Yexesqeel 7 ~ Иезекииль 7

picture

1 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

Было ко мне слово Господа:

2 W iilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dalka reer binu Israa'iil ku leeyahay, Waa kaa dhammaadkii, dalka afartiisa geesood dhammaadkii baa gaadhay.

– Сын человеческий, так говорит Владыка Господь, земле Израиля: Конец! Конец пришел на четыре края земли.

3 D hammaadkii haddeer buu kugu soo degay, oo cadhadaydaan kugu ridi doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan.

Теперь тебе конец, и Я изолью Свой гнев на тебя. Я буду судить тебя по твоим поступкам и накажу за все ужасное, что ты сделала.

4 O o indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, laakiinse siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kaa abaalmarin doonaa, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Я не гляну на тебя с жалостью и не пощажу; Я непременно накажу тебя за твое поведение и омерзительные обычаи. Тогда вы узнаете, что Я – Господь.

5 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Belaayo! Belaayo gooni ah! Bal fiiriya, way soo socotaaye!

Так говорит Владыка Господь: Беда за бедой! Смотрите, идет беда.

6 D hammaad baa yimid, dhammaadkii waa yimid, bal eeg, wuu kugu soo toosayaa, oo haddana waa soo socdaaye!

Конец идет! Идет конец! Он поднялся против тебя. Смотрите, идет!

7 K an dalka dhex degganow, masiibadaadii waa kuu timid! Wakhtigii waa yimid, oo maalintuna way soo dhow dahay, taasoo ah maalin dhibeed oo aan ahayn dhawaaqa faraxa badan ee buuraha korkooda.

Гибель идет к тебе, обитатель страны. Время настало, день близок; смятение, а не радость, царит на горах.

8 G oor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.

Скоро Я изолью на тебя Свою ярость и обращу на тебя Свой гнев; Я буду судить тебя по твоим поступкам и накажу тебя за твои омерзительные обычаи.

9 O o indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa siday jidadkaagu ahaayeen, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigoo Rabbiga ahu wax idinku dhufto.

Я не гляну на тебя с жалостью и не пощажу; Я воздам тебе по твоим поступкам и омерзительным обычаям. Тогда вы узнаете, что Я – Господь, Который наносит удар.

10 B al maalinta eega, bal eega way imanaysaa, masiibadaadii waa soo baxday, ushii way magooshay, oo kibir waa ubxiyey.

Вот он, этот день! Он настал! Гибель пришла. Жезл расцвел; гордыня дала ростки.

11 D ulmigii wuxuu u kacay sidii ul shareed. Midkoodna ma hadhi doono badnaantooda iyo maalkooda badan toona, oo looma barooran doono.

Насилие выросло в жезл, чтобы сокрушить беззаконие; никого из них не останется; не останется ни довольства их, ни богатства, ни преимущества.

12 W akhtigii waa yimid, oo maalintii way soo dhow dahay. Kan wax iibsadaa yuusan waxba rayrayn, kan wax iibiyaana yuusan waxba murugoon, waayo, dadkooda badan oo dhanba cadhaa dul saaran.

Время настало, приблизился день. Да не радуется купивший, и продавший да не скорбит, потому что Мой гнев пылает на все их сборище.

13 W aayo, kan wax iibiyey uma uu soo noqon doono wixii uu iibiyey in kastoo uu weli kuwa noolnool ku dhex jiro, waayo, waxyaalihii la tusay waxay ku saabsan yihiin dadkooda badan oo dhan, oo midkoodna innaba sooma noqon doono, xumaanta noloshiisana kuma xoogaysan doono.

Продавший не вернет того, что он продал, до конца своей жизни, потому что видение относится ко всему их сборищу, и оно не будет упразднено. Из-за своих грехов никто из них не сохранит жизни.

14 T urumbadii bay ku dhufteen, oo wax kastaba way sii diyaariyeen, laakiinse midna dagaalka uma baxo, waayo, dadkooda badan cadhadaydii baa dul saaran.

Пусть они трубят в трубы и готовятся: никто из них не выйдет на бой, потому что Мой гнев пылает на все их сборище.

15 S eeftii dibadday joogtaa, oo belaayadii iyo abaartiina gudahay ku jiraan. Kii berrinka joogaa seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada joogaana abaar iyo belaayo ayaa baabbi'in doona.

Снаружи – меч, внутри – мор и голод; те, кто в поле, погибнут от меча, а тех, кто в городе, истребят голод и мор.

16 L aakiinse kuwoodii baxsadaa way cayman doonaan, oo waxay joogi doonaan buuraha dushooda sida qoolleyda dooxooyinka iyagoo kulligood barooranaya oo mid kastaaba xumaantiisii aawadeed u ooyaya.

Все, кто уцелеет и спасется, будут стонать в горах, как голуби долин, каждый из-за своих грехов.

17 G acmaha oo dhammu way taag gabi doonaan, oo jilbaha oo dhammuna sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan.

У всех руки опустятся, и у всех колени ослабнут, как вода.

18 O o weliba iyagu waxay guntan doonaan dhar joonyad ah, oo naxdin baa liqi doonta, oo wejiyada oo dhammuna way ceeboobi doonaan, oo madaxyada oo dhammuna way xiirnaan doonaan.

Они наденут рубище, и будут объяты трепетом. На всех лицах будет написан стыд, головы у всех будут обриты.

19 L acagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.

Они бросят свое серебро на улицах, а их золото станет считаться нечистым. Серебро и золото не смогут спасти их в день Господнего гнева. Они не утолят ими голода и не наполнят желудок. Ведь золото и серебро стали им преградой и ввели их в грех.

20 Q uruxdii sharraxaaddiisa kibir bay u beddeleen, oo waxay ka sameeyeen sanamyada waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo la nacay, sidaas daraaddeed waxaan iyaga uga dhigay sida wasakh oo kale.

Из прекрасных украшений, которыми они гордились, они сделали омерзительные истуканы, свои гнусности. За это Я сделаю украшения нечистыми для них.

21 O o booli ahaan ayaan shisheeyayaal gacanta ugu gelin doonaa oo sida wax la soo dhacay oo kalena ayaan sharrowyada dunida u siin doonaa, oo iyaguna way nijaasayn doonaan.

Я отдам украшения в добычу чужеземцам, в наживу злодеям земли, и они осквернят их.

22 O o weliba wejigaygana iyagaan ka sii jeedin doonaa, oo iyana meeshayda qarsoon bay nijaasayn doonaan, oo kuwa wax dhaca ayaa gudaheeda geli doona oo nijaasayn doona.

Я отверну от них лицо, и они осквернят Мое сокровенное место; грабители войдут туда и осквернят его.

23 S ilsilad samee, waayo, dalka waxaa ka buuxda gacankudhiiglenimo, oo magaaladana waxaa ka buuxa dulmi.

Готовь цепи, потому что страна полна кровавых преступлений, а город объят насилием.

24 S idaas daraaddeed waxaan u keeni doonaa kuwa ugu liita ee quruumaha, oo iyana guryahooda way hantiyi doonaan, oo weliba waxaan joojin doonaa kuwa xoogga badan kibirkooda, oo meelahooda quduuska ahna waa la wada nijaasayn doonaa.

Я приведу худшие из народов, и они завладеют их домами; Я положу конец гордыне сильных, и их святилища будут осквернены.

25 H alligaad baa imanaysa, oo iyagu nabad bay doondooni doonaan, laakiinse innaba ma ay jiri doonto.

Когда придет ужас, они станут искать мира, но его не будет.

26 B elaayaba belaayay ku soo kor degi doontaa, war belef ahuna war belef ah buu ka kor iman doonaa, oo markaasay wax nebi la tuso doondooni doonaan, laakiinse sharcigu wadaaddada wuu ka baabbi'i doonaa, oo taladuna odayaasha way ka dhammaan doontaa.

Беда последует за бедой, и за слухами – новые слухи. Они будут просить от пророков видений; священники перестанут преподавать Закон, и старейшины не найдут для вас советов.

27 B oqorku wuu barooran doonaa, oo amiirkuna cabsi buu huwan doonaa, oo dadka dalka deggan gacmahooduna way gariiri doonaan, oo anigu siday jidadkoodu ahaayeen ayaan ku samayn doonaa, oo siday galabsadaanna waan u xukumi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Царь будет скорбеть, вождь впадет в отчаяние, и задрожат руки простонародья. Я поступлю с ними по их поступкам и стану судить их по их же правилам. Тогда они узнают, что Я – Господь.