1 M arkaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.
Рано утром Иисус и все израильтяне отправились из Шиттима и пришли к Иордану, где разбили лагерь перед тем, как переправиться.
2 O o saddex maalmood dabadeed saraakiishii xeraday dhex mareen,
Через три дня начальники прошли по лагерю,
3 o o waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.
приказывая народу: – Когда вы увидите ковчег завета Господа, вашего Бога, и священников-левитов, несущих его, снимайтесь со своих мест и идите за ним,
4 O o weliba waa in meel bannaan oo qiyaasteedu dhan tahay laba kun oo dhudhun idiin dhexaysaa idinka iyo sanduuqa. Ha u soo dhowaanina isaga, si aad u ogaataan jidkii aad mari lahaydeen; waayo, idinku hadda ka hor ma aydaan marin jidkan.
чтобы вам знать, каким путем идти, потому что вы не ходили этим путем прежде. Но пусть между вами и ковчегом будет расстояние примерно в две тысячи локтей. Не приближайтесь к нему.
5 M arkaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Quduus iska dhiga, waayo, berri Rabbigu wuxuu dhexdiinna ku samayn doonaa waxyaalo yaab leh.
Иисус сказал народу: – Освятитесь, потому что завтра Господь совершит среди вас чудеса.
6 O o Yashuuca wadaaddadii buu la hadlay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga qaada, oo dadka ka hor gudba. Kolkaasay waxay qaadeen sanduuqii axdiga, oo dadkiina way ka hor mareen.
Иисус сказал священникам: – Возьмите ковчег завета и идите перед народом. Они взяли его и пошли перед народом.
7 M arkaasaa Rabbigu Yashuuca ku yidhi, Maantaan bilaabayaa inaan kugu weyneeyo reer binu Israa'iil hortooda, inay ogaadaan in sidii aan Muuse ula jiray, aan adigana kuula jiri doono.
Господь сказал Иисусу: – Сегодня Я начну возвышать тебя в глазах всего Израиля, чтобы они знали, что Я буду с тобой, как прежде был с Моисеем.
8 O o waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.
Вели священникам, которые несут ковчег завета: «Когда вы дойдете до Иордана, войдите в реку и остановитесь».
9 M arkaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.
Иисус сказал израильтянам: – Подойдите и выслушайте слова Господа, вашего Бога.
10 O o Yashuuca wuxuu yidhi, Sidan baad ku ogaan doontaan in Ilaaha nool idin dhex joogo, iyo inuu shakila'aan hortiinna ka eryi doono reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Xiwi, iyo reer Feris, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Yebuus.
Вот как вы узнаете, что живой Бог среди вас, и что Он непременно прогонит перед вами хананеев, хеттов, хивеев, ферезеев, гергесеев, аморреев и иевусеев.
11 B al eega, Rabbiga dhulka oo dhan sanduuqiisii axdiga ayaa idin hor maraya xagga Webi Urdun dhexdiisa.
Смотрите, ковчег завета Владыки всей земли войдет в Иордан впереди вас.
12 H addaba sidaas daraaddeed laba iyo toban nin ka soo bixiya qabiilooyinka reer binu Israa'iil, qabiil walba nin.
Итак, выберите из родов Израиля двенадцать человек, по одному из каждого рода.
13 O o markii wadaaddada sida sanduuqa Rabbiga ah Rabbiga dhulka oo dhan ay calaacalaha cagahoodu taabtaan biyaha Webi Urdun, ayaa biyaha Webi Urdun kala go'i doonaan, kuwaasoo ah biyaha kor ka imanaya, oo markaasay meel istaagi doonaan iyagoo tuulan.
И как только стопы священников, несущих ковчег Господа – Владыки всей земли, – коснутся Иордана, его воды иссякнут, а воды, текущие сверху, встанут стеной.
14 O o markii dadku ka tegey teendhooyinkooda si ay Webi Urdun uga gudbaan aawadeed, iyadoo ay ka horreeyaan wadaaddada sida sanduuqii axdiga,
Когда народ свернул лагерь, чтобы переправиться через Иордан, священники пошли перед народом, неся ковчег завета.
15 o o markii kuwa sanduuqa sida ay soo gaadheen Webi Urdun, oo wadaaddada sida sanduuqa ay cagahoodu galeen biyaha qarkooda, (waayo, xilliga waxgoosashada oo dhan Webi Urdun qararkiisa oo dhan buu buuxdhaafaa)
(А Иордан во все время жатвы выступает из берегов.) Но как только те, кто нес ковчег завета, подошли к Иордану и их ноги коснулись края воды,
16 a yay biyaha kor ka imanayay istaageen, iyagoo tuulan, oo meel aad u fog bay istaageen oo u dhow magaalada la yidhaahdo Aadaam oo ku ag taal Saaretaan. Kuwii hoos u kacay xagga badda Caraabaah, taasoo ah Badda Cusbada leh, iyana kulligood waa go'een; oo dadkii wuxuu u gudbay meel ku toosan Yerixoo.
вода, текущая сверху, остановилась. Она встала стеной очень далеко, у города Адам, что рядом с Цартаном, а вода, текущая вниз, в море долины, в море Соленое, полностью иссякла. И народ переправился напротив Иерихона.
17 O o wadaaddadii siday sanduuqii axdiga Rabbiga waxay istaageen dhul engegan oo Webi Urdun dhexdiisa ah, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku gudbeen dhul engegan, ilaa ay quruuntii oo dhammu ka wada gudubtay Webi Urdun.
Священники, которые несли ковчег завета Господа, стояли на сухой земле в середине Иордана, пока весь народ, идущий мимо них, не переправился посуху.