1 M arkaasaa Daa'uud wuxuu isyidhi, Maalin uun baan gacanta Saa'uul ku dhiman doonaa; haddaba wax iiga wanaagsan ma jiro inaan dalka reer Falastiin u baxsado mooyaane; oo Saa'uulna wuu iga quusan doonaa, oo mar dambe xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan igama doondooni doono; oo saas ayaan gacantiisa kaga baxsan doonaa.
Давид подумал про себя: «Теперь я в любой день могу погибнуть от руки Саула. Лучшее, что я могу сделать − это спастись в земле филистимлян. Тогда Саул потеряет надежду найти меня, где бы то ни было в пределах Израиля, и я ускользну из его рук».
2 M arkaasaa Daa'uud kacay oo gudbay, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee isaga la joogay, oo waxay u yimaadeen Aakiish oo ahaa ina Maacoog, kaasoo ahaa boqorkii Gad.
Давид вместе с шестью сотнями человек ушел и перебрался к Ахишу, сыну Маоха, царю Гата.
3 O o Daa'uudna Aakiish buu la joogi jiray Gad, isagii iyo raggiisiiba, oo nin waluba reerkiisii wuu watay, oo xataa Daa'uud wuu watay labadiisii naagood, kuwaasoo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel iyo Abiigayil tii reer Karmel oo Naabaal u dhaxday.
Давид со своими людьми поселился в Гате у Ахиша. У каждого из его людей была семья, и у Давида было две жены: Ахиноамь из Изрееля и Авигайль из Кармила, вдова Навала.
4 M arkaasaa Saa'uul waxaa loo soo sheegay in Daa'uud u cararay xagga Gad, oo isna mar dambe ma uusan doondoonin.
Когда Саулу донесли, что Давид бежал в Гат, он больше не искал его.
5 K olkaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, magaalooyinka duurka ku yaal meel ha iga siiyeen, aan halkaas iska degee, waayo, bal anoo addoonkaaga ah maxaan magaalada reer boqor kuula degganahay?
Давид сказал Ахишу: − Если ты расположен ко мне, то отведи мне место в одном из твоих малых городов, чтобы мне там жить. Зачем твоему слуге жить в царском городе вместе с тобой?
6 M aalintaasaa Aakiish siiyey Siiqlag, oo sidaas aawadeed Siiqlag ilaa maanta waxaa iska leh boqorrada dalka Yahuudah.
Тогда Ахиш отдал ему Циклаг, который с тех пор и принадлежит царям Иудеи.
7 O o maalmihii Daa'uud joogay duurka reer Falastiin tiradoodu waxay ahayd sannad dhan iyo afar bilood.
Давид жил на филистимской земле год и четыре месяца.
8 M arkaasaa Daa'uud iyo raggiisii u keceen inay weeraraan reer Geshuur, iyo reer Geser, iyo reer Camaaleq, waayo, quruumahaas ayaa waagii hore dalka degganaa, oo waxay degganaayeen ilaa Shuur iyo xataa tan iyo dalka Masar.
Он и его люди поднимались и совершали набеги на гешуритов, гирзитов и амаликитян. (С древности эти народы жили на земле, которая простирается до Сура и Египта.)
9 M arkaasaa Daa'uud dalkii weeraray, oo nololna kuma uu dayn nin iyo naag toona, wuxuuna la tegey idihii, iyo dibidii, iyo dameerrihii, iyo geelii, iyo dharkii, dabadeedna wuu soo noqday, oo Aakiish u yimid.
Всякий раз, когда Давид нападал на эту область, он не оставлял в живых ни мужчины, ни женщины, но забирал овец и волов, ослов, верблюдов и одежду. Затем он возвращался к Ахишу.
10 M arkaasaa Aakiish wuxuu ku yidhi, Yaad maanta soo dhacdeen? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaannu weerarnay xagga koonfureed oo dalka Yahuudah, iyo xagga koonfureed oo reer Yeraxme'eel iyo xagga koonfureed oo reer Qeyn.
Когда Ахиш спрашивал: «На кого вы сегодня делали набег?» − Давид отвечал: «На Негев иудейский» или «На Негев иерахмеельский», или «На Негев кенеев».
11 O o Daa'uudna nolol kuma uu dayn nin iyo naag toona, inuu Gad keeno aawadeed, waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo ay inagu sheekaystaan oo yidhaahdaan, Daa'uud saasuu yeelay, caadadiisuna saasay ahayd intuu duurka reer Falastiin degganaa oo dhan.
Он не оставлял в живых ни мужчины, ни женщины, которых можно было бы отвести в Гат, потому что думал: «Они могут донести на нас и сказать: “Вот что сделал Давид”». Он поступал так все то время, пока жил на филистимской земле.
12 A akiishna Daa'uud buu aaminay, oo wuxuu isyidhi, Isagu dadkiisii reer binu Israa'iil oo dhan wuu isku diray oo aad bay u karahsadeen isaga; sidaas daraaddeed isagu wuxuu ii ahaan doonaa addoon weligiisba.
Ахиш доверял Давиду и говорил себе: «Его народ Израиль так ненавидит его, что он всегда будет моим слугой».