Xaakinnada 16 ~ Judges 16

picture

1 M arkaasuu Samsoon tegey Gaasa, oo halkaas wuxuu ku arkay dhillo, wuuna u galay.

Samson went to Gaza and saw a woman who sold the use of her body there. He went in to her.

2 O o waxaa dadkii reer Gaasa lagu yidhi, Samsoon halkanuu yimid. Oo intay hareereeyeen ayay habeenkii oo dhan magaalada iriddeeda ku gaadayeen, oo habeenkaas oo dhanna way aamusnaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Markuu waagu beryo ayaynu dili doonnaa.

The Gazites were told, “Samson has come here.” So they gathered around the place and waited for him all night at the gate of the city. They were quiet all night, saying, “Let us wait until the morning light. Then we will kill him.”

3 O o Samsoonna ilaa habeenbadhkii ayuu jiifay, oo wuxuu kacay habeenbadhkii, oo gacanta ku qabsaday albaabbadii magaalada iriddeeda iyo labadii tiir, markaasuu fujiyey dhammaantood iyo qataarkiiba, oo garbahuu saaray, oo wuxuu la tegey buurta Xebroon ku hor taal dusheeda.

But Samson lay until late at night. Then he got up and took hold of the doors of the city gate and the pieces that held them. He pulled them up together with the locks and put them on his shoulders. And he carried them up to the top of the mountain beside Hebron.

4 D abadeedna wuxuu jeclaaday naag joogta dooxadii Soreq, oo magaceedana la odhan jiray Deliilaah.

After this Samson loved a woman in the valley of Sorek. Her name was Delilah.

5 O o amiirradii reer Falastiin ayaa u yimid iyadii, oo waxay ku yidhaahdeen, Bal sasab isaga oo soo ogow meesha xooggiisa weynu kaga jiro, iyo sida aannu kaga adkaan karno, oo aannu intaannu xidhno u saxariirin karno; oo midkayo kastaaba wuxuu ku siin doonaa kun iyo boqol xabbadood oo lacag ah.

The leaders of the Philistines came to her, saying, “Tempt Samson to tell you the secret of his powerful strength. Find out how we can get power over him so we can tie him and hold him. Then we will each give you 1, 100 pieces of silver.”

6 M arkaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Waan ku baryayaaye ii sheeg meesha xooggaaga weynu kaaga jiro, oo maxaa lagugu xidhi karaa si laguu saxariiriyo.

So Delilah said to Samson, “I beg you. Tell me the secret of your powerful strength. Tell me how one can get power over you and tie you up and hold you.”

7 O o Samsoonna wuxuu iyadii ku yidhi, Haddii laygu xidho toddoba xadhig oo qoyan oo aan weligood engegin, markaasaan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.

Samson said to her, “They must tie me with seven new ropes that have not been dried. Then I will become weak and be like any other man.”

8 M arkaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u keeneen toddoba xadhig oo qoyan oo aan engegin, oo iyana isagii bay ku xidhay xadhkihii.

So the leaders of the Philistines brought her seven new ropes that had not been dried. And Delilah tied Samson with them.

9 H addaba waxay haysatay niman gaadmo ah oo joogay qolka hoose. Oo waxay isagii ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Oo xadhkihiina wuxuu u jaray sidii shootali dab la saaray u go'o oo kale. Taas darteed xooggiisii meeluu ku jiro lama ogaan.

She had men hiding and waiting in another room. She said to him, “The Philistines are upon you, Samson!” But he broke the ropes like a string breaks when it touches fire. So they did not find the secret of his strength.

10 M arkaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Bal eeg, waad igu majaajilootaye. Oo been baad ii sheegtay, haddaba waan ku baryayaaye, ii sheeg waxa lagugu xidhi karo.

Delilah said to Samson, “See, you have fooled me and told me lies. Now tell me, I beg you, how can you be tied?”

11 O o isna wuxuu ku yidhi, Haddii laygu xidho xadhko cuscusub oo aan lagu shaqayn, markaas waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.

Samson said to her, “They must tie me with new ropes which have never been used. Then I will become weak and be like any other man.”

12 M arkaasay Deliilaah qaadday xadhko cuscusub oo ku xidhay isagii, oo waxay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Nimankii gaadmadii ahaana waxay ku jireen qolka hoose. Markaasuu xadhkihii gacmihiisa uga jaray sida dunta oo kale.

So Delilah took new ropes, tied Samson with them, and said, “The Philistines are upon you, Samson!” Men were hiding and waiting in another room. But Samson broke the ropes from his arms like a string.

13 M arkaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Haddaba tan iyo markii hore waad igu majaajilootay, oo been baad ii sheegtay. Ii sheeg waxa lagugu xidhi karo. Kolkaasuu ku yidhi, Toddobada raamood ee madaxayga haddaad dharsameeye duntiis kula tidicdid waan taag yaraanayaa.

Then Delilah said to Samson, “You have fooled me and told me lies until now. Tell me how you can be tied.” Samson said to her, “You must work the seven strings of my hair into the cloth you are making and hold it there with a nail. Then I will become weak and be like any other man.”

14 M arkaasay qodob ku qodobtay oo ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Oo intuu hurdadii ka soo toosay ayuu rujiyey qodobkii iyo looxii dunta, iyo duntii dharsameeyaha.

So while Samson slept, Delilah took the seven strings of his hair and worked them into the cloth. She held it in place with the nail. Then she said to him, “The Philistines are upon you, Samson!” But he awoke from his sleep and pulled away the nail, the cloth maker and the cloth.

15 M arkaasay isagii ku tidhi, Sidee baad u odhan kartaa, Waan ku jeclahay, adigoo aanu qalbigaagu ila jirin? Bal eeg, saddex jeer baad igu majaajilootay oo iimana aad sheegin meesha xooggaaga weynu ku jiro.

Delilah said to Samson, “How can you say, ‘I love you,’ when your heart is not with me? You have lied to me these three times. You have not told me the secret of your powerful strength.”

16 O o markay maalin walba hadalkeedii ku sii cadaadisay, oo ay ku adkaysay, ayaa naftiisii cidhiidhi gashay ilaa dhimasho.

She asked him day after day until his soul was troubled to death.

17 O o markaasuu u sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan oo ku yidhi, Madaxayga mandiil lama marin, waayo, tan iyo markaan dhashay waxaan ahaa Nadiir Ilaah loo soocay. Haddii la ii xiiro, xooggaygu waa iga tegayaa, oo waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.

So he told her all that was in his mind. He said to her, “My hair has never been cut. For I have been a Nazirite to God from the time I was born. If my hair is cut, my strength will leave me. I will become weak and be like any other man.”

18 D eliilaahna markay ogaatay inuu u wada sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan ayay u cid dirtay oo u yeedhay amiirradii reer Falastiin, oo waxay ku tidhi, Bal markan ii kaalaya, waayo, wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan wuu ii sheegay. Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u yimaadeen oo lacagtiina gacantooday ugu soo qaadeen.

Delilah saw that Samson had told her the truth. She sent and called the leaders of the Philistines, saying, “Come once again. For he has told me all he knows.” So the leaders of the Philistines came to her. And they brought the money in their hands.

19 M arkaasay intay isagii ku seexisay jilbaheedii, ayay nin u yeedhatay, oo waxay ka xiirtay toddobadii raamood ee madaxiisa, dabadeedna waxay bilowday inay saxariiriso, oo xooggiisiina waa ka tegey.

She made Samson sleep on her knees. Then she called for a man to cut off the seven parts of Samson’s hair. She began to hurt Samson, and his strength left him.

20 M arkaasay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Kolkaasuu hurdadiisii ka soo toosay, oo wuxuu yidhi, Sidii mararkii kale ayaan bixi doonaa oo isgilgili doonaa. Laakiinse isma uu ogayn in Rabbigu ka tegey isaga.

She said, “The Philistines are upon you, Samson!” He awoke from his sleep and said, “I will go out as I have at other times. I will shake myself free.” But he did not know that the Lord had left him.

21 M arkaasay reer Falastiin isagii qabteen, indhihiisiina way ka rideen, kolkaasay isagii keeneen Gaasa, oo waxay ku xidheen silsilado naxaas ah; oo isna wax buu ku ridqi jiray xabsiga.

The Philistines took hold of him and cut out his eyes. They brought him down to Gaza and tied him with brass chains. Samson was made to grind grain in the prison.

22 H abase yeeshee timihii madaxiisu waxay bilaabeen inay soo baxaan kolkii la xiiray dabadeed. Dhimashadii Samsoon

But the hair of his head started to grow again after it was cut off. The Death of Samson

23 M arkaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen.

Now the leaders of the Philistines gathered to give a large gift to their god Dagon. They were happy, for they said, “Our god has given us Samson, the man who has fought against us.”

24 O o dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah.

The people praised their god when they saw Samson. They said, “Our god has given us the one who fought against us, destroyed our country, and killed many of us.”

25 O o markii qalbigoodii farxay ayay yidhaahdeen, Samsoon u yeedha ha noo cayaaree. Markaasay Samsoon xabsigii uga yeedheen, oo hortooduu ku cayaaray. Kolkaasay waxay isagii taageen tiirarkii dhexdooda.

After the people had had much to drink, they said, “Bring Samson here so we can have some fun with him.” So they called Samson out of prison and made fun of him. They made him stand between the stone pillars that held up the building.

26 M arkaasuu Samsoon ku yidhi yarkii hagayay, Bal i daa aan taabtee tiirarka gurigu ku taagan yahaye, oo aan ku tiirsadee.

Samson said to the boy who was holding his hand, “Let me feel the tall pillars that hold up the building. I want to rest against them.”

27 O o gurigana waxaa ka buuxay rag iyo dumarba, oo amiirradii reer Falastiin oo dhammuna halkaasay wada joogeen; saqafkana waxaa dul joogay dad ku dhow saddex kun oo rag iyo dumarba leh, oo daawanayay intuu Samsoon cayaarayay.

Now the building was full of men and women. All the leaders of the Philistines were there, and there were about 3, 000 men and women on the roof looking down and laughing at Samson.

28 M arkaasuu Samsoon Rabbiga baryay, oo yidhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i xusuuso, oo waan ku tuugayaaye, markan keliya xoog ii yeel, Ilaahow, si aan reer Falastiin haddiiba uga magdhowdo labadaydii indhood.

Then Samson called to the Lord and said, “O Lord God, I beg You. Remember me. Give me strength only this once, O God. So I may now punish the Philistines for my two eyes.”

29 M arkaasuu Samsoon qabsaday labadii tiirdhexaad oo gurigu ku taagnaa, wuuna ku tiirsaday, oo mid wuxuu ku qabsaday gacantiisii midig, kii kalena wuxuu ku qabsaday bidixdiisii.

Samson took hold of the two center pillars that held up the building. He pushed against them, with his right hand on one and his left hand on the other.

30 M arkaasuu Samsoon yidhi, Aan reer Falastiin la dhinto. Oo wuxuu la foororsaday itaalkiisii oo dhan, gurigiina wuxuu ku dhacay amiirradii iyo dadkii ku jiray oo dhan. Sidaasay kuwuu markuu dhintay laayay uga sii badnaayeen kuwuu laayay markuu noolaa.

Samson said, “Let me die with the Philistines!” Then he pushed with all his strength so that the building fell on the leaders and all the people in it. He killed more at his death than he killed in his life.

31 M arkaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.

Then his brothers and all those of his father’s house came and took him. They brought him up and buried him between Zorah and Eshtaol in the grave of his father Manoah. Samson had ruled Israel for twenty years.