1 O o isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Daa'uud Yoo'aab diray isagoo wata addoommadiisii, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay baabbi'iyeen reer Cammoon, oo Rabbaahna way hareereeyeen, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay.
Весной, когда цари идут на войну, Давид послал Иоава со своими приближенными и всем израильским войском, и они нанесли поражение аммонитянам и осадили их главный город Равву. Давид же оставался в Иерусалиме.
2 O o makhribkii ayaa Daa'uud ka kacay sariirtiisii, oo wuxuu dul socday gurigii boqorka saqafkiisa, oo wuxuu saqafka ka arkay naag maydhanaysa, naagtuna aragga aad bay u qurux badnayd.
Однажды вечером, поднявшись с постели, Давид прогуливался по крыше своего дворца. С крыши он увидел купающуюся женщину. Женщина была очень красива,
3 M arkaasaa Daa'uud cid naagtii soo haybsata diray. Oo waxaa la yidhi, War sow tanu ma aha Batshebac ina Eliicaam, oo uu Uuriyaah kii reer Xeed qabo?
и Давид послал разузнать о ней. Посланный сказал: – Это Вирсавия, дочь Елиама и жена хетта Урии
4 M arkaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray, wuuna soo kaxaystay; markaasay u soo gashay, wuuna la seexday, (waayo, waxay iska daahirisay nijaasteedii); dabadeedna gurigeedii bay ku noqotay.
Тогда Давид послал людей, чтобы привести ее. Она пришла к нему, и он лег с ней. (Она только что очистилась от своей ежемесячной нечистоты.) Затем она вернулась домой.
5 O o naagtiina way uuraysatay; markaasay Daa'uud u soo cid dirtay oo u sheegtay, waxayna ku tidhi, Uur baan yeeshay.
Эта женщина забеременела и послала сказать Давиду: – Я беременна.
6 D aa'uudna cid buu u diray Yoo'aab, oo ku yidhi, Ii soo dir Uuriyaah kii reer Xeed. Markaasaa Yoo'aab Uuriyaah u soo diray Daa'uud.
Тогда Давид отправил Иоаву приказ: – Пришли ко мне хетта Урию. Иоав послал его к Давиду.
7 O o markii Uuriyaah u yimid ayaa Daa'uud weyddiiyey Yoo'aab siduu ahaa, iyo sidii dadku u nabdoonaa, iyo dagaalkii sida loogu guulaystay.
Когда Урия пришел к нему, Давид расспросил его об Иоаве, о воинах и о ходе войны.
8 D aa'uudna wuxuu Uuriyaah ku yidhi, Bal orod gurigaaga tag oo cagomaydho. Markaasaa Uuriyaah gurigii boqorka ka baxay oo waxaana lala daba galay cunto ka tagtay xagga boqorka.
Затем Давид сказал Урии: – Ступай домой и омой ноги. Урия вышел из царского дворца, а вслед за ним понесли царский подарок.
9 L aakiinse Uuriyaah guriga boqorka iriddiisa ayuu la seexday addoommadii sayidkiisa oo dhan, oo gurigiisiina ma uu tegin.
Но Урия лег спать у входа во дворец со всеми слугами своего господина и не пошел к себе домой.
10 D aa'uudna waa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Uuriyaah gurigiisii ma tegin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Uuriyaah ku yidhi, War miyaadan sodcaal ka iman? Maxaadse gurigaaga u tegi weyday?
Когда Давиду сказали: «Урия не пошел домой», – он спросил его: – Разве ты не после дороги? Почему ты не пошел домой?
11 M arkaasaa Uuriyaah wuxuu Daa'uud ku yidhi, Sanduuqa Ilaah, iyo reer binu Israa'iil, iyo reer Yahuudahba waxay ku jiraan waabab; oo sayidkaygii Yoo'aab iyo addoommadii sayidkayguba waxay ku hoydaan berrin bannaan; haddaba miyaan u galaa gurigayga inaan wax cuno, oo wax cabbo, oo naagtayda la seexdo? Haddaba waxaan ku dhaartay noloshaada iyo naftaada inaanan waxan samaynayn.
Урия сказал Давиду: – Ковчег, Израиль и Иуда находятся в шатрах, и мой господин Иоав и все люди моего господина находятся в открытом поле. Как же я могу пойти домой, чтобы есть, пить и спать со своей женой? Верно, как и то, что ты жив, я не сделаю подобного!
12 M arkaasaa Daa'uud Uuriyaah ku yidhi, Haddaba bal maantana iska joog oo berrina waan ku dirayaa. Saas aawadeed Uuriyaah maalintaas iyo maalintii dambeba Yeruusaalem buu joogay.
Тогда Давид сказал ему: – Оставайся здесь и сегодня, а завтра я отправлю тебя обратно. Урия остался в Иерусалиме в тот день и на следующий день.
13 M arkii Daa'uud u yeedhay ayuu hortiisa wax ku cunay oo wax ku cabbay; markaasuu sakhraamiyey, oo fiidkii buu tegey inuu sariirtiisii jiifsado isagoo la socda addoommadii sayidkiisa, laakiinse gurigiisii ma uu tegin.
По приглашению Давида он ел и пил с ним, и Давид напоил его допьяна. Но вечером Урия вышел, чтобы лечь спать на своей циновке со слугами своего господина; он не пошел домой.
14 O o subaxdii dambe Daa'uud warqad buu Yoo'aab u qoray, wuxuuna ugu sii dhiibay Uuriyaah.
Поутру Давид написал Иоаву письмо и отправил его с Урией.
15 O o wuxuu warqaddiisii ku qoray oo yidhi, Uuriyaah waxaad ugu hor marisaan dagaalka ugu kulul, oo idinkuna dib uga noqda, si loo dilo, uuna u dhinto.
В письме было сказано: «Поставьте Урию там, где будет самое яростное сражение, и отступите от него, чтобы он погиб».
16 O o markuu Yoo'aab magaaladii arkay ayuu Uuriyaah ku hagaajiyey meeshii uu ku ogaa inay nimankii xoogga badnaa joogaan.
Когда Иоав осаждал город, он поставил Урию там, где, как он знал, были самые сильные защитники.
17 O o raggii magaaladuna way soo baxeen, oo Yoo'aab la dirireen, oo dadkiina qaar baa ka dhintay, kuwaas oo ahaa addoommadii Daa'uud; Uuriyaah kii reer Xeedna wuu dhintay.
Когда горожане вышли из города и сразились с Иоавом, некоторые воины из войска Давида пали; хетт Урия тоже был убит.
18 M arkaasaa Yoo'aab Daa'uud cid u diray, oo wixii dagaalkii ku saabsanaa oo dhan ayuu uga warramay,
Иоав послал Давиду подробные известия о битве.
19 o o kii farriinta wadayna wuxuu ku amray oo ku yidhi, Markaad boqorka uga warrantid waxa dagaalka ku saabsan oo dhan,
Он научил вестника: – Когда ты закончишь рассказывать царю эти известия о битве,
20 m arkaas hadduu boqorku cadhoodo, oo kugu yidhaahdo, War maxaad magaalada ugu dhowaateen inaad la dirirtaan? Miyeydaan ogayn inay derbiga idinka soo tooganayaan?
царь может разгневаться и спросить тебя: «Зачем вы так близко подходили к городу сражаться? Разве вы не знали, что они станут стрелять со стены стрелами?
21 B al yaa dilay Abiimeleg oo ahaa ina Yerubbeshed? Sow naagu dhagax wax lagu shiido derbi kagama soo tuurin oo sow kuma uu dhiman Tebes? Haddaba maxaad idinku derbiga ugu dhowaateen? Markaas waxaad ku tidhaahdaa, Addoonkaagii Uuriyaah ahaa ee reer Xeed isna waa dhintay.
Кто убил Авимелеха, сына Еруббаала? Разве не женщина бросила в него со стены обломок жернова, и он умер в Тевеце? Зачем вы так близко подходили к стене?» Если спросит у тебя это, скажи ему: «А еще твой слуга хетт Урия погиб».
22 H addaba wargeeyihii waa tegey, Daa'uudna wuu u yimid oo u sheegay wixii Yoo'aab u soo diray oo dhan.
Вестник пустился в путь и, когда прибыл, передал Давиду все, с чем послал его Иоав.
23 O o wargeeyihii wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nimankii way naga xoog badnaadeen, markaasay dibadda noogu soo baxeen, oo annana waxaannu eryannay iyagii ilaa ay iriddii magaalada galeen.
Вестник сказал Давиду: – Те люди наступали на нас и вышли против нас в открытое поле, но мы отогнали их обратно к городским воротам.
24 M arkaasay kuwii wax toogan jiray addoommadaadii derbiga ka soo toogteen, oo boqorow, addoommadaadiina qaar baa dhintay, oo addoonkaagii Uuriyaah ahaa ee reer Xeed isna wuu dhintay.
Лучники стреляли в твоих слуг со стены, и некоторые из царских слуг погибли. Твой слуга хетт Урия тоже погиб.
25 M arkaasaa Daa'uud wuxuu wargeeyihii ku yidhi, Waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaa, Waxanu yay kula xumaan, waayo, seeftu mar mid bay baabbi'isaa, marna midka kale, haddaba magaalada dagaalka aad ugu sii adkee, oo afgembi; oo adna isaga dhiirrigeli.
Давид сказал вестнику: – Скажи Иоаву так: «Пусть это тебя не огорчает; меч поражает то одного, то другого. Соберись с силами против города и разрушь его». Скажи так, чтобы ободрить Иоава.
26 O o Uuriyaah bilcaantiisiina markay maqashay in ninkeedii Uuriyaah dhintay, way u barooratay ninkeedii.
Когда жена Урии услышала, что ее муж погиб, она оплакивала его.
27 O o markii baroortii dhammaatay ayaa Daa'uud u soo cid diray iyadii oo gurigiisii soo gashaday, oo iyana waxay noqotay naagtiisii, wiilna way u dhashay. Laakiinse wixii Daa'uud sameeyey ayaa Rabbigu ka xumaaday.
После того как время траура миновало, Давид привел ее в свой дом, она стала его женой и родила ему сына. Но то, что сделал Давид, не было угодно Господу.