Nexemyaah 3 ~ Неемия 3

picture

1 M arkaasaa Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare ayaa la kacay wadaaddadii walaalihiis ahaa, oo waxay dhiseen Iriddii Idaha, oo intay quduus ka dhigeen ayay albaabbadeedii qotomiyeen, oo waxay quduus ka dhigeen tan iyo Munaaraddii Mee'aah iyo ilaa Munaaraddii Xananeel.

Первосвященник Элиашив и его собратья священники принялись отстраивать Овечьи ворота. Они освятили их и установили на место двери их; они посвятили их до башни Сотни и от нее до башни Хананела.

2 O o intii isaga ku xigtayna waxaa dhisay dadkii Yerixoo, oo intii iyaga ku xigtayna waxaa dhisay Sakuur ina Imrii.

Соседний участок строили жители Иерихона, а рядом с ними строил Заккур, сын Имрия.

3 I riddii Kalluunkana waxaa dhisay reer Hasenaa'aah, oo waxay saareen alwaaxdii saqafka haysay, wayna taageen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.

Рыбные ворота были отстроены сыновьями Сенаи. Они положили их балки и установили их двери, замки и засовы.

4 O o intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah, oo ahaa reer Xaqoos. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah oo ahaa ina Mesheysabeel. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Bacanaa.

Меремоф, сын Урии, сына Гаккоца, восстановил следующий участок. Рядом с ним восстанавливал Мешуллам, сын Берехии, сына Мешезавела, а возле него – Цадок, сын Бааны.

5 O o meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, laakiinse kuwoodii gobta ahaa waxba kama qaban shuqulkii sayidkooda.

Следующий участок стены был восстановлен жителями Текоа, но их знать не подставила плечи под работу для своего Владыки.

6 I riddii Gabowdayna waxaa cusboonaysiiyey Yooyaadaac oo ahaa ina Faasee'ax iyo Meshullaam oo ahaa ina Besoodyaah, oo waxay saareen alwaaxdii saqafka haysay, wayna taageen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.

Старые ворота были восстановлены Иоиадой, сыном Пасеаха, и Мешулламом, сыном Бесодии. Они положили их балки и поставили на место их двери, замки и засовы.

7 O o meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Melatyaah oo ahaa reer Gibecoon, iyo Yaadoon oo ahaa reer Meeronotii, iyo dadkii reer Gibecoon, iyo kuwii reer Misfaah, oo ku hoos jiray carshiga taliyaha webiga ka shisheeya.

Рядом с ними восстанавливали жители Гаваона и Мицпы – гаваонитянин Мелатия и меронофянин Иадон – подвластные наместнику провинции за Евфратом.

8 O o meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Cusii'eel oo ahaa ina Xarhayaah oo ka mid ahaa dahabtumayaashii. Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah oo ka mid ahaa dawosameeyayaashii, oo waxay Yeruusaalem adkeeyeen tan iyo derbiga ballaadhan.

Уззиил, сын Харгаии, из ювелиров, восстановил следующий участок стены, а рядом с ним – Ханания, из составителей благовоний. Они восстановили Иерусалим до самой Широкой стены.

9 O o meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Refaayaah oo ahaa ina Xuur oo ahaa taliyihii degmada Yeruu saalem badhkiis.

Рефаия, сын Хура, правитель половины Иерусалимского округа, восстановил следующий участок.

10 O o meeshii iyaga ku xigtay oo ka soo hor jeedday gurigiisa waxaa cusboonaysiiyey Yedacyaah oo ahaa ina Xaruumaf. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa dhisay Xatuush oo ahaa ina Xashabneyaah.

Рядом с ними и напротив своего дома восстанавливал Иедаия, сын Харумафа, а возле него – Хаттуш, сын Хашавнии.

11 M alkiiyaah ina Xaarim iyo Xashuub ina Faxad Moo'aabna waxay cusboonaysiiyeen meel kale iyo Munaaraddii Foornooyinka.

Малхия, сын Харима, и Хашшув, сын Пахат-Моава, восстановили следующий участок и Печную башню.

12 O o meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Shalluum ina Hallooxeesh oo ahaa taliyihii dhistariga Yeruusaalem badhkiis, isagii iyo gabdhihiisii.

Шаллум, сын Аллохеша, правитель второй половины Иерусалимского округа, с помощью своих дочерей восстановил следующий участок.

13 I riddii Dooxadana waxaa cusboonaysiiyey Xaanuun iyo dadkii Saanoo'ax degganaa. Iyagu way dhiseen, oo waxay qotomiyeen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo waxay dhiseen kun dhudhun oo derbigii ah tan iyo Iriddii Digada.

Ворота Долины были восстановлены Хануном и жителями Заноаха. Они отстроили их и установили на место их двери, замки и засовы. Еще они восстановили тысячу локтей стены до самых Навозных ворот.

14 I riddii Digadana waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah ina Reekaab oo ahaa taliyihii degmada Beyd Hakerem; wuu dhisay, wuuna qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.

Навозные ворота были восстановлены Малхией, сыном Рехава, правителем округа Бет-Карем. Он отстроил их и установил их двери, замки и засовы.

15 I riddii Isha biyaha ahna waxaa cusboonaysiiyey Shalluun ina Kaalxoseh oo ahaa taliyihii degmada Misfaah, wuu dhisay oo deday, oo wuxuu qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo derbigii Warta Shelax oo beerta boqorka u dhowaana wuu dhisay, oo wuxuu gaadhsiiyey tan iyo jaranjarada hoos uga degata magaalada Daa'uud.

Ворота Источника были восстановлены Шаллуном, сыном Колхозея, правителем округа Мицпа. Он отстроил их, соорудил над ними крышу и установил их двери, замки и засовы. Еще он восстановил стену у пруда Силоам, у Царского сада, до самых ступеней, что спускаются из Города Давида.

16 M eeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Nexemyaah ina Casbuuq oo ahaa taliyihii degmada Beytsuur badhkiis, oo isagu wuxuu dhisay tan iyo meesha ka soo hor jeedda xabaalihii Daa'uud, iyo tan iyo balligii la sameeyey, iyo tan iyo gurigii ragga xoogga badan.

За ним – до места, напротив гробниц Давида, и далее, до выкопанного пруда и дома воинов – восстанавливал Неемия, сын Азбука, правитель половины округа Бет-Цур.

17 M eeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Laawi oo Rexuum ina Baanii ka mid ahaa. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xashabyaah oo ahaa taliyihii degmada Qeciilaah badhkiis oo degmadiisa aawadiis ayuu u dhisay.

За ним восстанавливали левиты под руководством Рехума, сына Бани. Рядом с ним стену восстанавливал Хашавия, правитель половины округа Кеила, за свой округ.

18 M eeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey walaalahood oo uu ka mid ahaa Baway ina Xeenaadaad oo ahaa taliyihii degmada Qeciilaah badhkiis.

Возле него восстанавливали их земляки под руководством Биннуя, сына Хенадада, правителя второй половины округа Кеила.

19 M eel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Ceser ina Yeeshuuca oo ahaa taliyihii Misfaah, taas oo ahayd meel ka soo hor jeedda meesha loo fuulo maqsinka hubka oo ku ag yiil meeshuu derbigu ka leexdo.

Рядом с которым следующий участок – от места напротив подъема к оружейной до самого угла – восстановил Эзер, сын Иисуса, правитель Мицпы.

20 M eel kale oo isaga ku xigtayna waxaa dadaal ku cusboonaysiiyey Baaruug ina Sabbay, tan iyo leexashada derbiga iyo ilaa albaabkii guriga Eliyaashiib oo ahaa wadaadka sare.

Возле него следующий участок – от угла до входа в дом первосвященника Элиашива – ревностно восстановил Барух, сын Заббая.

21 M eel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah oo ahaa reer Xaqoos, tan iyo guriga Eliyaashiib albaabkiisa iyo ilaa guriga Eliyaashiib dabadiisa.

Рядом с ним следующий участок – от входа в дом Элиашива до конца дома – восстановил Меремоф, сын Урии, сына Гаккоца.

22 M eeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey wadaaddadii ahaa dadkii Bannaanka.

За ним восстанавливали священники из окрестной местности.

23 M eeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Benyaamiin iyo Xashuub taas oo ahayd meel guryahooda ka soo hor jeedday. Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Casaryaah ina Macaseeyaah oo ahaa reer Cananyaah, taas oo ahayd gurigiisa dhinaciisa.

За ними, напротив своего дома, восстанавливали Вениамин и Хашшув, а за ними, рядом со своим домом, восстанавливал Азария, сын Маасеи, сына Анании.

24 M eel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Binnuwii ina Xeenaadaad, taas oo ka bilaabmaysay gurigii Casaryaah ilaa meeshuu derbigu ka leexdo iyo tan iyo derbiga geeskiisii.

Рядом с ним следующий участок – от дома Азарии до угла и поворота – восстановил Биннуй, сын Хенадада,

25 F aalaal ina Uusayna wuxuu cusboonaysiiyey meel leexashadii derbiga ka soo hor jeedday iyo munaaraddii ka taagnayd gurigii boqorka oo sare ee u dhowaa barxaddii waardiyayaasha, oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Fedaayaah ina Farcosh.

а Фалал, сын Узая, трудился напротив угла и башни, выступающей из верхнего царского дворца, рядом со двором стражи. Возле него Педая, сын Пароша,

26 ( Haddaba reer Netiiniim waxay degganaayeen Cofel iyo tan iyo meel ka soo hor jeedday Iridda Biyaha oo xagga bari, iyo ilaa munaaraddii kor u taagnayd.)

и храмовые слуги, живущие на холме Офел, восстанавливали до места напротив Водных ворот к востоку и выступающей башни.

27 M eel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, taasoo ka soo hor jeedday munaaraddii weynayd oo kor u taagnayd, iyo tan iyo derbigii Cofel.

Рядом с ними следующий участок – от большой выступающей башни до стены Офела – восстановили жители Текоа.

28 I riddii Faraska korkeedana waxaa cusboonaysiiyey wadaaddadii, oo mid waluba wuxuu sameeyey meeshii gurigiisa ka soo hor jeedday.

За Конскими воротами восстанавливали священники – каждый напротив своего дома.

29 M eeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Immeer, taasoo ahayd meel gurigiisa ka soo hor jeedday. Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Shemacyaah ina Shekaanyaah oo ahaa kii dhawri jiray Iridda Bari.

За ними – напротив своего дома – восстанавливал Цадок, сын Иммера, а за ним – Шемая, сын Шекании, сторож Восточных ворот.

30 M eel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah ina Shelemyaah iyo Xaanuun oo ahaa Saalaaf wiilkiisii lixaad. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah, taasoo ahayd meel qolkiisii ka soo hor jeedday.

За ним следующий участок восстанавливали Ханания, сын Шелемии, и Ханун, шестой сын Цалафа. За ними, напротив своего жилища, восстанавливал Мешуллам, сын Берехии.

31 M eeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah oo ahaa dahabtumayaasha midkood oo wuxuu dhisay tan iyo gurigii reer Netiiniim iyo baayacmushtariyada oo ka soo hor jeedday Iridda Mifqaad iyo ilaa meeshii geeska laga fuulo.

За ним – до самого дома храмовых слуг и купцов, что напротив Смотровых ворот, и до самой комнаты над углом – восстанавливал Малхия, из ювелиров.

32 O o meeshii geeska laga fuulo iyo Iriddii Idaha intii u dhaxaysayna waxaa cusboonaysiiyey dahabtumayaashii iyo baayacmushtariyadii.

А между комнатой над углом и Овечьими воротами восстанавливали ювелиры и купцы.