Ishacyaah 64 ~ ﺃﺷﻌﻴﺎء 64

picture

1 M aad samooyinka soo jeexdid, oo maad hoos u soo dhaadhacdid, si ay buuruhu hortaada uga gariiraan

لَيتَكَ تَشُقُّ السَّماواتِ وَتَنزِلُ! حِينَئِذٍ، سَتَهتَزُّ الجِبالُ أمامَكَ.

2 s ida dab xaabo uu u gubo oo uu biyahana u karkariyo, in magacaaga cadaawayaashaada la ogeysiiyo, iyo in quruumuhu ay hortaada ku gariiraan!

كَالنّارِ الَّتِي تُشعِلُ الشُّجَيراتِ الجافَّةَ، كَالنّارِ الَّتِي تَجعَلُ الماءَ يَغلِي، انزِلْ لِتَجعَلَ اسْمَكَ مَعرُوفاً لَدَى أعدائِكَ، وَلِتَرتَجِفَ الأُمَمُ خَوفاً عِندَ حُضُورِكَ.

3 M arkaad waxyaalo cabsi badan oo aannan filanayn samaysay, hoos baad u soo dhaadhacday, oo buurihiina hortaaday ku gariireen.

عِندَما صَنَعتَ أُمُوراً عَظِيمَةً لَمْ نَتَوَقَّعها، نَزَلْتَ فَاهتَزَّتِ الجِبالُ أمامَكَ.

4 T an iyo waa hore ninna ma garan, dheguna ma maqal, iluna ma arag Ilaah aan adiga ahayn oo u shaqeeya kan isaga wax ka suga.

لَمْ يَسمَعْ أحَدٌ مِنَ القَدِيمِ جِدّاً، وَلَمْ تَسمَعْ أُذُنٌ، وَلَمْ تَرَ عَينٌ إلَهاً غَيرَكَ يَعمَلُ لِلَّذِينَ يَنتَظِرُونَهُ.

5 K an isagoo faraxsan xaqnimo sameeya, iyo kuwa jidadkaaga kugu xusuusta waad la kulantaa. Waad cadhaysnayd, waannuna dembaabnay. Dembiyadaas wakhti dheer baannu ku sii soconnay, haddaba ma nala badbaadin doonaa?

جِئتَ لِلِقاءِ الَّذِينَ يَفرَحُونَ بِعَمَلِ الصَّلاحِ، الَّذِينَ يَذكُرُونَكَ فِي طُرُقِهِمْ. حِينَ كُنتَ غاضِباً بِسَبِبِ خَطايانا، حَتَّى فِي تِلكَ الأيّامِ كانَ مِنَ المُمكِنِ أنْ نَخلُصَ.

6 W aayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah, kulligayona waxaannu u engegnay sida caleen oo kale, oo xumaantayadiina sidii dabayl oo kale ayay noo kaxaysataa.

صِرنا كُلُّنا كَشَيءٍ نَجِسٍ، وَكُلُّ أعمالِنا الصّالِحَةِ كَثَوبٍ وَسِخٍ. كُلُّنا ذَبُلْنا وَسَقَطنا كَوَرَقَةٍ، وَخَطايانا حَمَلَتْنا كَالرِّيحِ بَعِيداً.

7 O o innaba lama arko mid magacaaga ku baryootama, ama niyadiisa u kiciya inuu ku xagsado, waayo, wejigaagii waad naga qarisay, oo xumaatooyinkayagii aawadood waad na wada baabbi'isay.

لَيسَ مَنْ يَدعُو بِاسْمِكَ، أوْ يَتَمَسَّكُ بِكَ. لأنَّكَ سَتَرتَ وَجهَكَ عَنّا، وَأذَبْتَنا بِسَبَبِ خَطِيَّتِنا.

8 L aakiinse haatan, Rabbiyow, waxaad tahay Aabbahayaga. Annagu waxaannu nahay dhoobadii, oo adiguna dheryasameeyahayaga baad tahay, oo annana kulligayo shuqulkii gacantaada baannu nahay.

لَكِنَّكَ أبُونا يا اللهُ ، نَحنُ الطِّينُ وَأنْتَ الفَخّارِيُّ، وَكُلُّنا عَمَلُ يَدِكَ.

9 R abbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay.

لا تَغضَبْ يا اللهُ كَثِيراً، وَلا تَذكُرْ إثمَنا إلَى الأبَدِ. إنَّما كُلُّنا شَعبُكَ.

10 M agaalooyinkaagii quduuska ahaa cidlo bay noqdeen, Siyoon waxay noqotay cidlo oo kale, Yeruusaalemna waxay noqotay meel baabba' ah.

مُدُنُكَ المُقَدَّسَةُ صارَتْ بَرِّيَّةً. صِهْيَوْنُ صارَتْ بَرِّيَّةً، وَالقُدسُ مَكاناً مَهجُوراً.

11 G urigayagii quduuska ahaa oo qurxoonaa oo ahaa meeshii ay awowayaashayo kugu ammaani jireen dab baa lagu gubay, oo waxyaalahayagii wanwanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

هَيكَلُنا المُقَدَّسُ الجَمِيلُ حَيثُ سَبَّحَكَ آباؤُنا احتَرَقَ بِالنّارِ، وَكُلُّ الأشياءِ الثَّمِينَةِ الَّتِي نَمتَلِكُها خَرِبَتْ.

12 R abbiyow, waxyaalahaas aawadood ma isu celinaysaa? Ma iska aamusaysaa, oo ma aad baad noo sii dhibaysaa?

أبَعْدَ هَذا كُلِّهِ تَمتَنِعُ عَنْ مُساعَدَتِنا يا اللهُ ؟ هَلْ سَتَلزَمُ الصَّمتَ وَتُعاقِبُنا بِقَسوَةٍ؟