Yexesqeel 38 ~ Ezekiel 38

picture

1 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

The Word of the Lord came to me saying,

2 W iilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Juuj, oo dalka Maajuuj deggan oo ah amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubal, oo isaga wax ka sii sheeg.

“Son of man, look toward Gog of the land of Magog, the leader of Rosh, Meshech, and Tubal, and speak against him.

3 O o waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.

Tell him, ‘The Lord God says, “I am against you, O Gog, leader of Rosh, Meshech, and Tubal.

4 D ib baan kuu soo celin doonaa, oo qabatooyin baan daamanka kaa sudhi doonaa, waanan soo bixin doonaa adiga, iyo ciidankaaga oo dhan, fardaha iyo fardooleydaba, iyagoo kulligood dhar dagaaleed xidhan, oo ah ciidan faro badan oo gaashaammo waaweyn iyo gaashaammo yaryar sita, oo kulligood seef sita,

I will turn you around, put hooks into your mouth, and bring you out with your whole army. Your horses and horsemen will be dressed for battle. The army will be very large, with all the men holding battle-coverings and waving swords.

5 i yagoo weliba ay la jiraan reer Faaris iyo reer Kuush iyo reer Fuud, oo kulligood gaashaan iyo koofiyad bir ah sita,

Persia, Ethiopia, and Put will be with you, all with battlecoverings and head-coverings.

6 i yo reer Gomer iyo guutooyinkiisii oo dhan, iyo reer Togarmaah oo meelaha woqooyi ugu shisheeya deggan iyo guutooyinkiisii oo dhan, xataa dad faro badan oo kula jira.

There will be Gomer with all its army, and Beth-togarmah from the farthest parts of the north with all its army. Many nations will be with you.

7 I sdiyaari, oo adiga iyo ciidankaaga kugu soo ururay oo dhammu isdiyaariya, oo adigu madax iyaga u noqo.

“Get ready and keep ready, you and all the armies gathered around you, and watch over them.

8 O o wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan.

After many days you will be called. In future years you will come into the land where people have been gathered from many nations and have lived without fear of war. You will come to the mountains of Israel, which had been a waste land for a long time. But its people were brought out from the nations, and all of them are living without fear.

9 A digu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba.

You and all your army will come up against them like a storm. You will be like a cloud covering the land. Many nations will be with you.”

10 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,

‘The Lord God says, “On that day, thoughts will come into your mind, and you will make a sinful plan.

11 o o waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo,

You will say, ‘I will go up against the open country, where people are quiet and live in peace. They live in villages without walls and have no iron pieces or gates.’

12 i naan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.

You will go to rob the land and fight in the waste places where people now live. You will go up against the people who were gathered from the nations and are rich with cattle and good things and who live at the center of the land.

13 S hebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid?

Sheba and Dedan and the traders of Tarshish and all its villages will say to you, ‘Have you come to take prizes of war? Have you gathered your army to carry away silver and gold, cattle, good things, and many prizes of war?’”’

14 S idaas daraaddeed Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad Juuj ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markii dadkayga reer binu Israa'iil ay wakhtigaas si ammaan ah ku degganaadaan, sow taas ogaan maysid?

“So, son of man, speak in My name and tell Gog, ‘The Lord God says, “On that day when My people Israel are living in peace and without fear, will you not know it?

15 M arkaasaad ka soo kici doontaa meeshaada woqooyi ugu shishaysa adiga iyo dad badan oo kula jira, oo kulligood fardo fuushan, oo ah guuto faro badan, iyo ciidan xoog leh.

You will come from your place in the far north, and many nations will be with you. All of them will be riding on horses, a large and powerful army.

16 O o waxaad ku soo kici doontaa dadkayga reer binu Israa'iil inaad sida daruur oo kale dhulka u qarisid, oo ugu dambaysta waxay noqon doontaa inaan dalkayga kugu soo kiciyo, Juujow, si ay quruumuhu ii aqoonsadaan markii dhexdaada quduus layga dhigo iyagoo indhaha ku haya.

You will come up against My people Israel like a cloud covering the land. In the last days, O Gog, I will bring you against My land, so that the nations may know Me when I show Myself holy through you in front of their eyes.”

17 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu ma waxaad tahay kii aan waa hore addoommadaydii nebiyada reer binu Israa'iil ahaa kaga hadlay, kuwaas oo waayahaas sannado badan wax ku sii sheegayay inaan iyaga kugu soo kicin doono?

‘The Lord God says, “Are you the one I spoke of in the past, through My servants of Israel who spoke in My name? At that time they said for many years that I would bring you against them.

18 L aakiinse wakhtiga Juuj uu dalka reer binu Israa'iil ku soo kici doono ayaan aad iyo aad u cadhoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

“On the day when Gog comes against the land of Israel, I will become very angry,” says the Lord God.

19 W aayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,

“In My jealousy and in My burning anger I have said that on that day the earth will shake in the land of Israel.

20 o o kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa.

The fish of the sea, the birds of the air, the wild animals of the field, all the animals that move upon the earth, and all the men on the earth will shake before Me. Mountains will be thrown down, the mountain sides will fall, and every wall will fall to the ground.

21 O o Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Seef baan buurahayga oo dhan ugaga yeedhi doonaa, oo nin kastaba seeftiisu waxay col ku noqon doontaa walaalkiis.

I will call for a sword against Gog on all My mountains,” says the Lord God. “His men will turn their swords against one another.

22 O o waxaan isaga ku xukumi doonaa belaayo iyo dhiig; oo isaga, iyo guutooyinkiisa, iyo dadka badan oo isaga la jiraba waxaan ku soo kor dayn doonaa roob wax qarqinaya, iyo roob dhagaxyo waaweyn leh, iyo dab, iyo baaruud.

I will punish him with disease and with blood. I will send down a hard rain, hailstones, fire and sulphur upon him and his army and the many nations with him.

23 O o anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

I will show the many nations that I am great and holy. And they will know that I am the Lord.”