1 B oqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii lixaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo waxaa loogu soo dhiibay Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, oo wuxuu ku yidhi,
На втором году правления царя Дария, в первый день шестого месяца, Зоровавелю, сыну Шеалтиила, наместнику Иудеи, и Иисусу, сыну Иоседека, первосвященнику, было слово Господа через пророка Аггея:
2 R abbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo wuxuu leeyahay, Dadkanu waxay yidhaahdaan, Wakhtigii weli lama gaadhin, wakhtigii guriga Rabbiga la dhisi lahaa weli lama gaadhin.
– Так говорит Господь Сил: «Этот народ говорит: “Еще не настало время строить дом Господа”».
3 M arkaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay oo wuxuu yidhi,
И было слово Господа через пророка Аггея:
4 M a idiin tahay wakhti aad ku hoyataan guryihiinna saqafka loo yeelay, iyadoo guriganu uu dunsan yahay?
– А вам разве время жить в хороших домах, когда этот дом лежит в развалинах?
5 H addaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.
Поэтому так говорит Господь Сил: – Подумайте о своих путях.
6 W ax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.
Вы посеяли много, а собрали мало. Вы едите, но не наедаетесь. Вы пьете, но не напиваетесь. Вы одеваетесь, но не в силах согреться. Вы трудитесь лишь для того, чтобы положить заработанное в дырявый кошелек.
7 H addaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.
Так говорит Господь Сил: – Подумайте о своих путях.
8 R abbigu wuxuu leeyahay, Buurta fuula, oo alwaax ka keena, oo guriga dhisa, oo anna waan ku farxi doonaa, oo kolkaasaan ammaanmi doonaa.
Поднимитесь в горы, принесите дерева и постройте дом. Он будет Мне угоден, и Я прославлюсь, – говорит Господь. –
9 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa.
Вы ждали многого, но получилось мало. А то, что вы принесли домой, Я развеял. За что? – возвещает Господь Сил. – За Мой дом, который лежит в развалинах, в то время как каждый из вас заботится лишь о своем доме.
10 H addaba idinka daraaddiin ayaa samadii u diidday sayaxeedii oo dhulkiina wuu diiday midhihiisii.
Поэтому небо над вами удержало росу, а земля удержала свой урожай.
11 O o anigu abaar baan u yeedhay, oo waxaan ku soo dejiyey dhulka, iyo buuraha, iyo hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo waxaa dhulka ka soo baxa, iyo dadka, iyo duunyada, iyo hawsha gacmaha oo dhan.
Я наслал засуху на поля и нагорья, на зерно, молодое вино и масло, на произведения земли, на людей, на скот и на труд ваших рук.
12 M arkaasaa Serubaabel ina Salaatii'eel, iyo wadaadkii sare oo ahaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq, iyo dadka intiisii hadhay oo dhammu waxay addeeceen codkii Rabbiga Ilaahooda ah, iyo erayadii Nebi Xaggay, waayo, Rabbiga Ilaahooda ah ayaa isaga soo diray, oo dadkiina Rabbiga hortiisa ayaa cabsi ku gashay.
И Зоровавель, сын Шеалтиила, с первосвященником Иисусом, сыном Иоседека, и со всем остальным народом послушались голоса Господа, их Бога, и слов пророка Аггея, потому что его послал Господь, их Бог. И народ устрашился Господа.
13 M arkaasaa Xaggay oo ahaa wargeeyihii Rabbiga dadkii u sheegay farriintii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa.
Аггей, вестник Господа, передал народу весть от Господа: – Я с вами, – возвещает Господь.
14 K olkaasaa Rabbigu kiciyey ruuxii Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo ruuxii Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, iyo ruuxii dadka intiisa hadhay oo dhanba, oo intay yimaadeen ayay ka shaqeeyeen gurigii Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah,
И Господь пробудил дух наместника Иудеи Зоровавеля, сына Шеалтиила, дух первосвященника Иисуса, сына Иоседека, и дух всего остального народа. Они пришли и начали трудиться в храме Господа Сил, их Бога,
15 o o taasuna waxay dhacday Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii lixaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad.
в двадцать четвертый день шестого месяца второго года правления царя Дария.