1 S aa'uul markuu reer binu Israa'iil boqorka u noqday wuxuu jiray soddon sannadood, oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba sannadood.
Saul was forty years old when he began to rule. He ruled over Israel thirty-two years.
2 M arkaasaa Saa'uul wuxuu reer binu Israa'iil ka dhex doortay saddex kun oo nin; oo laba kun waxay Saa'uul la joogeen Mikmaash iyo buurtii Beytel, oo kunna wuxuu Yoonaataan la joogay Gibecaahdii reer Benyaamiin; oo dadka intiisii kalena nin walba wuxuu u diray inuu teendhadiisii tago.
Saul chose 3, 000 men of Israel. There were 2, 000 of them with Saul in Michmash and in the hill country of Bethel. And 1, 000 were with Jonathan at Gibeah of Benjamin. But he sent away the rest of the people, each to his tent.
3 O o Yoonaataan wuxuu ku dhuftay xeradii ciidankii reer Falastiin oo Gebac joogay, oo reer Falastiinna taas way maqleen. Oo Saa'uulna dalkii oo dhan buu buun ugu dhuftay oo yidhi, Cibraaniyadu ha maqleen.
Jonathan destroyed the place where the Philistine soldiers were in Geba, and the Philistines heard of it. Then Saul sounded the horn through all the land, saying, “Let the Hebrews hear.”
4 O o reer binu Israa'iil oo dhammu waxay maqleen in Saa'uul wax ku dhuftay xeradii ciidanka reer Falastiin, iyo weliba in reer Falastiin ay karheen reer binu Israa'iil. Oo dadkiina dhammaantood waxay Saa'uul ugu soo urureen Gilgaal.
All Israel heard the news that Saul had destroyed the place where the Philistine soldiers were. And they heard that Israel had become a hated thing to the Philistines. Then the people were called out to join Saul at Gilgal.
5 O o reer Falastiinna waxay isu soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan, oo waxayna ahaayeen soddon kun oo gaadhifardood, iyo lix kun oo fardooley ah, iyo dad ah sida cammuudda taal badda xeebteeda. Oo intay soo dhowaadeen ayay degeen Mikmaash, oo bari ka xigta Beytaawen.
The Philistines gathered to fight against Israel, with 30, 000 war-wagons, 6, 000 horsemen, and people like the sand on the sea shore. They came and set up their tents at Michmash, east of Beth-aven.
6 O o dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag.
The men of Israel saw that they were in trouble. The people were in a place of danger. So the people hid themselves in caves, bushes, hill-sides, graves and wells.
7 O o haddaba Cibraaniyadii qaarkood waxay ka gudbeen Webi Urdun oo tageen ilaa dalkii reer Gaad iyo Gilecaad; laakiinse Saa'uul weli wuxuu iska joogay Gilgaal, oo dadkii oo dhammuna isagay daba galeen iyagoo gariiraya.
Some of the Hebrews crossed the Jordan to the land of Gad and Gilead. But as for Saul, he was still in Gilgal, and all the people followed him in fear.
8 O o toddoba maalmood buu sugayay, sidii wakhtigii Samuu'eel u qabtay uu ahaa, laakiinse Samuu'eel ma iman Gilgaal, oo dadkiina way ka kala firdheen Saa'uul.
Saul waited seven days, the time set by Samuel, but Samuel did not come to Gilgal. And the people were leaving him.
9 M arkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Halkan iigu keena qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinadaba. Markaasuu bixiyey qurbaankii la gubayay.
So Saul said, “Bring me the burnt gift and the peace gifts.” And he gave the burnt gift to the Lord.
10 O o markuu dhammeeyey bixintii uu bixinayay allabariga la gubo, waxaa yimid Samuu'eel; markaasaa Saa'uul u baxay inuu ka hor tago oo soo salaamo.
As soon as he finished giving the burnt gift, Samuel came. Saul went out to meet him and say hello.
11 M arkaasaa Samuu'eel wuxuu ku yidhi, War maxaad samaysay? Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, waxaan arkay in dadkii iga kala firdhay, iyo inaad adiguna ku iman weyday maalmihii aan ku ballannay, iyo in reer Falastiinna dhammaantood isku soo urursadeen Mikmaash agteeda;
But Samuel said, “What have you done?” Saul said, “I saw that the people were leaving me. You did not come when you said you would. And the Philistines were gathering at Michmash.
12 s idaas daraaddeed waxaan is-idhi, Haatan reer Falastiin waxay igu soo weerari doonaan Gilgaal, anigoo aan Rabbiga raallinimo ka baryin. Taas aawadeed ayaan isugu qasbay oo waan bixiyey allabariga la gubo.
So I said, ‘Now the Philistines will come down upon me at Gilgal, and I have not asked for the Lord’s favor.’ So I made myself give the burnt gift.”
13 M arkaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Nacasnimo baad samaysay oo amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray ma aad xajin. Haatan Rabbigu boqortooyadaaduu ku adkayn lahaa reer binu Israa'iil weligeedba.
Samuel said to Saul, “You have done a foolish act. You have not kept the Law that the Lord your God gave you. For now the Lord would have made your rule over Israel last forever.
14 L aakiinse imminka boqortooyadaadu sii jiri mayso. Rabbigu wuxuu doontay nin ah siduu qalbigiisu doonayo, oo Rabbiguna isaguu u doortay inuu ahaado amiir dadkiisa u taliya, maxaa yeelay, adigu ma aadan xajin wixii Rabbigu kugu amray.
But now your rule will not last. The Lord has found a man who is pleasing to him in every way. He has chosen him to rule over his people, because you have not obeyed the Lord.”
15 M arkaasaa Samuu'eel kacay, wuuna ka baxay Gilgaal, oo xagga Gibecaahda reer Benyaamiin buu tegey. Oo Saa'uulna markaasuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo waxay noqdeen in ku dhow lix boqol oo nin. Hubla'aantii Reer Binu Israa'iil
Then Samuel got up and went from Gilgal to Gibeah of Benjamin. Saul numbered the people that were left with him, about 600 men. No Swords or Spears
16 K olkaasaa Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii iyaga la jirayba waxay iska joogeen Gebacdii reer Benyaamiin, laakiinse reer Falastiin waxay degganaayeen Mikmaash.
Saul and his son Jonathan, and the people with them, stayed in Geba of Benjamin, while the Philistines stayed at Michmash.
17 M arkaasaa xeradii reer Falastiin waxaa ka soo baxay kuwo wax dhaca oo saddex guuto ah, oo guuto waxay u leexatay xagga waddada Cofraah iyo xagga dalka reer Shuucaal;
Soldiers came from the tents of the Philistines in three groups. One group turned toward Ophrah, to the land of Shual.
18 o o guuto kalena waxay u leexatay xagga waddada Beytxooroon, oo guutadii hadhayna waxay u leexatay xagga waddada soohdinta kor ka soo dhawrta dooxada Seboyim iyo xagga cidlada.
Another group turned toward Bethhoron. And another group turned toward the side of the country that looks over the valley of Zeboim toward the desert.
19 H addaba tumaal laguma arag dalka reer binu Israa'iil oo dhan; waayo, reer Falastiin waxay isyidhaahdeen, Cibraaniyadu yaanay samaysan seefo iyo warmo.
Now there was no one to be found in all the land of Israel who made things of iron. For the Philistines said, “The Hebrews might make swords or spears.”
20 L aakiinse reer binu Israa'iil oo dhammu waxay xagga reer Falastiin u tageen in nin waluba soo afaysto marashidiisii, iyo manjadiisii, iyo faaskiisii, iyo sabaraddiisii;
So each one of the Israelites went down to the Philistines to get his plow, his pick, his ax, or his grain cutter sharpened.
21 o o weliba waxay lahaayeen wax lagu soofeeyo sabaradaha, iyo manjooyinka, iyo faraleyada, iyo faasaska, iyo inay hagaajiyaan takiyadaba.
He had to pay two-thirds part of a piece of silver to have the plows and picks sharpened, and one-third part of a piece of silver to have the axes and grain cutters sharpened.
22 S idaas daraaddeed maalintii dagaalka dadkii la jiray Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba midkoodna gacantiisa lagama helin seef iyo waran toona, Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan mooyaane. Yoonaataan Oo Weeraray Reer Falastiin
So on the day of battle there was no sword or spear in the hands of any of the people who were with Saul and Jonathan. But Saul and his son Jonathan had them.
23 O o ciidankii reer Falastiinna waxay u soo baxeen marinkii Mikmaash.
And the Philistine soldiers went out to the pass of Michmash.