1 S idaas daraaddeed Daa'uud halkaas wuu ka tegey oo wuxuu u baxsaday xagga bohoshii Cadullaam, oo markii walaalihiis iyo reerkii aabbihiis oo dhammu ay taas maqleen ayay halkaas isagii ugu tageen.
So David left there and ran to the cave of Adullam. When his brothers and all those of his father’s house heard about it, they went down there to him.
2 O o mid kasta oo cidhiidhi ku jira, iyo mid kasta oo deyn qaba, iyo mid kasta oo aan raalli ahaynba isagay isu soo urursadeen, oo isna wuxuu u noqday madax u taliya, oo waxaa isaga la joogay in ku dhow afar boqol oo nin.
Then everyone who was in trouble, everyone who owed money, and everyone who was not happy with the way he was living, came together to him. He became their captain. There were about 400 men with him.
3 M arkaasaa Daa'uud halkaas ka tegey oo Misfaahdii reer Moo'aab u kacay; oo wuxuu boqorkii reer Moo'aab ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aabbahay iyo hooyaday ha soo baxeen oo ha kula joogeen, ilaa aan ogaado waxa Ilaah ii samaynayo.
David went from there to Mizpah of Moab. He said to the king of Moab, “I beg of you, let my father and mother come and stay with you until I know what God will do for me.”
4 O o wuxuu iyagii hor keenay boqorkii reer Moo'aab, oo isagay la joogeen intii Daa'uud dhufayska ku jiray oo dhan.
Then he left them with the king of Moab. They stayed with him all the time that David was in his safe place.
5 M arkaasaa Nebi Gaad wuxuu Daa'uud ku yidhi, Dhufayska ha ku sii jirine bax oo waxaad tagtaa dalka Yahuudah. Markaasaa Daa'uud tegey, oo wuxuu yimid kayntii Xaared. Saa'uul Oo Dilay Wadaaddadii Nob
The man who told what will happen in the future, Gad, said to David, “Do not stay in this strong place. Leave, and go into the land of Judah.” So David left and went among the trees of Hereth.
6 M arkaasaa Saa'uul wuxuu maqlay in Daa'uud iyo raggii la jirayba la soo arkay; oo Saa'uulna wuxuu joogay Gibecaah, isagoo hoos fadhiya geed Raamaah ku yaal, oo warankiisiina gacanta ugu jiro, addoommadiisii oo dhammuna hareero taagan yihiin.
Now Saul heard that David and the men with him had been found. Saul was sitting in Gibeah under the tamarisk tree on the high place with his spear in his hand. All his servants were standing around him.
7 K olkaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi addoommadiisii hareerahiisa taagnaa, Bal maqla hadda, kuwiinnan reer Benyaamiinow, wiilka Yesay miyuu midkiin kastaba siinayaa beero iyo beero canab ah, oo miyuu kulligiin idinka wada dhigi doonaa kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya?
Saul said to his servants who stood around him, “Hear now, you Benjamites! Will the son of Jesse give all of you fields and grape fields? Will he make you all leaders of thousands and hundreds?
8 M a saasaad kulligiin iigu heshiiseen, oo uu midkiinna iigu soo sheegi waayay markii wiilkaygu axdi la dhiganayay wiilka Yesay, oo uu midkiinna ii nixi waayay, wuuna iigu soo sheegi waayay in wiilkaygu igu kiciyey addoonkayga inuu i gaado sida maanta oo kale?
For all of you have made plans against me. No one lets me know when my son makes an agreement with the son of Jesse. None of you is sorry for me or lets me know that my son has caused my servant to be against me and hide and wait, as it is this day.”
9 M arkaasaa waxaa jawaabay Do'eeggii reer Edom oo ag taagnaa Saa'uul addoommadiisa, oo wuxuu yidhi, Waxaan arkay wiilkii Yesay oo Nob ku soo socda oo u yimid Axiimeleg ina Axiituub.
Doeg the Edomite, who was standing by Saul’s servants, said, “I saw the son of Jesse coming to Nob, to Ahimelech the son of Ahitub.
10 O o isna Rabbiguu wax u weyddiiyey, oo saadna wuu siiyey, oo seeftii Goli'adkii reer Falastiinna wuu siiyey.
Ahimelech asked the Lord what David should do. He gave David food and the sword of Goliath the Philistine.”
11 K olkaasaa boqorku u cid diray in loo yeedho wadaadkii Axiimeleg ee ahaa ina Axiituub, isagii iyo reerkii aabbihiis oo dhanba, kuwaas oo ahaa wadaaddadii Nob joogay; oo iyana kulligood boqorkii bay u yimaadeen.
Then the king sent someone to call Ahimelech the religious leader, son of Ahitub, and all those of his father’s family, the religious leaders who were in Nob. And all of them came to the king.
12 M arkaasaa Saa'uul ku yidhi, Bal hadda maqal, ina Axiituubow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, waa i kan.
Saul said, “Hear now, son of Ahitub.” He answered, “Here I am, my lord.”
13 K olkaasaa Saa'uul ku yidhi, Maxaad iigu heshiiseen, adiga iyo ina Yesay, oo maxaad u siisay kibista iyo seefta, oo Ilaahna wax ugu weyddiisay si uu iigu kaco inuu i gaado sida maanta oo kale?
Saul said to him, “Why have you and the son of Jesse planned against me? Why have you given him bread and a sword, and have asked the Lord what he should do, so he could rise against me and wait in hiding, as it is this day?”
14 M arkaasaa Axiimeleg wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Bal yaa addoommadaada ka mid ah oo sida Daa'uud aamin u ah, kaasoo boqorku soddog u yahay, oo weliba shirkaaga ka qayb gala, oo reerkaagana sharaf ku leh?
Ahimelech answered the king, “Who among all your servants is as faithful as David? He is the king’s son-in-law. He is captain of the soldiers who keep you safe, and is honored in your house.
15 A nigu ma maantaan bilaabay inaan isaga Ilaah wax u weyddiiyo? Taasu ha iga fogaato. Anigu waxan oo dhan waxba kama ogi wax yar iyo wax badan toona, haddaba, boqorow, anigoo addoonkaaga ah iyo reerka aabbahay oo dhanba waxba ha na saarin.
Is today the first time that I have asked things of God for him? No! Do not let the king do anything wrong to his servant or any of those of my father’s family. For your servant knows nothing at all about this.”
16 M arkaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Axiimelegow, hubaal waad dhimanaysaa adiga iyo reerka aabbahaa oo dhammuba.
But the king said, “You will die for sure, Ahimelech, you and all those of your father’s family!”
17 D abadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.
The king said to the soldiers who stood around him, “Turn and put the religious leaders of the Lord to death. Because they are on David’s side. They knew he was running away, and did not tell me.” But the servants of the king were not willing to go against the religious leaders of the Lord.
18 M arkaasaa boqorkii Do'eeg ku yidhi, Adigu ku jeeso oo wadaaddada laa. Do'eeggii reer Edomna wuu ku jeestay oo wadaaddadii laayay, oo maalintaas wuxuu laayay shan iyo siddeetan qof oo wada qaba eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
Then the king said to Doeg, “You turn and kill the religious leaders.” And Doeg the Edomite turned and killed the religious leaders. That day he killed eighty-five men who wore the linen vest.
19 O o magaaladii wadaaddada oo Nob ahaydna wixii joogay ayuu seef ku laayay. Rag iyo dumarba, iyo carruur iyo caanonuugba, iyo dibi iyo dameerro iyo idoba wuxuu ku wada laayay seef.
Then he destroyed Nob, the city of the religious leaders, with the sword. He killed men and women, children and babies, cattle, donkeys and sheep, with the sword.
20 O o waxaa ka baxsaday oo Daa'uud ka daba cararay mid ka mid ah wiilashii Axiimeleg ina Axiituub, magiciisana la odhan jiray Aabyaataar.
But Abiathar, one of the sons of Ahimelech the son of Ahitub, got away and ran after David.
21 M arkaasaa Aabyaataar wuxuu Daa'uud u sheegay in Saa'uul laayay wadaaddadii Rabbiga.
Abiathar told David that Saul had killed the religious leaders of the Lord.
22 K olkaasaa Daa'uud Aabyaataar ku yidhi, Maalintii Do'eeggii reer Edom halkaas joogay, waan garanayay inuu Saa'uul u sheegi doono. Dadkii reerka aabbahaa oo dhan anigaa dhimashada u soo jiiday.
David said to Abiathar, “I knew that day when Doeg the Edomite was there, that he would be sure to tell Saul. I am to blame for the death of every person in your father’s family.
23 H addaba aniga ila joog oo ha cabsan, maxaa yeelay, kii naftayda doona ayaa naftaadana doonaya, waayo, ammaan waad igula joogi doontaa.
Stay with me. Do not be afraid. For he who wants to kill me wants to kill you. But you are safe with me.”