Yexesqeel 17 ~ ﺣﺰﻗﻴﺎﻝ 17

picture

1 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

ثُمَّ أتَتْ إلَيَّ كَلِمَةُ اللهِ:

2 W iilka Aadamow, halxidho, oo reer binu Israa'iil masaal kula hadal,

«يا إنْسانُ، تَكَلَّمْ بِهَذا اللُّغزِ، وَكَلِّمْ بَني إسْرائِيلَ بِهَذا اللُّغْزِ وَالمَثَلِ،

3 o o waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa Lubnaan yimid gorgor weyn oo baadad waaweyn oo baalashiisu dheerdheer yihiin, oo baalal badan oo kala midab ah leh, oo wuxuu qaatay intii ugu sarraysay oo geedka kedarka la yidhaahdo.

وَقُلْ: ‹يَقُولُ الرّبُّ الإلَهُ: «أتَى إلَى لُبنانَ نَسرٌ ضَخمٌ لَهُ أجنِحَةٌ كَبِيرَةٌ. قَوادِمُهُ طَوِيلَةٌ وَرِيشُهُ مُتَعَدِّدُ الألوانِ. فَأخَذَ غُصناً مِنْ قِمَّةِ شَجَرَةِ أرْزٍ

4 O o wuxuu jaray laamihiisii yaryaraa, ta ugu korraysa, oo dal baayacmushtar badan geeyey, oo wuxuu dhigay magaalo baayacmushtariyaal.

وَكَسَرَ أغصاناً صَغِيرَةً طَرِيَّةً مِنْ قِمَّةِ الشَّجَرَةِ، وَأخَذَها إلَى أرْضِ التُّجّارِ وَمَدِينَةِ الباعَةِ.

5 M arkaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah.

كَما أخَذَ بَعضَ البُذُورِ مِنْ تِلكَ الأرْضِ، وَزَرَعَها فِي الحُقُولِ المُعَدَّةِ لِلزِّراعَةِ. فَزَرَعَها قُربَ المِياهِ الغَزِيرَةِ، وَأقامَها كَشَجَرَةِ صَفْصافٍ.

6 O o iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.

فَنَمَتِ البُذُورُ وَصارَتْ كَرمَةً مُمتَدَّةٌ. وَمَعَ أنَّ جِذعَها كانَ قَصِيراً، لَكِنَّ فُرُوعَها بَدَأتْ تَمتَدُّ وَتَنمُو، وَكانَ لَها جُذُورٌ طَوِيلَةٌ وَمَتِينَةٌ. وَنَمَتْ حَتَّى أصبَحَتْ كَرمَةً أخرَجَتْ فُرُوعاً وَأنتَجَتْ ثَمَراً.

7 O o weliba waxaa kaloo jiray gorgor kale oo weyn, oo baadad waaweyn, oo baalashiisu ay badan yihiin, oo bal eeg, geedkan canabka ahu xididdadiisuu xaggiisa u soo leexiyey, oo laamihiisiina xaggiisuu u soo bixiyey si uu uga waraabiyo meel ka leexsan meeshii lagu dhex beeray.

«وَكانَ هُناكَ نَسرٌ عَظِيمٌ آخَرُ لَهُ أجنِحَةٌ كَبِيرَةٌ جِدّاً. قَوادِمُهُ طَوِيلَةٌ وَمُكتَمِلَةٌ. فَأرسَلَتْ جُذُورَها نَحوَهُ، وَمَدَّتْ فُرُوعَها باتِّجاهِهِ لِيَسقِيها.

8 W axaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.

كانَتِ الكَرمَةُ قَدْ غُرِسَتْ فِي حَقلٍ جَيِّدٍ، قُربَ مِياهٍ كَثِيرَةٍ، لِتُخرِجَ أغصاناً كَثِيرَةً وَثَمَراً كَثِيراً، لِتَنمُوَ وَتَصِيرَ كَرمَةً جَمِيلَةً.»

9 W axaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miyaa geedkaasu liibaani doonaa? Miyuusan xididdadiisa rujin doonin, oo uusan midhihiisa u googooyn doonin si uu u engego, oo caleemihiisa cagaarka ah oo dhammu ay u engegaan, in kastoo aan xoog weyn amase dad tiro badanu xididdadiisa rujin?

«هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ الرَّبُّ الإلَهُ: هَلْ سَتَنجَحُ؟ ألَنْ تُقلَعَ جُذُورُها وَيُقطَعُ ثَمَرُها؟ ألَنْ يَيْبَسَ وَرَقُها وَيَمُوتُ؟ لَنْ يَحتاجَ قَلعُها مِنْ جُذُورِها إلَى أيدٍ قَوِيَّةٍ أوْ أُناسٍ كَثِيرِينَ.

10 I n kastoo la beeray miyuu liibaani doonaa? Oo miyuusan kulligiis engegi doonin markii dabaysha bari ay taabato? Meeshii lagu beeray wuu ka engegi doonaa.

لَكِنْ إنْ نُقِلَتْ إلَى مَكانٍ آخَرٍ، فَهَلْ سَتَنمُو؟ ألَنْ تَيْبَسَ حِينَ تَهُبُّ الرِّيحُ الشَّرقِيَّةُ عَلَى البُستانِ الَّذِي زُرِعَتْ فِيهِ؟»

11 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

وَأتَتْ إلَيَّ كَلِمَةُ اللهِ:

12 H addaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay.

«قُلْ للِشَّعبِ المُتَمَرِّدِ: ‹ألا تَفهَمُونَ مَعنَى هَذِهِ الأمْثالِ؟ ها إنَّ مَلِكَ بابِلَ أتَى إلَى مَدينَةِ القُدْسِ وَأسَرَ مَلِكَها وَكُلَّ رُؤَسائِها وَأخَذَهُمْ إلَى بابِلَ.

13 O o boqorka farcankiisiina wuu watay, oo axdi buu la dhigtay, oo dhaar buu isagii marsaday, oo weliba wuxuu kaloo kaxaystay dalka raggiisii xoogga badnaa,

ثُمَّ اختارَ مَلِكُ بابِلَ واحِداً مِنَ النَّسلِ المَلَكِيِّ وَقَطَعَ مَعَهُ عَهداً. وَجَعَلَهُ يُقْسِمُ عَلَى الوَلاءِ. وَأخَذَ الرِّجالَ المُقتَدِرِينَ ذَوِي النُّفُوذِ مِنَ الأرْضِ.

14 s i ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis.

فَكانَ العَهدُ يَقضِي بِأنْ تَبقَى المَملَكَةُ خاضِعَةً فَلا تَرتَفِعُ، بَلْ تُحافِظُ عَلَى هَذا العَهْدِ مُقابِلَ سَلامَتِها.

15 L aakiinse isagu wuu ku caasiyoobay markuu ergooyinkiisii Masar ugu diray si ay isaga u siiyaan fardo iyo dad faro badan. Miyuu liibaanayaa? Kii waxyaalahaas oo kale sameeyaa miyuu baxsan doonaa? Amase intuu axdiga jebiyo miyuu baxsan doonaa?

وَلَكِنَّ المَلِكَ تَمَرَّدَ عَلَى مَلِكِ بابِلَ، وَأرسَلَ مَبعُوثِينَ إلَى مِصرَ لإحضارِ خُيُولٍ وَجَيشٍ عَظِيمٍ. فَهَلْ سَيَنجَحُ؟ هَلْ سَيَنجُو مِنَ العِقابِ؟ هَلْ يَنجُو مَنْ يَفعَلُ ذَلِكَ؟ هَلْ يَنجُو مَنْ يَكسِرُ العَهدَ؟»

16 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah meesha uu deggan yahay boqorkii isaga boqorka ka dhigay, oo uu isagu dhaartiisii quudhsaday, oo uu weliba axdigiisii jebiyey, isaga qudhdiisa ayuu Baabuloon gudaheeda kula dhiman doonaa.

يَقُولُ الرَّبُّ الإلَهُ: «أُقسِمُ بِذاتِي إنَّ ذَلِكَ المَلِكَ سَيَمُوتُ فِي بابِلَ. عَيَّنَهُ مَلِكُ بابِلَ عَلَى أرْضِ يَهُوذا، لَكِنَّهُ نَكَثَ بِقَسَمِهِ، وَكَسَرَ العَهْدَ مَعَ مَلِكِ بابِلَ.

17 O o Fircoon iyo ciidankiisa xoogga badan, iyo guuto badan toona isaga dagaalka kuma ay taageeri doonaan marka tuulmo la tuulo, oo qalcado la dhiso si dad badan loo baabbi'iyo.

لَن تَأتِي قُوّاتُ فِرعَوْنَ وَجُيُوشُهُ الضَّخمَةُ لِمُساعَدَتِهِ فِي وَقتِ الحَربِ. فَسَتُبنَى حَواجِزُ تُرابِيَّةٌ وَأبراجُ حِصارٍ عِندَ الأسوارِ، لِلقَضاءِ عَلَى نُفُوسٍ كَثِيرَةٍ.

18 M axaa yeelay, isagu dhaartii wuu quudhsaday markuu axdigii jebiyey, oo intuu gacantiisa ku dhaartay ayuu haddana waxyaalahaas oo dhan sameeyey, oo sidaas aawadeed innaba ma uu baxsan doono.

فَلأنَّهُ احتَقَرَ القَسَمَ وَكَسَرَ العَهدَ بَعْدَ أنْ رَفَعَ يَدَهُ وَأقسَمَ، لَنْ يَنجُو.»

19 S idaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah dhaartaydii uu quudhsaday iyo axdigaygii uu jebiyey ayaan madaxiisa kaga abaalmarin doonaa.

وَلِهَذا، يَقُولُ الرَّبُّ الإلَهُ: «أُقسِمُ بِذاتِي إنِّي سَأُحَمِّلُهُ نتيجَةَ قَسَمِي الَّذِي احتَقَرَهُ وَعَهدِي الَّذِي كَسَرَهُ!

20 O o korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.

سَأُلقِي بِشَبَكَتِي عَلَيهِ، وَسَيَعلَقُ بِفَخِّي. سَأحمِلُهُ إلَى بابِلَ، وَهُناكَ سَأُدِينُهُ عَلَى التَّمَرُّدِ عَلَيَّ وَخِيانَتِهِ لِي.

21 O o kuwiisa qaxay ee guutooyinkiisa oo dhammuba seef bay ku le'an doonaan, oo inta ka hadhaana waxay u kala firdhi doonaan qalbadaha oo dhan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan aniga Rabbiga ahu waxan ku hadlay.

سَيُحاوِلُ الكَثِيرُ مِنْ جُيُوشِهِ الهَرَبَ، وَلَكِنَّهُمْ سَيُقتَلُونَ بِالسَّيفِ. وَالَّذِينَ سَيَبقُونَ سَيَتَبَعثَرُونَ فِي كُلِّ مَكانٍ. حِينَئِذٍ، سَيَعرِفُونَ أنِّي أنا اللهَ تَكَلَّمْتُ.»

22 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan qaadan doonaa geedkedarka dheer laantiisa ugu sarraysa, oo meel baan ka taagi doonaa, oo waxaan gooyn doonaa mid curdan ah oo ka mid ah laamihiisa yaryar oo ugu korreeya, oo waxaan ku dul beeri doonaa buur dheer oo sare.

هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ الرَّبُّ الإلَهُ: «سَآخُذُ غُصناً مِنْ أعلَى شَجَرَةِ الأرْزِ. سَأقطَعُ غُصناً طَرِيّاً مِنْ قِمَّتِها، وَسَأزرَعُهُ بِنَفسِي عَلَى جَبَلٍ عالٍ وَمُرتَفِعٍ.

23 B uurta dheer oo dalka reer binu Israa'iil ayaan ku beeri doonaa, oo waxay soo bixin doontaa laamo, oo midhona way dhali doontaa, oo waxay noqon doontaa geedkedar wanaagsan, oo waxaa hoostiisa ku hoyan doona haad cayn kasta ah, oo waxay degganaan doonaan hooska laamihiisa.

سَأغرِسُهُ عَلَى جَبَلٍ عالٍ فِي إسْرائِيلَ، وَسَيُنْبِتُ أغصاناً وَ ثَمَراً. سَتُصبِحُ أشَّجارَ أرزٍ جَمِيلَةً تَسكُنُ تَحتَها العَصافِيرُ بِأنواعِها، وَتُعَشِّشُ فِي ظِلَّ أغصانِها جَميعُ أنواعِ الطُّيُورِ.

24 O o dhirta duurka ku taal oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan geedkii sare hoos u dejiyey, oo aan geedkii hoose kor u qaaday, iyo inaan geedkii qoyanaa qallajiyey, oo aan geedkii qallalnaa magooliyey. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas sameeyey.

«حِينَئِذٍ، سَتَعرِفُ كُلُّ أشجارِ الحَقلِ أنِّي، أنا اللهَ ، أخفَضْتُ الشَّجَرَ الطَّوِيلَ وَرَفَعْتُ القَصِيرَ، يَبَّسْتُ الشَّجَرَةَ الخَضْراءَ، وَمَلأتُ اليابِسَةَ بِالبَراعِمِ.»