1 H addii nin dibi ama lax xado, oo uu qasho ama iibiyo, waa inuu shan dibi dibigii ku magdhabo, laxdiina afar laxaad.
– Если кто-то украдет вола или овцу и зарежет их или продаст, он заплатит пять волов за вола и четыре овцы за овцу.
2 H addii tuug la helo isagoo guri u dhacaya, oo inta wax lagu dhufto uu dhinto, markaas kii dilay dhiig eed kuma laha.
Если вора застигнут при взломе и изобьют так, что он умрет, то тот, кто его бил, не виноват в убийстве.
3 H addiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.
Но если это случится после восхода солнца, он виноват. Вор должен возместить украденное. Если у него ничего нет, пусть его продадут в рабство, чтобы возместить украденное.
4 H addiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.
Если краденый скот будет найден у него живым, то все равно, вол это, осел или овца, он должен заплатить вдвое.
5 H addii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.
Если кто-то потравит чужое поле или виноградник, пустив скотину на чужое поле, то пусть возместит за потраву лучшим урожаем со своего поля или виноградника.
6 H addii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.
Если загорится огонь и, охватив терновые кусты, спалит скирды или несжатое зерно в поле, то тот, кто пустил огонь, должен возместить сгоревшее.
7 H addii nin deriskiisa lacag ama alaab ammaano ugu dhiibto, oo ninka gurigiisii laga xado, oo markaas tuuggii la helo, waa inuu labanlaab u magdhabaa.
Если кто-то отдаст ближнему на хранение серебро или вещи и их украдут из дома поручившегося, то вор, если его поймают, заплатит вдвое.
8 H addiise aan tuuggii la helin, markaas waa in ninkii guriga lahaa xaakinnada u soo dhowaadaa si loo caddeeyo inuu alaabtii deriskiisa fartiisa saaray iyo in kale.
Но если вора не найдут, поручившийся должен предстать перед судьями и поклясться, что не посягал на чужое добро.
9 W aayo, wax kasta oo xadgudub ah ama ha noqdo dibi aawadiis, ama dameer aawadiis, ama lax aawadeed, ama dhar aawadiis, ama wax kasta oo baadi ah, haddii la leeyahay, Waa kan, waa in labada qolo arrintooda xaakinnada la hor keenaa. Oo midkii xaakinnadu ku xukumaan waa inuu deriskiisa labanlaab ugu magdhabaa.
При всяком споре о праве на имущество, будь то вол, осел, овца, одежда или другое пропавшее имущество, о котором кто-то говорит: «Это мое», – обе стороны должны представить дело судьям. Тот, кого судьи объявят неправым, заплатит истцу вдвое.
10 H addii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,
Если кто-то отдаст ближнему осла, вола, овцу или другую скотину на хранение, и она умрет или будет покалечена или угнана, когда никто не видит,
11 m arkaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.
его спор с ответчиком будет решен клятвой перед Господом, что ответчик не посягал на чужое добро. Истец должен принять клятву, и возмещения не будет.
12 L aakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.
Но если скотину у ответчика украли, он должен возместить истцу за украденное.
13 H addiise dugaag bakhtiisto, waa inuu marag ahaan u keenaa, oo wixii dugaaggu bakhtiistay waxba ka magdhabi maayo.
Если скотину растерзали дикие звери, пусть ответчик принесет труп животного для доказательства. Тогда он не будет возмещать убытки за растерзанное животное.
14 O o haddii nin deriskiisa neef ka ammaahdo, oo ay wax gaadhaan amaba uu dhinto, isagoo aan ninkii lahaa la joogin, kaasu hubaal waa inuu magdhabaa.
Если кто-то возьмет у ближнего скотину взаймы, а она получит увечье или умрет, когда хозяина не будет рядом, он должен возместить.
15 H addiise kii lahaa la joogay, waa inuusan waxba ka magdhabin, oo hadduu kiro ahaa, kiradiisii waa laga xisaabay. Mas'uuliyadda Bulshada
Но если хозяин будет в тот момент рядом, то взявший ее взаймы не будет платить. Если скотина была взята внаем, пусть потерю покроет плата за наем. Общественные законы
16 O o haddii nin sasabto gabadh bikrad ah oo aan doonanayn, oo uu iyada la seexdo, de markaas waa inuu yarad ka bixiyo oo uu guursadaa iyada.
– Если человек соблазнит девушку, которая не давала обещания выйти замуж, и переспит с ней, он должен заплатить свадебный выкуп, и она станет его женой.
17 H addiise aabbeheed innaba u diido inuu isaga siiyo, de markaas waa inuu bixiyaa intii gabadh bikrad ah yaradkeedu yahay.
Если отец откажется отдать ее ему, он все равно должен заплатить выкуп, какой полагается за девушку.
18 S aaxirad inay sii noolaato waa inaadan u fasaxin.
Не оставляй в живых колдунью.
19 K u alla kii neef u galmooda, hubaal waa in la dilaa.
Всякого, кто совокупляется с животным, следует предать смерти.
20 K ii wax u bixiya ilaah kale oo aan Rabbiga keligiis ah ahayn, kaas waa in dhammaantiis la baabbi'iyaa.
Всякого, приносящего жертвы иному богу, кроме Господа, следует истребить.
21 O o qariib waa inaadan xumayn, ama waa inaadan dulmin, waayo, idinba qariib baad ku ahaydeen dalkii Masar.
Не притесняйте поселенцев, не угнетайте их: вы сами были поселенцами в Египте.
22 W aa inaydnaan dhibin carmal, ama ilmo agoon ah.
Не притесняйте вдов и сирот.
23 O o si kasta ha noqotee haddii aad iyaga dhibtid, oo ay ii qayshadaan hubaal qayladooda waan maqli doonaa,
Если вы будете делать это, они призовут на помощь Меня, и Я непременно услышу.
24 o o aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.
Мой гнев вспыхнет, и Я убью вас мечом. Ваши жены сами станут вдовами, а дети – сиротами.
25 O o haddaad lacag ammaahisid dadkayga masaakiinta ah oo kula jooga, waa inaadan ku noqon sidii mid dayn ku leh ama waa inaadan waxba kor saarin.
Если даете взаймы бедняку из Моего народа, не будьте, как ростовщик – не налагайте процентов.
26 H addaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin,
Если возьмете у ближнего в залог одежду, верните ее к закату:
27 w aayo, kaasu waa kan qudh ah oo uu isa saari jiray, oo waa dharkii uu huwan jiray, oo muxuu ku seexan doonaa? Oo waxaa dhici doonta in markuu ii qayshado, aan maqli doono, waayo, anigu waan raxmad badnahay.
может быть, ему больше нечем укрыться, кроме этой одежды. Как ему спать без нее? Когда он взмолится ко Мне, Я услышу, потому что Я милостив.
28 W aa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.
Не оскорбляйте Бога и не проклинайте вождя вашего народа.
29 W aa inaadan ka raagin inaad wax ka bixiso midhahaaga badan iyo dheecaanka macsaraddaada. Oo curadyada dadkaagana waa inaad aniga i siisaa.
Не медлите совершать приношения из ваших амбаров и кувшинов. Отдавайте Мне первенцев из своих сыновей.
30 O o sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa dibiyadaada iyo idahaaga; toddoba maalmood waa inuu hooyadiis la joogaa, maalinta siddeedaadna waa inaad ii bixisaa.
Отдавайте Мне первородное из крупного и мелкого скота. Пусть животные остаются семь дней с матерью, а на восьмой день отдавайте их Мне.
31 O o waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.
Будьте Моим святым народом: не ешьте мясо животного, растерзанного дикими зверями. Бросайте его собакам.