Ishacyaah 15 ~ Isaiah 15

picture

1 K anu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay.

The special word against Moab: Ar of Moab is destroyed and laid waste in a night. And in a night Kir of Moab is destroyed and laid waste.

2 W axaa kor loogu baxay Bayid iyo Diboon oo meelaha sare ku yaal in lagu ooyo, reer Moo'aab waxay u baroortaan Neboo iyo Meedebaa, madaxyadooda oo dhan waa la xiiray oo gadh kastana waa la jaray.

They have gone up to the house of worship and to Dibon. They have gone to the high places to cry. Moab cries over Nebo and Medeba. The hair has been cut from everyone’s head and face.

3 J idadkooda waxaa lagu guntadaa dhar joonyad ah, oo guryahooda dushooda iyo jidadkooda ayaa mid kastaaba ka baroortaa isagoo aad u ooyaya.

In their streets they have dressed themselves with cloth made from hair. On the tops of their houses and in their open spaces everyone is crying with many tears.

4 O o Xeshboon iyo Elecaaleehba way qayliyaan, oo codkoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Yahas, sidaas daraaddeed ragga hubka leh ee Moo'aab aad bay u qayliyaan, oo cabsi bay la gariiraan.

Heshbon and Elealeh cry out also. Their voice is heard as far as Jahaz. So the soldiers of Moab cry out. Moab’s soul shakes within him.

5 Q albigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.

My heart cries out for Moab. His men have run away as far as Zoar and Eglath-shelishiyah. For they go up the hill of Luhith crying. On the road to Horonaim they cry in sorrow over their being destroyed.

6 W aayo, biyaha Nimriim baabba' bay noqon doonaan, cawskiina wuu engegay, biqilkiina wuu qallalay, oo wax cagaar ahna innaba lama arko.

For the waters of Nimrim have been laid waste. The grass is dried up. The new grass died out. There is no green thing.

7 S idaas daraaddeed maalkii badnaa ee ay urursadeen iyo wixii ay kaydsadeenba waxay u qaadan doonaan durdurka geedaha safsaafka ah.

So the many things they have gathered and stored up they carry away over the river of Arabim.

8 W aayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim.

The cry of sorrow has gone around the land of Moab. Its noise is heard as far as Eglaim and Beer-elim.

9 B iyaha Diimoon dhiig baa ka buuxa, weliba waxaan Diimoon ku keeni doonaa belaayo kale, kan Moo'aab ka baxsaday iyo kuwa dalka ku hadhayba libaax baan ku diri doonaa.

The waters of Dimon are full of blood. Yet I will bring more troubles to Dimon. I will bring a lion upon those of Moab who have run away, and upon the people of the land who are still alive.