1 H addaba Nacamaan oo ahaa sirkaalkii ciidanka boqorka Suuriya wuxuu ahaa nin xagga sayidkiisa ku weyn oo ciso leh, maxaa yeelay, isaga ayaa Rabbigu reer Suuriya lib ku siiyey; oo weliba wuxuu ahaa nin xoog leh, laakiinse baras buu qabay.
Нааман был военачальником царя Арама. Он был великим и уважаемым человеком в глазах своего господина, потому что через него Господь даровал Араму победу. Он был доблестным воином, но болел проказой.
2 O o reer Suuriyana guutooyin bay ku baxeen, oo waxay dalkii Israa'iil ka soo dhaceen gabadh yar, oo iyana Nacamaan bilcantiisa ayay u adeegi jirtay.
Отряды арамеев во время одного из набегов взяли в Израиле в плен маленькую девочку, и она служила жене Наамана.
3 O o waxay sayidaddeedii ku tidhi, Hoogay, haddii sayidkaygu hor tegi lahaa nebiga Samaariya jooga wuu ka bogsiin lahaa baraskan.
Она сказала госпоже: – Если бы только моему господину повидать пророка, который в Самарии! Он исцелил бы его от проказы.
4 O o mid baa sayidkiisii u galay oo ku yidhi, Gabadhii dalka Israa'iil ka timid saas iyo saas bay tidhi.
Нааман пошел к господину и передал ему то, что сказала девочка из Израиля.
5 M arkaasaa boqorkii Suuriya wuxuu Nacamaan ku yidhi, War orod oo tag, oo anna warqad baan kuugu sii dhiibayaa boqorka dalka Israa'iil. Oo isna wuu tegey, oo wuxuu qaaday toban talanti oo lacag ah, iyo lix kun oo sheqel oo dahab ah, iyo toban iskujoog oo dhar ah.
– Конечно, иди, − ответил царь Арама. − Я напишу письмо царю Израиля. И Нааман пошел, взяв с собой десять талантов серебра, шесть тысяч шекелей золота и десять смен одежды.
6 O o wuxuu u keenay boqorkii dalka Israa'iil warqaddii lahayd, Haddaba markii warqaddanu kuu timaado, bal eeg, addoonkayga Nacamaan ah ayaan kugu soo diray si aad baraska uga bogsiisid.
В письме, которое он принес царю Израиля, говорилось: «Когда ты получишь это письмо, знай, что я послал к тебе моего слугу Наамана, чтобы ты вылечил его от проказы».
7 O o markii boqorkii dalka Israa'iil warqaddii akhriyey ayuu dharkiisii iska jeexjeexay oo wuxuu yidhi, War ma anigaa ah Ilaah wax dili kara, waxna noolayn kara? Oo ninkanu ma saasuu nin iigu soo diray si aan baraska uga bogsiiyo? Waan idin baryayaaye bal u fiirsada siduu ii daandaansanayo.
Когда царь Израиля прочитал это письмо, он разорвал на себе одежду и сказал: – Разве я Бог, чтобы умерщвлять и оживлять? Почему он посылает ко мне, чтобы я исцелял от проказы? Смотрите, он пытается затеять со мной ссору!
8 O o markii Eliishaa oo ahaa nin Ilaah uu maqlay in boqorkii dalka Israa'iil dharkiisii iska jeexjeexay ayuu u cid diray boqorkii oo ku yidhi, War maxaad dharkaagii isaga jeexjeexday? Bal isagu ha ii yimaado, oo wuxuu ogaan doonaa in dalka Israa'iil nebi dhex joogo.
Когда Елисей, Божий человек, услышал о том, что царь Израиля разорвал на себе одежду, он послал сказать ему: – Почему ты разорвал на себе одежду? Пошли этого человека ко мне, и он узнает, что есть пророк в Израиле.
9 M arkaasaa Nacamaan yimid, isagoo wata fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, oo wuxuu soo hor istaagay albaabkii gurigii Eliishaa.
Нааман пришел с конями и колесницами и остановился у двери Елисеева дома.
10 O o Eliishaa wargeeyuu u diray oo wuxuu ku yidhi, Tag oo Webi Urdun toddoba jeer ku maydho, oo jiidhkaagu mar kaluu kuu soo noqon doonaa, oo nadiif baad ahaan doontaa.
Елисей отправил посланца сказать ему: – Пойди, омойся семь раз в Иордане, твое тело исцелится, и ты станешь чист.
11 L aakiinse Nacamaan wuu cadhooday oo tegey, oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan mooday inuu isaga qudhiisu ii soo baxayo oo istaagayo, oo uu magaca Rabbiga Ilaahiisa ah iigu ducaynayo, oo uu gacantiisa meesha bukta dul marmarinayo, oo uu saas baraska ku bogsiinayo.
Но Нааман разгневался и ушел, говоря: – Я думал, что он непременно выйдет ко мне, встанет, призовет Имя Господа, своего Бога, поводит рукой над этим местом и исцелит меня от проказы.
12 W ar Abaanaah iyo Farfar oo ah webiyadii Dimishaq sow kama wanaagsana biyaha dalka Israa'iil oo dhan? Bal miyaanan iyaga ku maydhan karin oo nadiif ahaan karin? Sidaas daraaddeed wuu noqday, oo wuxuu tegey isagoo cadhaysan.
Разве Авана и Фарфар, реки Дамаска, не лучше всех вод Израиля? Разве я не мог омыться в них, чтобы очиститься? Он повернулся и в гневе ушел.
13 L aakiinse addoommadiisii ayaa u yimid oo la hadlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbow, haddii nebigu wax weyn kugu amro sow ma aadan samayseen? Haddaba bal maxaa ka sahlan hadduu kugu yidhaahdo, Maydho, oo nadiif noqo?
Слуги Наамана подошли к нему и сказали: – Отец, если бы пророк сказал тебе сделать нечто великое, разве бы ты этого не сделал? А он лишь сказал тебе: «Омойся и будешь чист»!
14 M arkaasuu tegey, oo sidii ninkii Ilaah isaga ku yidhi ayuu yeelay, oo Webi Urdun ayuu toddoba jeer liimbaday; oo jiidhkiisiina mar kaluu u soo noqday isagoo u eg ilmo yar jiidhkiis, nadiif buuna noqday.
Тогда он пошел и семь раз окунулся в Иордане, как сказал ему Божий человек, − и его тело исцелилось и стало чистым, как у младенца.
15 M arkaasuu ninkii Ilaah ku noqday, oo isagii iyo kooxdiisii oo dhammuba, intay yimaadeen ayay hortiisii soo istaageen; oo isna wuxuu yidhi, Bal eeg, haatan waan ogahay inaan dunida oo dhan Ilaah lagu arag dalka Israa'iil mooyaane, haddaba sidaas daraaddeed waxaan kaa baryayaa inaad qaadato hadiyaddayda anoo addoonkaaga ah.
Нааман со слугами вернулся к Божьему человеку. Он встал перед ним и сказал: – Теперь я знаю, что во всем мире нет Бога, кроме как в Израиле. А теперь, прошу, прими от твоего слуги подарок.
16 L aakiinse Eliishaa wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga aan hor taagnahaye inaanan waxba kaa qaadanayn. Oo isna wuu ku sii cadaadiyey inuu qaato, laakiinse Eliishaa wuu diiday.
Пророк ответил: – Верно, как и то, что жив Господь, Которому я служу – я ничего не приму. И хотя Нааман уговаривал его, он отказался.
17 M arkaasaa Nacamaan wuxuu yidhi, Haddii ayan saas ahayn weliba waxaan kaa baryayaa in anigoo addoonkaaga ah lay siiyo ciid intii ay laba baqal qaadi karaan, waayo, anigoo addoonkaaga ah, hadda ka dib Rabbiga mooyaane ilaahyo kale u bixin maayo qurbaan la gubo iyo allabari toona.
– Если ты не желаешь, − сказал Нааман, − то прошу тебя, пусть твоему слуге дадут столько земли, сколько сможет увезти пара мулов, потому что твой слуга никогда больше не будет приносить всесожжения и жертвы никакому богу, кроме Господа.
18 O o waxakanna Rabbigu ha iga cafiyo anigoo addoonkaaga ah, markii sayidkaygu guriga Rimmon u tago inuu ku tukado, oo uu ku tiirsada gacantayda ee aan anna ku sujuudo guriga Rimmon gudihiisa, oo markaan ku sujuudo guriga Rimmon gudihiisa Rabbigu anigoo addoonkaaga ah ha iga cafiyo waxakan.
Пусть только Господь простит твоего слугу за одно: когда мой господин входит в храм Риммона, чтобы поклониться там, и опирается на мою руку, я кланяюсь тоже. Когда я буду кланяться в храме Риммона, пусть Господь простит за это твоего слугу.
19 O o isna wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo nabad ku tag. Sidaas daraaddeed in yar buu ka socday.
– Иди с миром, – сказал Елисей. Гиезий наказан проказой Когда Нааман уже отошел на некоторое расстояние,
20 L aakiinse Geexasii oo ahaa midiidinkii Eliishaa oo ahaa ninkii Ilaah wuxuu yidhi, Bal eega, sayidkaygu wuu u tudhay Nacamaan kii reer Suuriya, oo wixii uu u keenayna waxba kama uu qaadan. Waxaan Rabbiga noloshiisa ugu dhaartay inaan intaan isagii ka daba ordo wax ka soo qaato.
Гиезий, слуга Елисея, Божьего человека, сказал себе: «Мой господин отпустил этого арамея Наамана слишком легко, не взяв у него никаких даров. Верно, как и то, что Господь жив – я побегу за ним и возьму у него что-нибудь».
21 S idaas daraaddeed Geexasii wuxuu daba galay Nacamaan. Oo Nacamaanna markuu arkay mid soo daba ordaya ayuu gaadhifaraskiisii ka soo degtay inuu ka hor tago, oo wuxuu ku yidhi, War ma nabad baa?
Гиезий помчался за Нааманом. Когда Нааман увидел, как он бежит к нему, он слез с колесницы, чтобы встретить его. – Все ли благополучно? − спросил он.
22 O o isna wuxuu ku yidhi, Waa nabad. Oo sayidkaygii baa i soo diray oo wuxuu kugu soo yidhi, Haddeerba waxaa ii yimid laba nin oo dhallinyar oo qoonkii nebiyada ah oo ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad iyaga siiso talanti lacag ah iyo laba iskujoog oo dhar ah.
– Все благополучно, − ответил Гиезий. – Мой господин послал меня сказать: «Два молодых ученика пророков пришли ко мне из нагорий Ефрема. Прошу тебя, дай им талант серебра и две смены одежды».
23 M arkaasaa Nacamaan yidhi, Oggolow oo qaad laba talanti oo lacag ah. Wuuna ku sii adkeeyey, oo labadii talanti wuxuu ugu xidhay laba kiish, oo wuxuu ugu sii daray laba iskujoog oo dhar ah, oo weliba wuxuu u saaray laba midiidinnadiisii ah, oo iyana intay u qaadeen ayay hortiisa socdeen.
– Конечно! Бери два таланта, – сказал Нааман. Он уговорил Гиезия взять два таланта серебра в двух мешках, вместе с двумя сменами одежды. Он отдал их двум слугам, и они понесли их перед Гиезием.
24 O o markuu buurtii yimid ayuu gacmahoodii ka qaaday, oo guriguu dhigtay; nimankiina wuu iska diray oo way tageen.
Когда Гиезий пришел на холм, он взял это у слуг и положил у себя дома. Он отпустил людей, и они ушли.
25 O o isagiina intuu gudaha galay ayuu sayidkiisii hor istaagay. Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Geexasiiyow, xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu meella ma tegin.
После этого он вошел и встал перед своим господином Елисеем. – Где ты был, Гиезий? − спросил Елисей. – Твой слуга никуда не ходил, − ответил Гиезий.
26 O o isna wuxuu isagii ku yidhi, War sow qalbigaygu kulama socon markii ninku gaadhifaraskiisii ka soo noqday inuu kaa hor yimaado? War haatan ma wakhti lacag la qaataa oo ma wakhti la qaataa dhar, iyo beero saytuun ah, iyo beero canab ah, iyo ido, iyo dibi, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah?
Но Елисей сказал ему: – Разве не был с тобой мой дух, когда тот человек слез с колесницы, чтобы встретить тебя? Время ли брать деньги или принимать одежды, масличные рощи, виноградники, отары, стада, слуг или служанок?
27 H addaba waxaa adiga iyo farcankaagaba idinku dhegi doona weligiin Nacamaan baraskiisii. Oo wuxuu hortiisii ka tegey isagoo baras qaba oo u cad sida baraf cad oo kale.
Так пусть проказа Наамана пристанет к тебе и твоим потомкам навеки. И когда Гиезий вышел от Елисея, он был бел от проказы, как снег.