Sabuurradii 1 ~ Psalm 1

picture

1 W axaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.

Happy is the man who does not walk in the way sinful men tell him to, or stand in the path of sinners, or sit with those who laugh at the truth.

2 L aakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga, Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.

But he finds joy in the Law of the Lord and thinks about His Law day and night.

3 O o wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.

This man is like a tree planted by rivers of water, which gives its fruit at the right time and its leaf never dries up. Whatever he does will work out well for him.

4 L aakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha, Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.

Sinful men are not like this. They are like straw blown away by the wind.

5 S idaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka, Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.

So the sinful will not stand. They will be told they are guilty and have to suffer for it. Sinners will not stand with those who are right with God.

6 W aayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.

For the Lord knows the way of those who are right with Him. But the way of the sinful will be lost from God forever.