Yeremyaah 27 ~ Jeremiah 27

picture

1 B ilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

In the beginning of the rule of Zedekiah the son of Josiah, king of Judah, this word came to Jeremiah from the Lord.

2 R abbigu wuxuu igu leeyahay, Waxaad samaysataa xadhko iyo harqood, oo waxaad kor saartaa qoortaada.

The Lord said to me, “Make ropes and a cross-bar for carrying a load, and put them on your neck.

3 O o waxaad iyaga ugu sii dhiibtaa boqorka dalka Edom, iyo boqorka dalka Moo'aab, iyo boqorka reer Cammoon, iyo boqorka Turos, iyo boqorka Siidoon gacanta wargeeyayaasha Yeruusaalem ugu yimid boqorka dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ah.

Then send word to the king of Edom, to the king of Moab, to the king of the sons of Ammon, to the king of Tyre, and to the king of Sidon. Send them with the men who bring news to Jerusalem to King Zedekiah of Judah.

4 O o waxaad iyaga ku amartaa inay sayidyadooda ku yidhaahdaan, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad sayidyadiinna ku tidhaahdaan,

Tell them to go to their leaders, saying, ‘This is what the Lord of All, the God of Israel, says, and this is what you should say to your leaders:

5 A nigu dhulka, iyo dadka iyo xayawaanka dhulka joogaba waxaan ku sameeyey xooggayga weyn iyo gacantayda fidsan, oo waxaan siiyaa kii ila qumman.

“I have made the earth, and the men and the animals that are on it by My great power and by My long arm. And I will give it to the one who is right in My eyes.

6 O o haatan dalalkan oo dhan waxaan siiyey addoonkayga Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey inay u adeegaan.

Now I have given all these lands to Nebuchadnezzar king of Babylon, My servant. And I have given him the wild animals of the field to serve him.

7 O o quruumaha oo dhammuna way u wada adeegi doonaan isaga, iyo wiilkiisa, iyo wiilka wiilkiisa, ilaa wakhtiga dalkiisu yimaado, oo dabadeedna quruumo badan iyo boqorro waaweyn ayaa isaga addoonsan doona.

All the nations will serve him and his son and his grandson, until the time for his land comes. Then many nations and great kings will make him their servant.

8 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.

But if any nation will not serve Nebuchadnezzar king of Babylon, and will not put its neck under the load of the king of Babylon, I will punish that nation with the sword, hunger, and disease,” says the Lord, “until I have destroyed it by his hand.

9 H addaba idinku innaba ha maqlina nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna, iyo riyolowyadiinna, iyo faaliyayaashiinna amase xataa saaxiriintiinna ee idinku yidhaahda, Idinku uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon,

So do not listen to your men who tell of their special dreams, your men who tell what is going to happen in the future, or your wonder workers who use their secret ways. They say to you, ‘You must not serve the king of Babylon.’

10 w aayo, been bay idiinku sii sheegaan, si ay dalkiinna idinkaga fogeeyaan, oo aan anigu dibadda idinku kexeeyo, oo aad u halligantaan aawadeed.

But they are lying to you, and will cause you to be taken far from your land. I will drive you out, and you will die.

11 L aakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii qoorteeda ka hoos marisa harqoodka boqorka Baabuloon inay isaga u adeegto aawadeed, taas dalkeedaan ku dayn doonaa, oo beeraheeday sii fali doontaa, wayna sii degganaan doontaa.

But the nation that brings its neck under the cross-bar of the king of Babylon and serves him, I will let stay on its own land,” says the Lord. “And its people will take care of the fields and live there.”’”

12 W eliba erayadan oo dhanna waan kula hadlay Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, oo waxaan ku idhi, Qoortiinna ka hoos mariya harqoodka boqorka Baabuloon, oo u adeega isaga iyo dadkiisa, oo saas ku noolaada.

I spoke to King Zedekiah of Judah in the same way, saying, “Bring your necks under the cross-bar of the king of Babylon. Serve him and his people, and live!

13 O o bal maxaad adiga iyo dadkaaguba seefta iyo abaarta iyo belaayada ugu dhimanaysaan, sida Rabbigu uga hadlay quruuntii aan u adeegin boqorka Baabuloon?

Why will you and your people die by the sword, hunger, and disease, as the Lord has said would happen to that nation which will not serve the king of Babylon?

14 I nnaba ha maqlina nebiyada idinka hadla ee leh, Uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.

Do not listen to the men who tell of their dreams and say to you, ‘You will not serve the king of Babylon.’ For they are telling you a lie.

15 M axaa yeelay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu sooma aan dirin, laakiinse been bay magacayga ku sii sheegaan, si aan idiin eryo, oo aad u halligantaan, idinka iyo nebiyada wax idiin sii sheegaba.

I have not sent them,” says the Lord. “They speak false words in My name, so that I may drive you out, and that you may die, both you and the men who tell these things to you.”

16 O o weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.

Then I said to the religious leaders and to all these people, “The Lord says: Do not listen to the men who speak in God’s name saying, ‘See, the objects of the Lord’s house will soon be returned from Babylon,’ for they are telling you a lie.

17 I yaga ha maqlina. Boqorka Baabuloon u adeega, oo saas ku noolaada, waayo, bal maxay magaaladani cidla u noqonaysaa?

Do not listen to them. Serve the king of Babylon and live! Why should this city be destroyed?

18 L aakiinse iyagu hadday nebiyo yihiin, iyo haddii eraygii Rabbigu uu iyaga la jiro, haatan Rabbiga ciidammada ha ka baryeen in weelasha ku hadhay guriga Rabbiga, iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalem gudaheeduba ayan Baabuloon tegin.

But if they are true men of God, and if the Word of the Lord is with them, let them now pray to the Lord of All. Let them ask that the objects which are left in the house of the Lord, in the house of the king of Judah, and in Jerusalem, may not go to Babylon.

19 W aayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay tiirarka, iyo berkedda, iyo saldhigyada, iyo weelasha magaaladan ku hadhay,

For this is what the Lord of All says about the pillars, the brass pool, the stands, and the rest of the objects that are left in this city.

20 o o uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey,

Nebuchadnezzar king of Babylon did not take these things from Jerusalem to Babylon when he took Jeconiah the son of Jehoiakim, king of Judah, and all the leaders of Judah and Jerusalem.

21 R abbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba,

So this is what the Lord of All, the God of Israel, says about the objects that are left in the house of the Lord, and in the house of the king of Judah, and in Jerusalem. He says,

22 R abbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.

‘They will be carried to Babylon, and they will be there until the day I visit them,’ says the Lord. ‘Then I will bring them back to this place.’”