Ayuub 2 ~ Job 2

picture

1 H addaba waxaa kaloo jirtay maalin kale oo ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay, si uu isna Rabbiga isu soo hor taago.

Again there was a day when the sons of God came to show themselves before the Lord. And Satan came with them also to show himself before the Lord.

2 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday.

The Lord said to Satan, “Where have you come from?” Satan answered the Lord and said, “From traveling around the earth and walking around on it.”

3 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Oo weliba isagu daacadnimadiisii wuu sii haystaa, in kastoo aad igu dirtay, si aan isaga sababla'aan ugu halligo.

The Lord said to Satan, “Have you thought about My servant Job? For there is no one like him on the earth. He is without blame, a man who is right and good. He fears God and turns away from sin. He still holds to his good ways, even when I allowed you to go against him, and to destroy him for no reason.”

4 M arkaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa.

Satan answered the Lord and said, “Skin for skin! Yes, all that a man has he will give for his life.

5 L aakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa.

Put out Your hand now and touch his bone and his flesh, and he will curse You to Your face.”

6 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa.

So the Lord said to Satan, “See, he is in your power. Only do not kill him.”

7 M arkaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey, oo wuxuu Ayuub tin iyo cedhib ku dhuftay boogo xunxun.

Then Satan went out from the Lord. And he made very bad sores come on Job from the bottom of his foot to the top of his head.

8 M arkaasaa Ayuub wuxuu qaatay dheri burburkiis inuu isku xoqo, oo wuxuu dhex fadhiistay dambas.

Job took a piece of a broken pot to try to cut off the sores while he sat among the ashes.

9 M arkaasaa naagtiisii waxay ku tidhi, War ma weli baad daacadnimadaadii sii haysanaysaa? War hoy, Ilaah wax xun ka sheeg, oo iska dhimo.

Then his wife said to him, “Do you still hold on to your faith? Curse God and die!”

10 L aakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, Waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacasyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin. Saddexdii Saaxiib Ee Ayuub

But he said to her, “You speak as one of the foolish women would speak. Should we receive good from God and not receive trouble?” In all this Job did not sin with his lips. Job’s Friends Come to Him

11 H addaba Ayuub saddexdiisii saaxiib markay maqleen xumaantii isaga ku dhacday oo dhan ayuu midkood kastaaba meeshiisii ka yimid. Oo kuwaasu waxay ahaayeen Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii, oo iyana waxay dhammaantood ballan ku dhigteen inay u yimaadaan si ay isaga ugu tacsiyeeyaan oo ay u qalbi qaboojiyaan.

Now when Job’s three friends heard of all this trouble that had come upon him, they came each from his own place. They were Eliphaz the Temanite, Bildad the Shuhite, and Zophar the Naamathite. They agreed to meet together to come to share Job’s sorrow and comfort him.

12 O o markay isagii meel fog ka arkeen oo ay aqoon waayeen ayay codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, oo midkood waluba wuxuu jeexjeexay huwiskiisii, oo intay boodh xagga samada u tuureen ayay madaxa isaga shubeen.

And when they looked up from far away and saw how different he looked, they cried in loud voices. They tore their clothing and threw dust over their heads toward the sky.

13 O o toddoba maalmood iyo toddoba habeen ayay isagii dhulka la fadhiyeen, oo midkoodna eray keliya kuma odhan, waayo, waxay arkeen inuu aad iyo aad u xanuunsanayo.

Then they sat down on the ground with him for seven days and seven nights. No one said a word to him, for they saw that his suffering was very bad.