Falimaha Rasuullada 20 ~ ﺍﻋﻤﺎﻝ ﺍﻟﺮﺳﻞ 20

picture

1 M arkii rabshaddii dhammaatay dabadeed Bawlos ayaa xertii u cid diray oo dhiirrigeliyey, markaasuu nabadgelyeeyey oo baxay inuu Makedoniya tago.

وَلَمّا تَوَقَّفَ الهِياجُ، أرسَلَ بُولُسُ فِي طَلَبِ المُؤمِنِيْنَ. وَبَعدَ أنْ شَجَّعَهُمْ، وَدَّعَهُمْ وَذَهَبَ إلَى مُقاطَعَةِ مَكدُونِيَّةَ.

2 O o kolkuu meelahaas sii dhex maray oo uu hadal badan ku dhiirrigeliyey iyagii, ayuu wuxuu yimid dalka Gariigta.

وَسافَرَ عَبرَ تِلكَ المُقاطَعَةِ، وَشَجَّعَ المُؤمِنِينَ هُناكَ بِكَلامٍ كَثِيرٍ، ثُمَّ وَصَلَ إلَى اليُونانِ.

3 O o markuu saddex bilood meeshaas joogay, oo Yuhuuddu shirqool u dhigtay, markuu u dhowaa inuu Suuriya u dhoofo, ayuu wuxuu goostay inuu Makedoniya ku soo dhex noqdo.

وَبَقِيَ هُناكَ ثَلاثَةَ شُهُورٍ. وَكانَ بُولُسُ يُجَهِّزُ نَفسَهُ لِلسَّفَرِ إلَى سُورِيّا بَحراً، لَكِنْ لأنَّ اليَهُودَ كانُوا يُخَطِّطُونَ لِشَيءٍ ضِدَّهُ، قَرَّرَ أنْ يَعُودَ عَبرَ مُقاطَعَةِ مَكدُونِيَّةَ.

4 W axaana isagii ilaa Aasiya sii raacay Soobater ina Burhus oo reer Beroya ah, iyo Aristarkhos iyo Sekundos oo reer Tesaloniika ah, iyo Gayos oo reer Derbe ah, iyo Timoteyos, iyo Tukhikos iyo Torofimos oo reer Aasiya ah.

وَرافَقَهُ سُوباتْرِسُ بْنُ بِرُّسَ مِنْ مَدِينَةِ بِيرِيَّةَ. كَما رافَقَهُ أرَسْتَرْخُسُ وَسَكُونْدُسُ مِنْ تَسالُونِيكِي، وَغايُوسُ مِنْ مَدِينَةِ دَربَةَ، وَتِيمُوثاوُسُ وَتِيخِيكُسُ وَتْرُوفِيمُوسُ مِنْ مُقاطَعَةِ أسِيّا.

5 L aakiin kuwaasu mar horay tageen oo waxay nagu sugayeen Taroo'as.

سَبَقَنا هَؤُلاءِ وَانتَظَرُونا فِي مَدِينَةِ ترُواسَ.

6 M aalmihii Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn dabadeed waxaannu ka dhoofnay Filiboy, oo shan maalmood ayaan iyagii ugu nimid Taroo'as; taasoo aannu toddoba maalmood joognay. Ninkii Dhallinyarada Ahaa Oo Yutukhos La Odhan Jiray

فَأبحَرْنا مِنْ فِيلِبِّي بَعدَ أيّامِ عِيدِ الخُبزِ غَيرِ المُختَمِرِ. وَبَعدَ خَمسَةِ أيّامٍ، انضَمَمْنا إلَيْهِمْ فِي مَدِينَةِ ترُواسَ، حَيثُ بَقِينا سَبعَةَ أيّامٍ. زِيارَةُ بُولُسَ الأخِيرَةُ لِتْرُواس

7 M aalintii ugu horraysay ee toddobaadka markaannu isugu nimid inaannu kibis jejebinno, ayaa Bawlos la hadlay iyagii, isagoo ku talo jira inuu maalinta dambe tago, hadalkiina ilaa habeenbadhkii ayuu sii dheereeyey.

وَفِي اليَومِ الأوَّلِ مِنَ الأُسبُوعِ، كُنّا مُجتَمِعِينَ مَعاً لِكَسْرِ الخُبزِ، فَتَحَدَّثَ بُولُسُ مَعَهُمْ. وَلِأنَّهُ كانَ يَنوِي السَّفَرَ فِي اليَومِ التّالِي، ظَلَّ يَتَحَدَّثُ حَتَّى مُنتَصَفِ اللَّيلِ.

8 S iraaddo badan baa ka baxayay qowladda sare oo aannu ku urursanayn.

وَكانَتْ هُناكَ مَصابِيحٌ كَثِيرَةٌ فِي الغُرفَةِ العُلوِيَّةِ حَيثُ كُنّا مُجتَمِعِينَ.

9 W axaana daaqadda fadhiyey nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Yutukhos, isagoo hurdo weyn la dhacay; oo intii Bawlos weli hadalkii sii dheeraynayay ayaa wiilkii oo aad u hurdaysan dabaqaddii saddexaad ka soo dhacay, oo isagoo meyd ah baa la qaaday.

وَكانَ شابٌّ اسْمُهُ أفتِيخُوسُ جالِساً فِي النّافِذَةِ. فَبَدَأ يَغُطُّ فِي نَومٍ عَمِيقٍ أثناءَ مُواصَلَةِ بُولُسَ حَدِيثِهِ. وَلِأنَّ النَّومَ قَدْ غَلَبَهُ تَماماً، فَقَدْ وَقَعَ مِنَ الطّابِقِ الثّالِثِ. وَلَمّا رَفَعُوهُ وَجَدُوهُ مَيِّتاً.

10 M arkaasaa Bawlos hoos u soo degay oo ku dul dhacay isagii, waana isku duubay, isagoo leh, Ha buuqina; maxaa yeelay, naftii waa ku jirtaa.

فَنَزَلَ بُولُسُ وَانحَنَى عَلَيهِ، وَقالَ وَهُوَ يَحتَضِنُهُ: «لا تَخافُوا، فَما زالَتْ حَياتُهُ فِيهِ.»

11 O o markuu dusha aadayna oo kibis jejebiyey oo cunay oo wakhti dheer la hadlay iyagii, ilaa waagii beryay, ayuu markaas ka tegey.

ثُمَّ صَعِدَ بُولُسُ، وَكَسَرَ خُبزاً وَأكَلَ، وَتَحَدَّثَ إلَيْهِمْ فَترَةً طَوِيلَةً حَتَّى الفَجرِ ثُمَّ غادَرَ.

12 W iilkiina way keeneen isagoo nool, si aan yarayn baana loo qalbi qaboojiyey iyagii. Dhoofkii Ay U Dhoofeen Mileetos

وَأخَذُوا الشّابَّ إلَى بَيتِهِ حَيّاً، فَتَعَزَّوا كَثِيراً. مِنْ تْرُواسَ إلَى مِيلِيتُس

13 L aakiin annagoo ka hor marayna, waxaannu aadnay doonnida, oo Asos u dhoofnay, meeshaasoo aannu doonaynay inaannu Bawlos ka qaadno; maxaa yeelay, sidaasuu kula ballamay isagoo ku talo jiray inuu lugeeyo.

أمّا نَحنُ فَتابَعنا السَّفَرَ وَسَبَقنا بُولُسَ. فَأبحَرْنا إلَى مَدِينَةِ أسُّوسَ. كُنّا مُتَّجِهِينَ إلَى هُناكَ لِكَي نَأْخُذَهُ مَعَنا عَلَى ظَهرِ السَّفِينَةِ، فَقَدْ رَتَّبَ هُوَ ذَلِكَ لِأنَّهُ أرادَ أنْ يَذهَبَ بِنَفسِهِ إلَى أسُّوسَ ماشِياً.

14 O o kolkuu Asos nagula kulmay, waannu soo qaadnay, oo waxaannu nimid Mituleenee.

وَعِندَما قابَلَنا فِي أسُّوسَ، أركَبْناهُ السَّفِينَةَ وَذَهَبْنا إلَى مِيتِيلِينِي.

15 M arkaasaannu halkaas ka dhoofnay, oo waxaannu maalintii dambe nimid meel ka soo hor jeedda Khiyos; maalintii kalena waxaannu gaadhnay Samos; maalintii ku xigtayna waxaannu nimid Mileetos.

وَأبحَرْنا مِنْ هُناكَ فِي اليَومِ التّالِي، وَوَصَلْنا إلَى نُقطَةٍ مُقابِلَ خَيُوسَ. وَفِي اليَومِ التّالِي عَبَرنا إلَى سامُوسَ. وَفِي اليَومِ الَّذِي يَلِيهِ وَصَلْنا إلَى مِيلِيتُسَ.

16 M axaa yeelay, Bawlos wuxuu goostay inuu Efesos dhaafo, inuusan wakhti Aasiya ku lumin; waayo, wuxuu ku degdegsanaa hadday u suurtowdo inuu maalintii Bentekoste Yeruusaalem yimaado. Hadalkii Bawlos Kula Hadlay Waayeelladii Efesos Ka Yimid Markuu Ka Tegayay

فَقَدْ قَرَّرَ بُولُسُ ألّا يَتَوَقَّفَ فِي أفَسُسَ لِئَلّا يُضطَرَّ لِقَضاءِ وَقتٍ فِي أسِيّا. إذْ كانَ يُرِيدُ الوُصُولَ إلَى مَدِينَةِ القُدسِ قَبلَ عيدِ يَومِ الخَمسِينَ إنْ أمَكَنَ. بُولُسُ يَتَحَدَّثُ إلَى الشُّيُوخِ فِي أفَسُس

17 H addaba Mileetos wuxuu cid uga diray Efesos, waana u yeedhay waayeelladii kiniisadda.

وَمِنْ مِيلِيتُسَ، أرسَلَ بُولُسُ إلَى شُيُوخِ الكَنِيسَةِ فِي أفَسُسَ طالِباً إلَيْهِمْ أنْ يُلاقُوهُ هُناكَ.

18 M arkay u yimaadeenna wuxuu iyagii ku yidhi, Idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sidii aan wakhtiga oo dhan idinkula joogay tan iyo maalintii iigu horraysay oo aan Aasiya cag saaray,

فَلَمّا وَصَلُوا قالَ لَهُمْ: «أنتُمْ تَعلَمُونَ كَيفَ عِشتُ مَعَكُمْ طَوالَ الوَقتِ، مِنْ أوَّلِ يَومٍ وَصَلتُ فِيهِ إلَى أسِيّا.

19 a nigoo Rabbiga ugu adeegaya is-hoosaysiin oo dhan, iyo ilmo, iyo jirrabaaddaha igu dhacay markii Yuhuuddu sirqoollada ii dhigtay;

وَقَدْ خَدَمتُ الرَّبَّ بِكُلِّ تَواضُعٍ وَدُمُوعٍ. خَدَمتُهُ عَبرَ التَّجارِبِ الكَثِيرَةِ الَّتِي أصابَتنِي بِسَبَبِ مُؤامَراتِ اليَهُودِ.

20 i yo sidii aanan waxba idiinkala hadhin wixii idiin faa'iido lahaa inaan idiin sheego oo caddaan idinku baro guri ilaa guri,

وَأنتُمْ تَعلَمُونَ أنَّنِي لَمْ أتَرَدَّدْ فِي عَمَلِ أيِّ شَيءٍ لِمَنفَعَتِكُمْ. وَلَمْ أتَرَدَّدْ فِي إعلانِ هَذِهِ الأُمُورِ وَتَعلِيمِكُمْ إيّاها عَلَناً، وَمِنْ بَيْتٍ إلَى بَيتٍ.

21 a nigoo Yuhuudda iyo Gariigta labadoodaba uga warramaya si ay Ilaah ugu toobadkeenaan oo ay u aaminaan Rabbigeenna Ciise Masiix.

وَشَهِدتُ لِليَهُودِ وَاليُونانِيِّينَ عَلَى حَدٍّ سَواءِ داعِياً إيّاهُمْ إلَى التَّوبَةِ إلَى اللهِ، وَالإيمانِ بِرَبِّنا يَسُوعَ.

22 H adda bal eega, Yeruusaalem baan tegayaa anoo Ruuxa ku xidhan oo aan garanaynin waxyaalaha halkaas igaga dhici doona;

«وَها أنا الآنَ ذاهِبٌ إلَى القُدسِ مَدفُوعاً مِنَ الرُّوحِ القُدُسِ، دُونَ أنْ أدرِيَ ما سَيَحدُثُ لِي هُناكَ.

23 i n Ruuxa Quduuska ahi magaalo kasta iigu markhaati furo mooyaane, isagoo leh, Waxaa ku sugaya silsilado iyo dhibaatooyin.

إلّا أنَّ الرُّوحَ القُدُسَ يُحَذِّرُنِي فِي كُلِّ مَدِينَةٍ فَيَقولُ إنَّ الحَبسَ وَالصُّعُوباتِ فِي انتِظارِي.

24 L aakiin naftayda uma xisaabo sidii mid qiimo ila leh, si aan u dhammeeyo tartankayga iyo shuqulkii aan Rabbi Ciise ka helay inaan u markhaati furo injiilkii nimcadii Ilaah.

لَكِنْ لَيسَ ما سَيَحدُثُ لِي هُوَ المُهِّمُ، بَلِ المُهِمُّ أنْ أُكمِلَ السِّباقَ وَالمَهَمَّةَ الَّتِي أعطانِي إيّاها الرَّبُّ يَسُوعَ، وَهيَ أنْ أشهَدَ عَن بِشارَةِ نِعمَةِ اللهِ.»

25 H adda, bal eega, waxaan ogahay in dhammaantiin oo aan ku dhex wareegi jiray oo aan boqortooyada ku wacdiyi jiray aydnaan mar dambe wejigayga arki doonin.

وَقالَ: «وَأنا الآنَ أعلَمُ أنَّكُمْ لَنْ تَرَوا وَجهِي ثانِيَةً، أنتُمُ الَّذِينَ تَجَوَّلْتُ أُبَشِّرُكُمْ بِمَلَكوتِ اللهِ.

26 S idaas daraaddeed waxaan maanta idiinku warramayaa inaan daahir ka ahay dadka oo dhan dhiiggiisa.

وَلِهَذا فَإنِّي أُعلِنُ لَكُمْ هَذا اليَومَ أنِّي غَيرُ مَسؤُولٍ عَنْ عَدَمِ خَلاصِ أيِّ واحِدٍ فِيكُمْ.

27 M axaa yeelay, dib ugama noqon inaan talada Ilaah oo dhan idiin sheego.

فَأنا لَمْ أتَرَدَّدْ فِي إخبارِكُمْ بِكُلِّ مَشِيئَةِ اللهِ.

28 Q udhiinnu isjira, idahana jira, kuwaasoo Ruuxa Quduuska ahu idiinka dhigay beldaajiyayaal inaad daajisaan kiniisadda Ilaah oo uu dhiiggiisa ku iibsaday.

فَاحرُسُوا أنفُسَكُمْ وَكُلَّ الرَّعِيَّةِ الَّتي جَعَلَكُمِ الرُّوحُ القُدُسُ مُشْرِفِينَ عَلَيها، لِتَرعُوا كَنِيسَةَ اللهِ الَّتِي اشتَراها بِدَمِهِ.

29 W axaan ogahay markaan tago dabadeed inay idin dhex geli doonaan uubatooyin xunxun iyagoo aan idaha wax ka reebaynin;

وَأنا أعرِفُ أنَّهُ بَعدَ رَحِيلِي سَتَتَسَلَّلُ بَينَكُمْ ذِئابٌ شَرِسَةٌ لا تَرحَمُ القَطِيعَ.

30 o o waxaa idinka dhex kici doona niman waxyaalo qalqalloocan ku hadlaya inay xertii u jiitaan xaggooda.

وَسَيَظهَرُ رِجالٌ حَتَّى مِنْ بَينِكُمْ أنتُمْ يَقُولُونَ أشياءَ مُشَوَّهَةً لِيُضِلُّوا المُؤمِنِينَ.

31 S idaas darteed, soo jeeda, idinkoo xusuusanaya in intii saddex sannadood ah aanan ka joogsan inaan mid kasta habeen iyo maalinba waaniyo anigoo ilmaynaya.

فَكُونُوا مُتَيَقِّظِينَ! وَتَذَكَّرُوا أنِّي لَمْ أتَوَقَّفْ مُدَّةَ ثَلاثِ سَنَواتٍ عَنْ تَحذِيرِكُمْ بِدُمُوعٍ لَيلَ نَهار.

32 I mminka waxaan idinku ammaano gelinayaa Ilaah iyo ereyga nimcadiisa kaasoo kara inuu idin dhiso oo dhaxal idinka dhex siiyo kuwa quduus laga dhigay oo dhan.

أمّا الآنَ فَإنِّي أترُكُكُمْ فِي رِعايَةِ الله وَكَلِمَةِ نِعمَتِهِ القادِرَةِ عَلَى أنْ تَبنِيكُمْ وَأنْ تُعطِيَكُمْ مِيراثاً بَينَ كُلِّ المُقَدَّسِينَ.

33 M a aan damcin ninna lacagtiis, ama dahabkiis, ama dharkiis.

«أنا لَمْ أشتَهِ فِضَّةَ أحَدٍ مِنْكُمْ أوْ ذَهَبَهُ أوْ ثِيابَهُ.

34 I dinka qudhiinnu waad og tihiin inay gacmahanu u adeegeen waxaannu u baahnayn aniga iyo kuwii ila joogayba.

وَأنتُمْ أنفُسُكُمْ تَعلَمُونَ أنَّنِي سَدَدْتُ حاجاتِي وَحاجاتِ الَّذِينَ مَعِي مِنْ تَعَبِ يَدِيَّ.

35 W ax walba waan idin tusay si ay waajib idiinku tahay, idinkoo sidaas oo kale u hawshoonaya, inaad caawisaan kuwa itaalka yar, oo aad xusuusataan ereyadii Rabbi Ciise siduu isaga qudhiisu yidhi, In wax la helo, waxaa ka barako badan in wax la bixiyo.

وَقَدْ أرَيتُكُمْ فِي كُلِّ شَيءٍ عَمِلتُهُ مِثالاً عَلَى العَمَلِ الجادِّ الَّذِي يَنْبَغي أنْ نَخدِمَ بِهِ الضُّعَفاءَ. وَعَلَينا أنْ نَتَذَكَّرَ كَلامَ الرَّبِّ يَسُوعَ نَفسِهُ الَّذي قالَ: ‹فِي العَطاءِ بَرَكَةٌ أكثَرُ مِمّا فِي الأخذِ.›»

36 M arkuu waxaas ku hadlay dabadeed ayuu jilba joogsaday oo la tukaday dhammaantood.

وَبَعدَ أنْ قالَ بُولُسُ هَذا، رَكَعَ مَعَهُمْ جَمِيعاً وَصَلَّى.

37 M arkaasay kulligood aad u wada ooyeen, oo Bawlos qoorta kaga dhaceen oo dhunkadeen,

وَبَكَى الجَمِيعُ كَثِيراً، وَعانَقُوهُ وَقَبَّلُوهُ.

38 i yagoo sida badan ka caloolxun hadalkuu ku hadlay oo ahaa inayan mar dambe wejigiisa arki doonin. Markaasay sii ambabbixiyeen isagii ilaa doonnidii.

وَكانَ أكثَرَ ما أحزَنَهُمْ قَولُهُ إنَّهُمْ لَنْ يَرَوا وَجهَهُ ثانِيَةً. ثُمَّ رافَقُوهُ إلَى السَّفِينَةِ.