1 S amooyinkow, dhegaysta waan hadlayaaye, Oo dhulkuna ha maqlo erayada afkayga.
«Внимайте, небеса, я буду говорить; слушай, земля, слова моих уст.
2 C ilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida roobka, Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa, Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,
Пусть польется мое учение, словно дождь, пусть сойдут мои слова, как роса, словно ливень на зелень, как дождь на побеги.
3 W aayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga. Idinku weyneeya Ilaaheenna.
Имя Господа провозглашу, славьте величие нашего Бога!
4 I sagu waa dhagaxa, shuqulkiisuna waa kaamil, Waayo, jidadkiisa oo dhammu waa caddaalad, Isagu waa Ilaah aamin ah, oo aan xumaan lahayn, Isagu waa xaq, waana caaddil.
Он – скала, Его дела совершенны, все Его пути праведны. Верен Бог, не творящий неправды, Он праведен и честен.
5 W ay iskharribeen, oo carruurtiisii iyagu ma aha, waa ceebtooda, Iyagu waa qarni qalloocan oo maroorsan.
Перед Ним они развратились, и не дети они Ему, но род упрямый и извращенный, к своему стыду
6 D adyahow nacaska ah oo aan xigmadda lahaynu Ma saasaad Rabbiga ugu abaalguddaan? War isagu sow ma aha Aabbihiinnii idin soo iibsaday? Isagaa idin uumay oo idin xoogeeyey.
Так ли воздаете вы Господу, народ безрассудный и глупый? Разве Он не Отец, не Творец твой, Тот, Кто создал, основал тебя?
7 B al xusuuso waagii hore, Oo soo garwaaqso qarniyo badan sannadahood, Aabbahaa weyddii oo wuu ku ogeysiin doonaa, Odayaashaadana weyddii oo way kuu sheegi doonaan.
Вспомни древние дни; подумай об ушедших поколениях. Спроси своего отца, и он скажет тебе, своих старейшин, и они объяснят тебе.
8 M arkii Ilaaha ugu wada sarreeyaa uu quruumaha dhaxalkooda siiyey, Oo uu kala soocay binu-aadmiga, Intii tirada reer binu Israa'iil ahayd Ayuu dadka soohdimaha u dhigay,
Когда Всевышний давал народам их наследие, когда Он разделил весь человеческий род, Он поставил пределы народов по числу сыновей Израиля.
9 W aayo, Rabbiga qaybtiisu waa dadkiisa, Reer Yacquubna waa saamigii dhaxalkiisa.
Ведь доля Господня – Его народ, Иаков – наследственный Его удел.
10 W uxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah, Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan. Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey, Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,
В пустынной земле Он его нашел, в степи печальной и дикой. Ограждал его, пекся о нем; хранил его, как зеницу Своего ока.
11 S ida gorgorku buulkiisii u lulo, Oo dhashiisa ugu kor ruxmo, Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado, Oo garbihiisa ugu xambaaro,
Как орел вызывает свое гнездо и парит над своими птенцами, простирает свои крылья, берет птенцов и несет на своих перьях,
12 A yaa Rabbiga oo keliya isaga hoggaamiyey, Oo ilaah qalaadna lama joogin.
Господь Один его вел; чужого бога не было с Ним.
13 W uuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka, Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay, Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay, Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.
Он вознес его на высоты земли и питал плодами полей. Он кормил его медом из сот, что в скалистых расщелинах и маслом из оливкового дерева, что растет на каменистой почве,
14 W uxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad, Iyo baraarro baruurtood, Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha, Iyo sarreenka ugu wanaagsan. Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.
маслом и молоком от стада и отары, упитанными ягнятами и козлами, лучшими баранами Башана и отборной пшеницей. Ты пил вино, кровь винограда.
15 L aakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey. Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay. Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay, Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.
Ешурун растолстел и стал упрям; растолстел, обрюзг, разжирел. Он оставил Бога, Который создал его, и отверг Скалу своего спасения.
16 W axay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad, Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah.
Они возбудили в Нем ревность чужими богами и разгневали Его мерзкими идолами.
17 W axay wax u sadaqeeyeen jinniyo aan Ilaah ahayn, Iyo ilaahyo ayan iyagu aqoon Oo ah kuwo cusub oo dhowaan soo baxay, Oo awowayaashiin ayan ka cabsan jirin.
Они приносили жертвы демонам, а не Богу, – богам, которых не знали, богам, появившимся недавно, богам, которых ваши отцы не боялись.
18 A digu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid, Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay.
Ты покинул Скалу, родившую тебя; ты забыл Бога, создавшего тебя.
19 R abbiguna wuu arkay, oo wuu nacay, Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey.
Господь увидел это и отверг их, так как разгневался на Своих сыновей и дочерей.
20 O o wuxuu yidhi, Wejigayga waan ka qarin doonaa, Oo waxaan arki doonaa bal wixii ugu dambaystoodu noqon doonto. Waayo, iyagu waa qarni aad u qalloocan Iyo carruur aan iimaan lahayn.
“Я скрою от них Свое лицо, – сказал Он, – и увижу, каков будет их конец; потому что они – извращенный род, неверные дети.
21 W ax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen, Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn, Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn, Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah.
Они пробудили во Мне ревность всем тем, что не Бог, и разгневали Меня ничтожными идолами. Я пробужу в них ревность через тех, кого и народом-то не назвать; Я разгневаю их глупым народом.
22 W aayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.
Потому что от Моего гнева запылал огонь, что жжет до дна мира мертвых. Он пожрет землю и ее урожаи и подожжет основания гор.
23 W axaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin, Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa.
Я соберу на них беды, выпущу в них Свои стрелы.
24 W axay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya Iyo halligaad qadhaadh, Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga, Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta.
Я пошлю на них опустошительный голод, истребляющий мор и смертельную заразу; Я пошлю на них хищных зверей, ядовитых змей, что ползают в прахе.
25 D ibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.
На улицах меч лишит их детей, в их домах будет царить ужас. Будут гибнуть юноши и девушки, младенцы и седовласые старики.
26 W axaan idhi, Iyaga meel fog baan ku kala firdhin lahaa, Oo xusuustoodana dadka dhexdiisa waan ka joojin lahaa,
Я сказал бы: рассею их и изглажу их память из человеческого рода,
27 H addaanan ka cabsanin cadowga cadhadiisa, Waaba intaasoo ay cadaawayaashoodu si xun u macaamiloodaan, Oo ay yidhaahdaan, Gacantayadii waa sarraysaa, Oo waxyaalahan oo dhan Rabbigu ma uu samayn.
если бы не опасался насмешек врагов, чтобы противники не возомнили о себе и не сказали: «Нашей руки торжество; не Господь совершил все это»”.
28 W aayo, iyagu waa quruun aan talo lahayn, Oo innaba waxgarasho kuma jirto.
Это народ, потерявший рассудок, нет у них разума.
29 B al may caqli yeeshaan, oo ay waxan gartaan, Oo bal may ka fikiraan ugu dambaystooda!
О если бы они были мудры, понимали бы это и уразумели, какой их ждет конец!
30 H addaan Dhagaxoodii iyaga iibin, Oo aan Rabbigu iyaga gacanta u gelin, Sidee baa nin keliya kun u eryi karaa? Labase sidee bay toban kun u didin karaan?
Как мог бы один человек преследовать тысячу или двое обратить в бегство десять тысяч, если бы их Скала не отступилась от них, если бы Господь их не выдал?
31 D hagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga. Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.
Ведь их скала не такова, как наша Скала: сами наши враги – судьи в том.
32 W aayo, geedcanabkoodu wuxuu ka yimid geedcanabkii Sodom, Iyo kii ku yiil beerihii Gomora. Canabkoodu waa midho sumeed, Rucubyadooduna waa qadhaadh.
Их виноград с лозы Содома и с полей Гоморры. Их плоды полны яда, а их гроздья – горечи.
33 K hamrigoodu waa jebiso waabaydeed, Iyo mariidka xun ee jilbiska.
Их вино – яд змей, смертельный яд кобр.
34 T anu sow ilama kaydsana, Iyadoo shaabadaysan oo khasnadahayga ku dhex jirta?
“Не сокрыто ли это у Меня? Не запечатано ли в Моих кладовых?
35 A arsasho iyo abaalmarinba anigaa iska leh, Markay cagtoodu simbiriirixan doonto, Waayo, maalintii masiibadoodu waa dhow dahay, Oo waxyaalaha iyaga ku soo kor degi doona ayaa deddejin doona.
Предоставьте месть Мне, Я воздам. Придет время, поскользнутся ноги врага; день их бедствия близок и участь их поспешает”.
36 M axaa yeelay, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa, Oo addoommadiisana wuu ka nixi doonaa, Markuu arko in xooggoodii dhammaaday, Oo aan midna ku hadhin, mid xidhan iyo mid furan toona.
Господь будет судить Свой народ и пожалеет Своих слуг, когда увидит, что исчезла их сила и не осталось никого – ни раба, ни свободного.
37 O o wuxuu odhan doonaa, Bal meeye ilaahyadoodii, Iyo dhagaxii ay isku halleeyeen,
И скажет Он: “Где же их боги, та скала, за которой они укрывались?
38 O o cunay baruurtii allabaryadooda, Oo cabbay khamrigii qurbaankoodii cabniinka ahaa? Haddaba ha soo kaceen, oo ha idin caawiyeen, Oo iyagu ha idin daafaceen.
Боги, которые ели жир их жертв, пили вино их жертвенных возлияний? Пусть восстанут, чтобы помочь вам! Пусть дадут вам покров!
39 H addaba bal eega inaan aniga qudhuhu ahay isagii, Oo aniga mooyaane aan ilaah kale jirin. Wax baan dilaa, waanan soo nooleeyaa. Wax baan dhaawacaa, waanan bogsiiyaa. Mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin karaa.
Смотрите же ныне, что только Я Бог, и нет Бога, кроме Меня. Я умерщвляю и оживляю, Я ранил и Я исцелю, и никто не может избавить от Моей руки.
40 W aayo, gacantayda ayaan xagga samada kor ugu qaadaa, Oo waxaan leeyahay, Weligay waan noolahay.
Я поднимаю руку к небу и объявляю: Верно, как и то, что Я живу вовеки, –
41 H addaan listo seeftayda dhalaalaysa, Oo gacantayduna xukun qabsato, Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa, Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa.
когда отточу Свой сияющий меч и рука Моя примет его для суда, Я отомщу Своим противникам и воздам тем, кто Меня ненавидит.
42 F allaadhahayga waan ku sakhraamin doonaa Kuwa la dilay iyo maxaabiista dhiiggooda, Oo seeftayduna waxay hilib ka cuni doontaa Madaxa hoggaamiyayaasha cadowga.
Я напою Свои стрелы кровью, а Мой меч будет пожирать плоть, кровь павших и пленных, головы вражеских вождей”.
43 Q uruumahow, dadkiisa la reyreeya, Waayo, isagu wuu aaran doonaa dhiiggii addoommadiisa, Oo cadaawayaashiisana wuu ka aarsan doonaa, Oo dalkiisa iyo dadkiisana buu u kafaaro gudi doonaa.
Радуйтесь, язычники, вместе с Его народом, потому что Он отомстит за кровь Своих слуг; отомстит Он Своим врагам, очистит Свою землю и Свой народ».
44 M arkaasaa Muuse yimid oo gabaygan erayadiisii oo dhan kula hadlay dhegihii dadka, isaga iyo Yashuuca ina Nuunba.
Моисей пришел с Иисусом, сыном Навина, и произнес народу все слова этой песни.
45 M arkaasaa Muuse dhammeeyey hadalkii uu erayadan oo dhan kula hadlayay reer binu Israa'iil oo dhan,
Сказав эти слова всему Израилю, Моисей
46 o o wuxuu ku yidhi, Qalbigiinna ku qabsada kulli erayadan aan maanta idiin sheegay oo dhan, kuwaasoo aad carruurtiinna ku amri doontaan si ay u dhawraan oo u wada yeelaan sharcigan erayadiisa oo dhan.
добавил: – Примите к сердцу все слова, которые я торжественно возвестил вам сегодня, чтобы вы велели своим детям прилежно слушаться всех слов этого Закона.
47 W aayo, taasu idiinma aha wax aan waxtar lahayn, maxaa yeelay, waaba naftiinnii, oo waxyaalahaas daraaddood ayaa cimrigiinnu ugu dheeraan doonaa dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan. Muuse Oo Ku Dhiman Doona Buur Nebo
Для вас это не пустые слова: в них – ваша жизнь. Они дадут вам долго жить на земле, в которую вы переходите за Иордан, чтобы овладеть ею.
48 O o Rabbigu isla maalintaas qudheeda wuu la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,
В тот же день Господь сказал Моисею:
49 W axaad fuushaa buurtan Cabaariim, oo ah Buur Nebo oo ku dhex taal dalka reer Moo'aab, oo ka soo hor jeeda Yerixoo, oo bal waxaad fiirisaa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil hantida u siinayo,
– Поднимись на горную цепь Аварим, на гору Нево в Моаве, напротив Иерихона, и осмотри Ханаан, землю, которую Я отдаю во владение израильтянам.
50 o o kolkaas ku dhimo buurta aad fuulaysid, oo dadkaagii la urur, sidii walaalkaa Haaruunba ugu dhintay Buur Xor, oo uu dadkiisii ula ururay,
На этой горе, куда ты поднимешься, ты умрешь и присоединишься к своему народу так же, как твой брат Аарон умер на горе Ор и присоединился к своему народу.
51 m axaa yeelay, waad igu xadgudubteen idinkoo reer binu Israa'iil dhex jooga markaad joogteen biyihii Meriibaah oo ku taal Qaadeesh, oo cidladii Sin ku dhex taal, waayo, reer binu Israa'iil dhexdooda quduus igagama aydaan dhigin.
Это случится из-за того, что вы оба изменили Мне на виду у израильтян у вод Меривы в Кадеше, в пустыне Цин, и из-за того, что вы не отстаивали Мою святость среди израильтян.
52 H addaba dalka hortaadaad ka arki doontaa, laakiinse geli maysid dalka aan reer binu Israa'iil siinayo.
Поэтому ты увидишь ее только на расстоянии – ты не войдешь в землю, которую Я даю народу Израиля.