Markos 5 ~ ﻣﺮﻗﺲ 5

picture

1 W axay yimaadeen dhanka kale oo badda ilaa dalkii Gadareni.

وَجاءُوا إلَى مِنْطَقَةِ الجَدَرِيِّينَ عَلَىْ الشاطئِ الآخَرِ مِنَ البُحَيرَةِ.

2 G oortuu doonnidii ka degay, kolkiiba waxaa la kulmay nin xabaalaha ka soo baxay oo jinni wasakh leh qaba.

وَحالَما خَرَجَ يَسُوعُ مِنَ القارِبِ، جاءَ إلَيهِ مِنْ بَينِ القُبُورِ رَجُلٌ فِيهِ رُوحٌ نَجِسٌ.

3 I sagu xabaalaha ayuu dhex fadhiyi jiray, oo ninna xataa silsilad kuma xidhi kari jirin.

كانَ الرَّجُلُ يَعِيشُ بَينَ القُبُورِ، وَلَمْ يَكُنْ أحَدٌ يَستَطِيعُ أنْ يُقَيِّدَهُ وَلا حَتَّى بِالسَّلاسِلِ.

4 M axaa yeelay, marar badan bir cagaha iyo silsilado waa lagu xidhi jiray, silsiladihiina ayuu iska gooyn jiray, bir cagahana wuu kala jejebin jiray. Ninna ka adkaan kari waayay.

فَقَدْ كانَ يُحَطِّمُ القُيُودَ، وَيُقَطِّعُ السَّلاسِلَ الَّتي كَثيراً ما قَيَّدَهُ النّاسُ بِها. فَلَمْ يَستَطِعْ أحَدٌ أنْ يُسَيطِرَ عَلَيهِ.

5 W eligiiba, habeen iyo maalin, ayuu buuraha iyo xabaalaha joogi jiray isagoo qaylinaya oo dhagaxyona isku jarjaraya.

وَكانَ لَيلاً وَنَهاراً بَينَ القُبُورِ وَفِي التِّلالِ، يُجَرِّحُ نَفسَهُ بِالحِجارَةِ وَيَصرُخُ.

6 L aakiin goortuu Ciise meel fog ka arkay, ayuu ku soo orday oo u sujuuday.

وَلَكِنْ عِندَما رَأى يَسُوعَ مِنْ بَعِيدٍ، رَكَضَ نَحوَهُ وَسَجَدَ أمامَهُ،

7 M arkaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin.

وَصَرَخَ بِصَوتٍ عالٍ وَقالَ: «ماذا تُرِيدُ مِنِّي يا يَسُوعُ يا ابنَ اللهِ العَلِيِّ؟ أُناشِدُكَ بِاللهِ ألّا تُعَذِّبَنِي!»

8 W aayo, wuxuu ku yidhi, Ka soo bax ninka, jinni wasakh lahow.

قالَ هَذا لِأنَّ يَسُوعَ كانَ قَدْ أمَرَ الرُّوحَ النَّجِسَ بِأنْ يَخرُجَ.

9 M arkaasuu weyddiiyey, Magacaa? Wuxuu ugu jawaabay, Waxaa lay yidhaahdaa, Liijon, waayo, annagu waa badan nahay.

فَسَألَهُ يَسُوعُ: «ما اسْمُكَ؟» فَأجابَهُ: «اسْمِي جَيشٌ لِأنَّ عَدَدَنا كَبِيرٌ.»

10 A ad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin.

وَتَوَسَّلَ إلَيهِ بِإلحاحٍ كَي لا يُرسِلَهُمْ خارِجَ المِنطَقَةِ.

11 B uurta sinteedana waxaa joogay daaqsin weyn oo doofaarro ah oo daaqaysa.

وَكانَ هُناكَ قَطِيعٌ كَبِيرٌ مِنَ الخَنازِيرِ يَرعَى قُرْبَ حافَّةِ الجَبَلِ فِي تِلْكَ المِنطَقَةِ.

12 J inniyadii oo dhan baa baryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Noo dir doofaarrada inaannu galno.

فَتَوَسَّلَتِ الأرواحُ الشِّرِّيرَةُ إلَيهِ وَقالَتْ: «أرسِلْنا إلَى هَذِهِ الخَنازِيرِ لِنَدخُلَ فِيها.»

13 K olkiiba Ciise baa u fasaxay. Markaasaa jinniyadii wasakhda lahayd baxeen, oo waxay galeen doofaarrada, daaqsintiina jarka hoos bay uga yacday ilaa badda, baddayna ku bakhtiyeen, waxayna ahaayeen abbaaraha laba kun.

فَسَمَحَ لَهُمْ بَذَلِكَ، فَخَرَجَتِ الأرواحُ النَّجِسَةُ وَدَخَلَتْ فِي الخَنازِيرِ. فَاندَفَعَ القَطِيعُ مِنْ حافَّةِ الجَبَلِ إلَى البُحَيرَةِ وَغَرِقَ فِيها، وَكانَ عَدَدُ الخَنازيرِ نَحوَ ألفَينِ.

14 M arkaasaa kuwii daajin jiray carareen, oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay.

أمّا الرُّعاةُ فَهَرَبُوا، وَأبلَغُوا النّاسَ فِي البَلدَةِ وَفِي الرِّيفِ بِما حَصَلَ. فَجاءَ النّاسُ جَمِيعاً لِيَرَوا ما الَّذِي حَدَثَ.

15 M arkaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen jinnoolihii isagoo fadhiya oo dhar sita oo miyir qaba, wayna baqeen.

فَأتَوْا إلَى يَسُوعَ وَرَأَوْا الرَّجُلَ الَّذِي كانَ مَسكُوناً بِالأرواحِ النَّجِسَةِ جالِساً وَهوَ لابِسٌ وَفِي كامِلِ عَقلِهِ، فَخافُوا.

16 K olkaasaa kuwii arkay waxay u sheegeen sidii ay u dhacday jinnoolihii iyo warkii doofaarrada.

وَأخبَرَهُمُ الَّذِينَ رَأَوْا عَنْ ما حَدَثَ مَعَ الرَّجُلِ المَسكُونِ بِالأرواحِ الشِّرِّيرَةِ، وَعَنِ الخَنازِيرِ.

17 M arkaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo.

فَأخَذَ النّاسُ يَرْجُونَ يَسُوعَ أنْ يَرحَلَ عَنْ مِنطَقَتِهِمْ.

18 I ntuu doonnida fuulayay, kii jinniyada qabi jiray ayaa baryay inuu raaco.

وَبَينَما كانَ يَسُوعُ يَصْعَدُ إلَى القارِبِ، جاءَ إلَيهِ الرَّجُلُ الَّذِي كانَ مَسكُوناً بِأرواحٍ شِرِّيرَةٍ يَرجُوهُ أنْ يَسمَحَ لَهُ بِمُرافَقتِهِ.

19 C iisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.

لَكِنَّ يَسُوعَ لَمْ يَسمَحْ لَهُ بِذَلِكَ، بَلْ قالَ لَهُ: «عُدْ إلَى بَيتِكَ، وَأخبِرْ بِكُلِّ ما فَعَلَهُ الرَّبُّ مِنْ أجلِكَ، وَكَيفَ رَحَمَكَ.»

20 K olkaasuu tegey oo bilaabay inuu Dekabolis ku naadiyo waxa weyn oo Ciise u sameeyey, oo dhammaan bay la wada yaabeen. Yayros Gabadhiisii Iyo Naagtii Dhiigbixidda Qabtay

فذَهَبَ وَابْتَدَأ يُذيعُ فِي المُدُنِ العَشْرِ ما فَعَلَهُ يَسُوعُ مِنْ أجلِهِ. فَكانَ جَمِيعُ النّاسِ يَتَعَجَّبونَ. إقامَةُ فَتاةٍ مِنَ المَوتِ وَشِفاءُ امْرأةٍ نازِفَةٍ

21 M arkii Ciise haddana dhanka kale doonnida ugu gudbay ayaa dad faro badan u soo ururay, isaguna badda agteeda ayuu joogay.

وَعِندَما عَبَرَ يَسُوعُ فِي القارِبِ إلَى النّاحِيَةِ الأُخرَى مِنَ البُحَيرَةِ، اجتَمَعَ حَولَهُ جَمْعٌ كَبِيرٌ وَهوَ عِنْدَ الشّاطِئِ.

22 W axaa u yimid taliyayaasha sunagogga midkood ee Yayros la odhan jiray, oo markuu arkay, cagihiisa ayuu isku riday,

فَجاءَ أحَدُ المَسؤولينَ عَنِ المَجمَعِ وَاسْمُهُ يايرُسَ. وَلَمّا رَأى يَسوعَ ارتَمَى عِنْدَ قَدَمَيهِ،

23 o o aad buu u baryay oo ku yidhi, Gabadhaydii yarayd waa sakaraad. Waan ku baryayaa, kaalay oo gacmahaaga saar inay bogsato oo noolaato.

وَتَوَسَّلَ إلَيهِ بِشِدَّةٍ وَقالَ: «ابنَتِي الصَّغِيرَةُ قارَبَتْ عَلَى المَوتِ، فَلَعَلَّكَ تَأتِي وَتَضَعُ يَدَكَ عَلَيها، فَتُشفَى وَتَعِيشَ.»

24 M arkaasaa Ciise raacay, dad faro badanna waa la socday, wayna cidhiidhiyeen.

فَذَهَبَ مَعَهُ. وَكانَ جَمْعٌ كَبِيرٌ مِنَ النّاسِ يَتَزاحَمونَ حَولَهُ مِنْ كُلِّ جانِبٍ.

25 W axaa jirtay naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay.

وَكانَتْ هُناكَ امْرأةٌ تَنزِفُ مُنذُ اثنَتَي عَشْرَةَ سَنَةً.

26 S ilec badanna ayay dhakhtarro badan ka heshay, oo wixii ay lahayd oo dhanna ayay ku bixisay, mana roonaanin laakiinse way ka sii dartay.

وَقَدْ عانَتْ كَثِيراً مَعَ العَدِيدِ مِنَ الأطِبّاءِ، وَأنفَقَتْ كُلَّ ما تَملِكُ مِنْ نُقُودٍ. وَلَمْ يَنفَعْها أحَدٌ، بَلِ ازدادَتْ حالَتُها سُوءاً.

27 M arkay Ciise warkiisa maqashay ayay dadkii soo dhex martay oo dhabarkiisa timid, markaasay maradiisa taabatay.

وَلَمّا سَمِعَتْ عَنْ يَسُوعَ، جاءَتْ مِنْ وَرائِهِ، وَلَمَسَتْ عَباءَتَهِ.

28 W aayo, waxay tidhi, Haddaan dharkiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.

لِأنَّها قالَتْ فِي نَفسِها: «إنِ اسْتَطَعْتُ أنْ ألمُسَ وَلَوْ عَباءَتَهُ، فَسَأُشْفَى.»

29 K olkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay oo waxay jidhkeedii ka garatay inay cudurkii ka bogsatay.

فَشُفِيَتْ مِنْ نَزِيفُها فُوراً، وَأحَسَّتْ فِي جِسْمِها بِأنَّها شُفِيَتْ.

30 C iise kolkiiba wuxuu iska gartay in xoog ka baxay isagii, oo intuu cidhiidhiga ku soo jeestay ayuu yidhi, Yaa dharkayga taabtay?

فَشَعَرَ يَسُوعُ أنَّ قُوَّةً قَدْ خَرَجَتْ مِنْهُ. فَالتَفَتَ وَسَألَ: «مَنْ لَمَسَ عَباءَتي؟»

31 X ertiisii ayaa ku tidhi, Adigu waad aragtaa dadka badan oo ku cidhiidhinaya. Ma waxaad na leedahay, Yaa i taabtay?

فَقالَ لَهُ تَلامِيذُهُ: «أنتَ تَرَى أنَّ الجَمِيعَ يَزْحَمُونَكَ مِنْ كُلِّ جانِبٍ، وَتَسألُ مَنِ الَّذِي لَمَسَنِي؟»

32 K olkaasuu hareerihiisii ka fiirfiiriyey inuu arko tan waxan samaysay.

أمّا هُوَ فَنَظَرَ حَولَهُ لِيَرَى مَنْ فَعَلَ ذَلِكَ.

33 N aagtiise waa baqday oo gariirtay iyadoo garanaysa wixii loogu sameeyey. Markaasay timid oo hortiisa ku dhacday oo runtii oo dhan u sheegtay.

فَأدرَكَتِ المَرأةُ ما حَدَثَ لَها. فَجاءَتْ مُرتَعِشَةً وَارتَمَتْ أمامَهُ، وَأخبَرَتْهُ بِالحَقِيقَةِ كُلِّها.

34 K olkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhay, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Nabad ku tag, cudurkaagiina ka bogso.

فَقالَ لَها: «يا ابنَتِي، لَقَدْ خَلَّصَكِ إيمانُكِ، فَاذْهَبِي بِسَلامٍ. وَتَعافَيْ مِنْ مَرَضَكِ.»

35 G oortuu weli hadlayay waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid kuwii yidhi, Gabadhaadii waa dhimatay. Maxaad Macallinka u sii dhibaysaa?

وَبَينَما كانَ يَتَكَلَّمُ، جاءَ واحِدٌ مِنْ بَيتِ المَسؤُولِ عَنِ المَجمَعِ وَقالَ: «ابنَتُكَ ماتَتْ، فَلِماذا تُزعِجُ المُعَلِّمَ بَعْدُ.»

36 M ar alla markuu Ciise maqlay hadalka lagu hadlay, wuxuu taliyaha sunagogga ku yidhi, Ha baqin ee iska rumayso.

فَلَمْ يَلتَفِتْ يَسُوعُ إلَىْ هَذا الكَلامِ، بَلْ قالَ للمَسؤولِ عَنِ المَجمَعِ: «لا تَخَفْ. ما عَلَيكَ إلّا أنْ تُؤمِنَ.»

37 N innana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.

وَلَمْ يَسمَحْ لأحَدٍ بِأنْ يُرافِقَهُ سِوَىْ بُطرُسَ وَيَعقُوبَ وَيُوحَنّا أخيْ يَعقُوبَ.

38 K olkaasuu yimid gurigii taliyaha sunagogga, oo wuxuu arkay buuqa iyo kuwa ooyaya oo aad u barooranaya.

فَجاءَوا جَمِيعاً إلَىْ بَيتِ المَسؤولِ عَنِ المَجمَعِ. فَرَأى يَسْوعُ الفَوضَى، وَالنّاسَ يَرفَعُونَ أصواتِهِمْ بِالبُكاءِ وَالنُّواحِ.

39 G oortuu galay wuxuu ku yidhi, Maxaad sidaas ugu buuqaysaan oo u ooyaysaan? Gabadhu ma dhiman, waase huruddaa.

فَلَمّا دَخَلَ قالَ لَهُمْ: «لِماذا هَذِهِ الفَوضَىْ وَالنُّواحُ؟ فَالطِّفلَةُ لَمْ تَمُتْ لَكِنَّها نائِمَةٌ.»

40 I yaguse aad bay ugu qosleen, laakiin goortuu kulligood dibadda u saaray, wuxuu waday gabadhii aabbeheed iyo hooyadeed iyo kuwii isaga la jiray, wuxuuna galay meeshii gabadhu jiiftay.

فَضَحِكُوا عَلَيهِ! أمّا هُوَ فَأخرَجَهُمْ جَمِيعاً وَأدخَلَ مَعَهُ أبا الطِّفلَةِ وَأُمَّها وَمَنْ كانُوا بِرِفقَتِهِ إلَى حَيثُ الفَتاةُ.

41 K olkaasuu gabadhii gacanteeda qabtay oo ku yidhi, Talita qumi, taasoo micneheedu yahay, Gabadhay, waxaan ku leeyahay, Kac.

وَأمسَكَ بِيَدِها وَقالَ لَها: «طالِيثا قُومِي.» أي «يا صَبِيَّةُ، أقولُ لَكِ قُومِي.»

42 K olkiiba gabadhii waa kacday oo socotay; waxay jirtay laba iyo toban sannadood. Dadkuna aad bay ula wada yaabeen.

وَفِي الحالِ نَهَضَتِ الفَتاةُ وَأخَذَتْ تَمْشِي، حَيْثُ إنَّ عُمْرَها كانَ اثنَتَي عَشْرَةَ سَنَةٍ. أمّا الَّذينَ كانُوا هُناكَ فَقَدْ تَمَلَّكَهُمُ الذُّهُولُ!

43 A ad buu ugu adkeeyey inaan ninna ogaan, wuxuuna u sheegay in cunto la siiyo iyada.

وَأمَرَهُمْ يَسُوعُ بِشِدَّةٍ أنْ لا يُخبِرُوا أحَداً بِما حَدَثَ. ثُمَّ طَلَبَ مِنْهُمْ أنْ يُعطُوها شَيئاً لِتَأكُلَهُ.