1 O o markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay.
Ahab told Jezebel all that Elijah had done. He told her how Elijah had killed with the sword all the men who spoke for Baal.
2 M arkaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii.
Then Jezebel sent news to Elijah, saying, “So may the gods do to me and even more, if I do not make your life as the life of one of them by this time tomorrow.”
3 O o isna markuu saas ogaaday ayuu kacay oo naftiisii la cararay, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac oo dalka Yahuudah ka mid ahaa, markaasuu midiidinkiisii halkaas kaga tegey.
Elijah was afraid. He got up and ran for his life. When he came to Beersheba of Judah, he left his servant there.
4 L aakiinse isagii intii maalin socodkeed ah ayuu cidlada sii dhex maray, oo intuu meel yimid ayuu hoos fadhiistay geed rotem la yidhaahdo; oo wuxuu weyddiistay inuu dhinto, oo yidhi, Rabbiyow, haatan waabase naftayda iga qaad, waayo, anigu kama aan fiicni awowayaashay.
But he himself traveled for a day into the desert. He came and sat down under a juniper tree. There he asked that he might die, saying, “It is enough now, O Lord. Take my life. For I am not better than my fathers.”
5 M arkaasuu jiifsaday, oo hoos seexday geed rotem ah, kolkaasaa waxaa taabtay malaa'ig, oo waxay ku tidhi, Toos oo wax cun.
When he lay down and slept under the juniper tree, an angel touched him. The angel said to him, “Get up and eat.”
6 K olkaasuu wax fiiriyey oo wuxuu arkay kibis dhuxul lagu dubay iyo kusad biyo ah oo madaxiisa yaal. Markaasuu wax cunay oo wax cabbay oo haddana wuu iska jiifsaday.
Then Elijah looked and saw by his head a loaf of bread made ready on hot stones, and a jar of water. So he ate and drank and lay down again.
7 M arkaasaa malaa'igtii Rabbiga mar labaad u timid, oo intay taabatay ayay ku tidhi, Toos oo wax cun, maxaa yeelay, sodcaalku waa kugu dheer yahay.
The angel of the Lord came again a second time and touched him, and said, “Get up and eat. Because this traveling is too hard for you.”
8 M arkaasuu toosay, oo wax cunay, oo wax cabbay, oo cuntadaas itaalkeedii ayuu ku socday afartan maalmood iyo afartan habeen ilaa uu gaadhay Xoreeb oo ahayd buurtii Ilaah.
So he got up and ate and drank. And he went in the strength of that food forty days and forty nights to Horeb, the mountain of God.
9 O o intuu halkaas yimid ayuu god iska galay, oo halkaasuu baryay, oo bal eeg, waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa? Rabbiga Oo U Muuqday Eliiyaah
He came to a cave, and stayed there. The word of the Lord came to him, and said, “What are you doing here, Elijah?”
10 I sna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay; waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.
Elijah said, “I have been very careful to serve the Lord, the God of All. For the people of Israel have turned away from Your agreement. They have torn down Your altars and have killed with the sword the men who speak for You. Only I am left, and they want to kill me.” God Speaks to Elijah
11 O o isna wuxuu ku yidhi, Ka bax, oo buurta fuul oo Rabbiga hortiisa istaag. Oo bal eeg, waxaa meeshaas soo maray Rabbiga, oo hortiisa ayaa dabayl weyn oo xoog badan buurihii kala jejebisay, dhagxantiina burburisay; laakiinse Rabbigu kuma jirin dabaysha; oo dabayshii dabadeedna waxaa jiray dhulgariir, oo Rabbiguna kuma jirin dhulgariirka.
So the angel said, “Go and stand on the mountain before the Lord.” And the Lord passed by. A strong wind tore through the mountains and broke the rocks in pieces before the Lord. But the Lord was not in the wind. After the wind the earth shook. But the Lord was not in the shaking of the earth.
12 O o dhulgariirkii dabadiisna waxaa jiray dab, laakiinse Rabbigu kuma jirin dabka, oo dabkii dabadiisna waxaa jiray cod yar oo gaaban.
After the earth shook, a fire came. But the Lord was not in the fire. And after the fire came a sound of gentle blowing.
13 O o markuu Eliiyaah taas maqlay, ayuu go'iisii wejiga ku duudduubtay oo dibadda u baxay, oo wuxuu istaagay meeshii godka laga soo geliyey. Oo bal eeg, markaasaa waxaa isagii u yimid cod leh, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?
When Elijah heard it, he put his coat over his face, and went out and stood at the opening of the hole. Then a voice came to him and said, “What are you doing here, Elijah?”
14 I sna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay, waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.
He said, “I have been very careful to serve the Lord, the God of All. For the people of Israel have turned away from Your agreement. They have torn down Your altars. And they have killed with the sword the men who speak for You. Only I am left, and they want to kill me.”
15 M arkaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Tag, oo ku noqo jidkaagii cidlada Dimishaq; oo markaad Dimishaq gaadhid waa inaad Xasaa'eel u boqortaa dalka Suuriya.
The Lord said to him, “Go, return on your way to the desert of Damascus. When you get there, set apart Hazael to be the king of Syria.
16 O o Yeehuu ina Nimshiina waxaad u boqortaa dalka Israa'iil; oo Eliishaa ina Shaafaad oo ah reer Aabeel Mehoolaahna waa inaad u subagtaa inuu meeshaadii nebi ka ahaado.
Set apart Nimshi’s son Jehu to be the king of Israel. And set apart Elisha the son of Shaphat of Abel-meholah to speak for God in your place.
17 O o markaasay waxay noqon doontaa in ninkii ka baxsada seefta Xasaa'eel uu Yeehuu dili doono; oo kii Yeehuu seeftiisa ka baxsadana waxaa dili doona Eliishaa.
Jehu will kill the one who gets away from the sword of Hazael. Elisha will kill the one who gets away from the sword of Jehu.
18 L aakiinse weliba waxaan daynayaa toddoba kun oo qof oo dalka Israa'iil ku jirta oo aan kulligood Bacal u jilbo joogsan oo aan midkoodna afkiisu Bacal dhunkan. U Yeedhistii Eliishaa
But I will leave 7, 000 in Israel whose knees have not bowed down in front of Baal and whose mouths have not kissed him.” God Calls Elisha
19 S idaas daraaddeed halkaas wuu ka tegey, oo wuxuu helay Eliishaa ina Shaafaad oo beer ku qodaya laba iyo toban qindi oo dibi ah ee ka horreeya isaga, oo isna wuxuu la jiray kii laba iyo tobnaad; markaasaa Eliiyaah isagii u soo gudbay oo go'iisii ayuu ku dul tuuray.
So Elijah left there and found Elisha the son of Shaphat. Elisha was plowing with twenty-four bulls, and was with the last two. Elijah passed by him and threw his coat on him.
20 O o isna dibidii wuu ka tegey, markaasuu ka daba orday Eliiyaah oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye aan soo dhunkado aabbahay iyo hooyaday, oo dabadeedna waan ku raacayaa. Isna wuxuu ku yidhi, Haddana noqo, waayo, maxaan kugu sameeyey?
And he left the bulls and ran after Elijah and said, “Let me kiss my father and mother. Then I will follow you.” And Elijah said to him, “Return. For what have I done to you?”
21 M arkaasuu ka noqday isagii, oo wuxuu kaxeeyey qindigii dibida ahaa, wuuna qalay oo hilibkoodiina ku karshay alaabtii dibida, oo wuxuu siiyey dadkii, oo iyana way cuneen. Markaasuu kacay oo wuxuu raacay Eliiyaah, wuuna u adeegay isagii.
So Elisha returned from following him. He took his two bulls and killed them. Then he boiled their flesh over a fire, burning the wood cross-pieces the bulls used to pull the load. And he gave the meat to the people, and they ate. Then Elisha got up and followed Elijah and served him.