Samuu'eel Kowaad 5 ~ 1-я Царств 5

picture

1 H addaba reer Falastiin way qaateen sanduuqii Ilaah, oo waxay ka keeneen Ebenceser, oo geeyeen Ashdood.

Захватив ковчег Бога, филистимляне принесли его из Эвен-Езера в Ашдод.

2 M arkaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon.

Затем они внесли ковчег в храм Дагона и поставили около Дагона.

3 O o maalintii dambe markii kuwii reer Ashdood aroor hore kaceen waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa. Markaasay Daagoon qaadeen oo meeshiisii qotomiyeen.

Когда жители Ашдода встали на другой день рано утром, Дагон, упавший лицом на землю, лежал перед ковчегом Господа! Они подняли Дагона и вернули на прежнее место.

4 O o haddana markay subaxdii dambe aroor hore kaceen, waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa; oo Daagoon madaxiisii iyo labadiisii gacmoodba way ka go'naayeen oo waxay ku dhaceen marinka, oo Daagoon waxaa u hadhay gumudkii oo keliya.

Но на следующее утро, когда они встали, Дагон опять лежал лицом на земле, перед ковчегом Господа! Его голова и руки были отломаны и валялись на пороге, целым осталось лишь туловище.

5 T aas aawadeed Daagoon wadaaddadiisii, ama dad kaleto oo Daagoon gurigiisa soo galaba, midna kuma joogsado marinkii guriga Daagoon oo Ashdood ku yiil ilaa maantadan la joogo.

Вот почему до сегодняшнего дня ни жрецы Дагона, ни входящие в его храм в Ашдоде не наступают на порог, где он лежал.

6 L aakiinse gacantii Rabbigu way ku cuslayd reer Ashdood, wuuna baabbi'iyey iyagii, oo wuxuu kasoobaxyo ku soo daayay Ashdood iyo xuduudkeeda oo dhanba.

Господь сурово наказал жителей Ашдода и его окрестностей, наслав на них опустошение и поразив их наростами.

7 O o dadkii reer Ashdood markay arkeen inay saas tahay ayay yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waa inaanu ina dhex oollin; waayo, gacantiisii aad bay inoogu adag tahay, innaga iyo ilaaheenna Daagoonba.

Когда жители Ашдода увидели то, что происходит, они сказали: − Ковчег израильского Бога не должен находиться здесь у нас, потому что гнев Его против нас и нашего бога Дагона страшен.

8 S idaas daraaddeed waxay u cid dirteen oo soo urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, War maxaynu ku samaynaa sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil ha lagu soo wareejiyo Gad. Oo iyana sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil halkaasay ku soo wareejiyeen.

Они созвали всех филистимских правителей и спросили их: − Что нам делать с ковчегом израильского Бога? Жители Гата ответили: − Пусть ковчег израильского Бога переправится в Гат. И переправили ковчег Бога Израиля.

9 O o sidaasay ahaatay markii ay qaadeen dabadeed inay gacantii Rabbigu gees ka ahayd magaaladii, oo wuxuu ku riday naxdin weyn; oo dadkii magaaladana wax buu ku dhuftay yar iyo weynba, oo kulligoodna kasoobaxyo ayaa ka soo wada baxay.

Но после того, как они переправили его в Гат, рука Господа обратилась и против этого города, приведя его в великий ужас. Он поразил жителей города, молодых и старых, наростами.

10 S idaas daraaddeed waxay sanduuqii Ilaah u direen xagga Ceqroon. Oo markii sanduuqii Ilaah Ceqroon yimid ayay reer Ceqroon wada qayliyeen, oo yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waxay inoogu keeneen inay ina laayaan innaga iyo dadkeennaba.

И они отослали ковчег Бога в Экрон. Когда ковчег Бога вносили в Экрон, жители кричали: − Ковчег израильского Бога принесли к нам, чтобы погубить нас и наш народ!

11 S idaas daraaddeed way u cid dirteen oo soo wada urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil inaga fogeeya, oo iska daaya, meeshiisii haddana ha tagee, oo innaga iyo dadkeennaba yuu ina layne; waayo, magaalada waxaa kulligeed ku dhex jiray naxdinta dhimashada, oo halkaasna gacanta Ilaah waa ku cuslayd.

Они созвали всех филистимских правителей и сказали: − Отошлите ковчег израильского Бога! Пусть он вернется на свое место, иначе он умертвит нас и наш народ. Смерть наполнила тот город ужасом. Божий гнев на него был очень страшен.

12 O o dadkii aan dhimanna waxaa lagu dhuftay kasoobaxyo, oo magaalada qayladeediina waxay u baxday xagga samada.

Те, кто не умер, были поражены наростами, и вопль города доходил до небес.