Sharciga Kunoqoshadiisa 8 ~ Второзаконие 8

picture

1 O o amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin.

Вы должны старательно исполнять каждое из повелений, которые я даю вам сегодня, чтобы жить и становиться все более многочисленными, чтобы войти в землю, которую Господь клятвенно обещал вашим отцам, и завладеть ею.

2 O o waa inaad xusuusataan jidkii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu afartankan sannadood idinku soo dhex mariyey cidladii, si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo si uu u ogaado wixii qalbigiinna ku jiray, bal inaad amarradiisa xajinaysaan iyo in kale.

Помни, как Господь, твой Бог, вел тебя через пустыню все эти сорок лет, смиряя и испытывая тебя, чтобы узнать, что в твоем сердце, будешь ты исполнять Его повеления или нет.

3 W uu idin hoosaysiiyey, oo gaajuu idinku riday, oo wuxuu idinku quudiyey maanna aydaan aqoon oo awowayaashiinna ayan aqoon, inuu idin ogeysiiyo inaan dadku kibis oo keliya ku noolaan, laakiinse uu dadku eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado.

Он смирял тебя, заставляя тебя голодать, а затем насыщал манной, которой не знал ни ты, ни твои отцы, чтобы научить тебя, что не одним хлебом живет человек, но и каждым словом, исходящим из уст Господа.

4 O o afartankan sannadood dharkiinnii aad qabteen idinkama duugoobin oo cagihiinnuna marna ma bararin.

Твоя одежда не изнашивалась, и твои ноги не опухали все эти сорок лет.

5 O o waa inaad qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo.

Пусть твое сердце помнит, что как человек наставляет своего сына, так и Господь, твой Бог, наставляет тебя.

6 O o waa inaad xajisaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah inaad jidadkiisa ku socotaan oo aad isaga ka cabsataan.

Соблюдай повеления Господа, своего Бога, ходи Его путями и почитай Его.

7 W aayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.

Ведь Господь, твой Бог, вводит тебя в благодатную землю – землю с многоводными реками и водоемами, с источниками, пробивающимися в долинах и в горах;

8 W aa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab,

в землю с пшеницей и ячменем, виноградными лозами и инжиром, гранатами, оливковым маслом и медом;

9 o o waa dal aad waayitaanla'aan kibis kaga cunaysaan oo aydaan waxba uga baahnayn, waa dal dhagaxyadiisu ay bir yihiin, oo aad buurihiisana naxaas ka qodan doontaan.

в землю, где хлеба не оскудеют и ты ни в чем не будешь нуждаться; в землю, где скалы содержат железо и где из гор ты сможешь добывать медь.

10 O o intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

Когда ты поешь и насытишься, славь Господа, своего Бога, за ту благодатную землю, которую Он дал тебе.

11 D igtoonaada, waaba intaasoo aad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan markaad xajin weydaan amarradiisa iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, oo aan maanta idinku amrayo,

Берегись, не забудь Господа, своего Бога, соблюдай Его повеления, законы и установления, которые я даю тебе сегодня.

12 o o markaad wax cuntaan oo aad dheregtaan, oo aad guryo wanaagsan dhisataan oo aad degtaan,

Иначе, когда ты поешь и насытишься, когда построишь хорошие дома и поселишься в них,

13 o o lo'diinna iyo idihiinnu ay tarmaan, oo lacagtiinna iyo dahabkiinnuna ay bataan, oo waxaad haysataan oo dhammuna ay tarmaan,

когда твои стада и отары увеличатся, а серебро, золото и все имущество умножатся,

14 u u qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

твое сердце возгордится, и ты забудешь Господа, своего Бога, Который вывел тебя из Египта, из земли рабства.

15 I sagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey.

Он вел тебя через огромную и ужасную пустыню, иссохшую и безводную землю с ядовитыми змеями и скорпионами. Он дал тебе воду из кремневой скалы.

16 O o intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon. Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo,

Он кормил тебя манной в пустыне, которую никогда не знали твои отцы, чтобы смирить и испытать тебя и чтобы в конце концов у тебя все было благополучно.

17 w aaba intaasoo aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan ku helnay.

Когда ты будешь процветать, ты можешь сказать про себя: «Я заработал это богатство своей силой и мощью моих рук».

18 L aakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay.

Но помни Господа, твоего Бога, потому что это Он дает тебе возможность приобретать богатство, подтверждая – как это и есть сегодня – Свой завет, о котором Он клялся твоим отцам.

19 O o haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan oo aad ilaahyo kale raacdaan oo u adeegtaan oo caabuddaan, hubaal waxaan maanta idiin markhaati furayaa inaad baabba'aysaan.

Если ты когда-нибудь забудешь Господа, своего Бога, последуешь другим богам и будешь служить и кланяться им, то – я свидетельствую против вас сегодня – вы непременно будете истреблены.

20 S idii quruumihii Rabbigu hortiinna ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.

Подобно народам, которые Господь истребил перед вами, будете истреблены и вы за непослушание Господу, вашему Богу.