1 X illiga roobka dambe roob ka barya Rabbiga, isagoo ah Rabbiga hillaaca sameeya, oo iyaguu siin doonaa roob wanaagsan, oo wuxuu qof kasta beerta ku siin doonaa doog.
Ask the Lord for rain in the spring time. It is the Lord Who makes the storm clouds. He gives rain to men, and gives vegetables in the field to every one.
2 W aayo, teraafiimkii waxay ku hadleen wax aan waxba ahayn, waxsheegayaashiina wax been ah bay arkeen, oo waxay sheegeen riyooyin been ah, oo si aan waxtar lahayn ayay ugu qalbi qaboojiyaan, haddaba sidaas daraaddeed waxay u ambadaan sida ido oo kale, oo aad bay u dhibtoodaan, maxaa yeelay, adhijir ma leh.
The false gods say what is not true. Those who use their secret ways tell lies about the false dreams they have seen. Their comfort means nothing. So the people go from place to place like sheep and are troubled because they have no shepherd.
3 A dhijirrada aad baan ugu cadhooday, oo waxaan ciqaabi doonaa orgida, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu soo booqday idihiisii ahaa dadka dalka Yahuudah, oo wuxuu ka dhigi doonaa sida faraskiisa sharafta leh oo dagaalka ku jira.
“My anger burns against the shepherds, and I will punish the leaders. For the Lord of All has visited His flock, the people of Judah, and will make them like His proud horse in battle.
4 W axaa isaga ka iman doona dhagaxa rukunka, oo dhidibkuna isaguu ka iman doonaa, qaansada dagaalkuna isagay ka iman doontaa, oo taliye kastaana isaguu ka iman doonaa.
From them will come the cornerstone. From them will come the tent nail. From them will come the bow of battle. And from them will come every ruler.
5 O o iyana waxay ahaan doonaan sida rag xoog badan oo dagaal gala oo cadowgooda kula tunta dhoobada jidadka dhex taal. Wayna diriri doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa iyaga la jira. Oo kuwa fardaha ku joogaana way isku qasmi doonaan.
Together they will be like powerful men, crushing under foot those who hate them into the mud of the streets. They will fight and win the battle against the horsemen because the Lord is with them.
6 R eer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.
I will give strength to the family of Judah. I will save the family of Joseph, and I will bring them back, because I have loving-pity on them. They will be as if I had not turned away from them. For I am the Lord their God, and I will answer them.
7 O o kuwa reer Efrayimna waxay noqon doonaan sida nin xoog badan, oo qalbigooduna wuxuu u rayrayn doonaa sidii iyagoo khamri ka wabxay, oo carruurtooduna way arki doonaan, oo way rayrayn doonaan, oo qalbigooduna waa ku farxi doonaa Rabbiga.
Ephraim will be like a powerful man. Their hearts will be glad as with wine. And their children will see it and be glad. Their hearts will have joy in the Lord.
8 A nigu waan u foodhyi doonaa iyaga, oo waan isu soo wada ururin doonaa, waayo, waan soo furtay, oo waxay u badan doonaan siday u badnaan jireen.
I will call them together, for I have saved them and set them free. And they will be as many as they were before.
9 W axaan iyaga ku beeri doonaa dadyowga dhexdooda, wayna igu soo xusuusan doonaan waddammo fog. Way noolaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, oo way soo noqon doonaan.
Even when I send them everywhere among the nations, they will remember Me in far countries. They and their children will live and return.
10 M ar kalaan ka soo bixin doonaa dalkii Masar, Ashuurna waan ka soo ururin doonaa, oo waxaan iyaga keeni doonaa dalka Gilecaad iyo Lubnaan, oo weliba meel looma heli doono.
I will bring them back from the land of Egypt and gather them from Assyria. I will bring them into the land of Gilead and Lebanon until there is no more room for them.
11 O o isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa.
When they pass through the sea of trouble, I will hold back the waves in the sea. The whole Nile River will dry up. The pride of Assyria will be brought down, and Egypt will lose its power.
12 O o iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
I will make My people Israel strong in the Lord, and they will walk in His name,” says the Lord.