatan raaci doonaan kuwa marka hore maxaabiis ahaanta loo kaxaysan doono, oo diyaafadda kuwa iskala bixin jiray waa dhammaan doontaa. Rabbiga Oo Karhay Kibirkii Yacquub

Поэтому вы среди первых пойдете в плен, и кончится ликование изнеженных. Господь гнушается гордостью Израиля

8 R abbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.

Собой поклялся Владыка Господь, и вот, что возвещает Господь, Бог Сил: – Я гнушаюсь гордостью Иакова, крепости его Мне ненавистны; Я отдам город врагам со всем, что есть в нем.

9 O o haddii toban nin guri keliya ku hadho way dhiman doonaan.

Даже если десять человек останутся в одном доме, то умрут и они.

10 O o markii nin adeerkiis oo ah kan isaga gubi doona uu kor u qaado inuu lafaha guriga ka soo bixiyo, oo uu ku yidhaahdo kan guriga gudihiisa shishe ku jira, War weli ma qaar baa kula jooga? Oo isna uu yidhaahdo, Maya, markaasuu ku odhan doonaa, War naga aamus, waayo, waa inaannan magaca Rabbiga soo qaadin.

И если кто-то еще скроется в доме, и придет родственник или тот, кто должен вынести и сжечь тела, и спросит его: «Есть ли кто еще с тобой?», а тот ответит: «Нет», – то он скажет: «Тихо! Мы не должны упоминать Имени Господа».

11 W aayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.

Вот, Господь дал повеление, и разобьет большие дома на части, а маленькие на куски.

12 M iyaa fardo dhagaxa ku ordi doonaan? Miyaase mid halkaas dibi ku beerjeexi doonaa? Laakiin, idinku garsooriddii waxaad u beddesheen xammeeti, oo midhihii xaqnimadana waxaad u beddesheen dacar.

Скачут ли лошади по скале? Пашут ли там на волах? Вы же превратили правосудие в яд и плод праведности – в горечь;

13 W axaad ku rayraysaan wax aan waxtar lahayn, oo waxaad tidhaahdaan, Miyaannan geeso kula soo yeelan xooggayaga?

вы, ликующие о завоевании Ло-Девара и говорящие: «Разве не собственными силами взяли мы Карнаим? »

14 L aakiinse bal eega, dadka dalka Israa'iilow, Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruun baan idinku soo kicin doonaa, oo iyana waxay idinku dhibi doonaan tan iyo meesha Xamaad laga galo iyo ilaa webiga Carabaah.

Господь, Бог Сил, возвещает: – Я подниму против вас народ, о дом Израиля, который будет угнетать вас от Лево-Хамата до иорданской долины.