Yashuuca 18 ~ Иисус Навин 18

picture

1 O o shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu Shiiloh bay dhammaantood isugu soo urureen, oo waxay halkaas ka dhiseen teendhadii shirka; oo dadkii waddankana waa laga adkaaday.

Все общество израильтян собралось в Шило и поставило там шатер собрания. Страна была покорена ими,

2 O o reer binu Israa'iil dhexdooda waxaa ku hadhay toddoba qabiil oo aan weli helin qaybtii ay dhaxalka u lahaayeen.

но семь израильских родов еще не получили своего удела.

3 M arkaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Dalkii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin idin siiyey ilaa goormaad ka raagaysaan inaad gashaan si aad dalka u hantidaan?

Иисус сказал израильтянам: – Сколько вы еще будете ждать, прежде чем пойдете и возьмете в удел землю, которую дал вам Господь, Бог ваших отцов?

4 H addaba qabiil walba saddex nin kala soo baxa; oo anigu iyaga waan diri doonaa, markaas waa inay kacaan, oo dalka dhex maraan, oo soo kala tilmaamaan siday u kala dhaxlayaan, oo markaas waa inay ii yimaadaan.

Отрядите по три человека из каждого рода. Я отправлю их, чтобы они прошли по земле, описали ее по уделам каждого и вернулись ко мне.

5 O o waa inay dalka u kala qaybiyaan toddoba meelood. Reer Yahuudah waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga koonfureed, oo reer Yuusufna waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga woqooyi.

Разделите землю на семь частей. Иуда пусть останется в своей земле на юге, а дом Иосифа в своей земле на севере.

6 O o waa inaad dalka u soo kala tilmaantaan toddoba meelood, oo aad tilmaanta ii keentaan, oo markaasaan halkan idiinku saami ridi doonaa Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa.

Сделав описания семи частей земли, принесите их сюда ко мне, и я брошу о вас жребий перед Господом, нашим Богом.

7 M axaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.

Но левиты не получат надела между вами, потому что их удел – священническая служба Господа. А Гад, Рувим и половина рода Манассии уже получили свои наделы на восточной стороне Иордана. Им дал его Моисей, слуга Господа.

8 M arkaasaa raggii kaceen oo tageen; oo kuwii tegey inay dalka soo tilmaamaan Yashuuca ayaa ku amray, oo ku yidhi, Taga oo dalka dhex mara, oo soo tilmaama, oo haddana aniga ii kaalaya, oo markaasaan halkan Shiiloh ah idiinku saami ridi doonaa Rabbiga hortiisa.

Когда те люди тронулись в путь, чтобы описать землю, Иисус велел им: – Ступайте, пройдите по земле и опишите ее. Потом возвращайтесь ко мне, и я брошу о вас жребий здесь, в Шило, перед Господом.

9 M arkaasay raggii tageen oo dalkii soo dhex mareen, oo waxay soo kala tilmaameen magaalooyinkii oo toddoba meelood u kala qaybsan, oo waxayna ku soo qoreen buug, oo markaasay u yimaadeen Yashuuca oo joogay xerada Shiiloh ku taal.

И те люди пошли, прошли по земле, описали ее по городам в семи частях в свитке и вернулись к Иисусу в лагерь в Шило.

10 M arkaasaa Yashuuca Shiiloh ugu saami riday iyagii Rabbiga hortiisa; oo halkaasaa Yashuuca reer binu Israa'iil ugu qaybshay dalkii sidii ay u kala qaybsanaayeen. Saamigii Reer Benyaamiin

И Иисус бросил о них жребий в Шило перед Господом и распределил израильтянам землю по их родовым разделениям. Надел Вениамина

11 O o qabiilkii reer Benyaamiin saamigoodii ay u heleen sidii ay reerahoodii kala ahaayeen ayaa u soo hor baxay; oo soohdintoodii ay saamiga u heleen waxay kala dhex mari jirtay reer Yahuudah iyo reer Yuusuf.

Выпал жребий рода Вениамина по их кланам. Доставшаяся им земля лежала между наделами родов Иуды и Иосифа:

12 O o soohdintoodu xagga waaxda woqooyi waxay ka bilaabatay Webi Urdun; oo soohdintu waxay u baxday Yerixoo dhinaceeda woqooyi, oo waxay dhex martay dalka buuraha leh xaggiisa galbeed; oo dhammaadkeedii wuxuu u baxay cidladii Beytaawen.

на севере их граница шла от Иордана по склону к северу от Иерихона и поднималась в нагорья, доходя до пустыни Бет-Авен.

13 O o soohdintu waxay halkaas uga gudubtay Luus (taasoo ah Beytel), iyo ilaa dhinaceeda koonfureed, oo soohdintu waxay ku dhaadhacday Cataarood Addaar, taasoo u dhow buurta ku taal Beytxooroonta hoose xaggeeda koonfureed.

Оттуда она шла к склону на юге от Луза (то есть Вефиля) и спускалась к Атарот-Аддару и к горе, что к югу от Нижнего Бет-Хорона.

14 O o soohdintu waxay u baxday oo ka laabatay waaxda galbeed xaggeeda koonfureed, iyo xagga buurta ku hor taal Beytxooroon xaggeeda koonfureed; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu u baxay Qiryad Bacal taasoo ah Qiryad Yecaariim ee ahayd magaalo ay reer Yahuudah leeyihiin, intaasu waxay ahayd waaxdii galbeed.

От холма, что напротив Бет-Хорона, на юге граница поворачивала к югу по западной стороне надела и заканчивалась у Кирьят-Баала (то есть Кирьят-Иеарима), города народа Иуды. Это была западная граница.

15 O o waaxdii koonfureedna waxay ka bilaabatay meesha ugu fog Qiryad Yecaariim, oo soohdintu waxay martay xagga galbeed, oo waxay u baxday ishii biyaha ahayd oo Neftoo'ax;

Южная граница шла от предместий Кирьят-Иеарима на западе и оттуда к источнику вод Нефтоах.

16 o o soohdintu waxay ku dhaadhacday meesha ugu fog buurta ku hor taal dooxadii ina Xinnom, taasoo ku taal xagga woqooyi oo dooxada reer Rafaa, oo waxay ku dhaadhacday ilaa dooxadii Xinnom, iyo ilaa dhinaca reer Yebuus xaggooda koonfureed, oo waxay kaloo sii martay Ceyn Rogeel,

Затем граница спускалась к подножию горы, что напротив долины Бен-Гинном, к северу от долины Рефаим. Она нисходила долиной Гинном по южному склону города иевусеев к Эн-Рогелу.

17 o o waxay u leexatay xagga woqooyi, oo waxay martay Ceyn Shemesh agteeda; oo waxay u baxday Geliilood, taasoo ka soo hor jeedda jiirta Adummiim; oo haddana waxay u baxday dhagaxii Bohan ina Ruubeen;

Затем она сворачивала на север, шла к Эн-Шемешу, тянулась к Гелилоту, что напротив возвышенности Адуммим, и спускалась к камню Богана, сына Рувима.

18 o o waxay sii martay dhinaca ka soo hor jeeda Caraabaah xaggeeda woqooyi, oo waxay ku dhaadhacday Caraabaah;

Она тянулась к северному склону Бет-Аравы и спускалась в саму иорданскую долину.

19 o o soohdintu waxay sii martay Beytxoglaah dhinaceeda woqooyi; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga gacanka woqooyi oo Badda Cusbada leh, ee ku yaal Webi Urdun dhammaadkiisa koonfureed meesha uu ku dhammaado; intaasu waa soohdintii koonfureed.

Затем она шла к северному склону Бет-Хоглы и доходила до северного залива Соленого моря, у устья Иордана. Такова была северная граница.

20 W aaxda bari soohdinteeduna waxay ahayd Webi Urdun. Intaasu waxay ahayd dhaxalkii reer Benyaamiin iyo soohdimihii ku wareegsanaa, ee ay u heleen sidii reerahoodu ahaayeen.

Границей на восточной стороне был Иордан. Таковы были границы наделов, данных кланам Вениамина.

21 H addaba magaalooyinkii reer Benyaamiin siday reerahoodu ahaayeen waxay ahaayeen Yerixoo, iyo Beytxoglaah, iyo Dooxadii Qesiis,

Род Вениамина по их кланам владел следующими городами: Иерихон, Бет-Хогла, Емек-Кециц,

22 i yo Beytcaraabaah, iyo Semaarayim, iyo Beytel,

Бет-Арава, Цемараим, Вефиль,

23 i yo Cawiim, iyo Faaraah, iyo Cofraah,

Аввим, Фара, Офра,

24 i yo Kefar reer Cammoon, iyo Cofnii, iyo Gebac, oo intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,

Кефар-Аммони, Офни и Гева − двенадцать городов с окрестными поселениями.

25 i yo Gibecoon, iyo Raamaah, iyo Bi'irod,

Гаваон, Рама, Беэрот,

26 i yo Misfaah, iyo Kefiiraah, iyo Mosaah,

Мицпе, Кефира, Моца,

27 i yo Reqem, iyo Yirfe'eel, iyo Taralaah,

Рекем, Ирфеил, Фарала,

28 i yo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen.

Цела, Елеф, иевусейский город (то есть Иерусалим), Гива и Кирьят-Иеарим − четырнадцать городов с окрестными поселениями. Таков был удел Вениамина для его кланов.