1 K anu waa warka culus oo Nineweh ku saabsan. Oo waa kitaabkii waxa Naxuum kii reer Elkosh la tusay.
هَذا إعلانٌ نَبَوِيٌّ عَنْ نِينَوَى. كِتابُ رُؤْيا ناحُومَ الَّذِي مِنْ مَدينَةِ ألْقُوشَ. غَضَبُ اللهِ عَلَى نِينَوَى
2 R abbigu waa Ilaah masayr ah oo waa aarsadaa, Rabbigu waa aarsadaa oo waa cadho miidhan. Rabbigu cadaawayaashiisa waa ka aargutaa, oo cadowgiisana cadho buu u kaydiyaa.
اللهُ إلَهٌ غَيُورٌ يَنتَقِمُ. اللهُ يَنتَقِمُ وَيَسْخَطُ. اللهُ يَنتَقِمُ مِنْ مُقاوِمِيهِ، وَيَغضَبُ مِنْ أعدائِهِ.
3 R abbigu cadho wuu u gaabiya, waana xoog badan yahay, oo kii gardaran sinaba eedlaawe ugu haysan maayo. Rabbigu wuxuu jid ku leeyahay dabaysha cirwareenta ah iyo duufaanka, oo daruuruhuna waa boodhkii cagihiisa.
اللهُ صَبُورٌ وَلَكِنَّهُ قَوِيٌّ جِدّاً. وَلا يُبَرِّئُ المُخطِئِينَ. حِينَ يَتَحَرَّكُ، فَالزَّوابِعُ وَالعَواصِفُ تَتبَعُهُ فِي سَيرِهِ، وَالغُيُومُ هِيَ الغُبارُ الَّذِي تُثِيرُهُ قَدَماهُ.
4 I sagu wuxuu canaantaa badda, oo weliba iyaduu engejiyaa, oo webiyaasha oo dhanna wuu wada qallajiyaa. Baashaan iyo Karmel way engegaan, oo ubixii Lubnaanna waa dhaday.
يَنتَهِرُ البَحرَ فَيَجِفُّ، وَيُجَفِّفُ كُلَّ الأنهارِ. أراضِي باشانَ وَالكَرْمَلِ الخَصْبَةُ تَجِفُّ، وَنَباتاتُ لُبنانَ تَذْبُلُ.
5 B uuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.
الجِبالُ تَرتَجِفُ خَوفاً مِنهُ، وَالتِّلالُ تَذُوبُ. تَرْتَجِفُ الأرْضُ بِخَوفٍ أمامَهُ، المَسكُونَةُ وَكُلُّ السّاكِنِينَ فِيها.
6 B al yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.
مَنْ يُمكِنُهُ الوُقُوفُ أمامَهُ حِينَ يَغَضَبُ؟ مَنْ يَستَطِيعُ احتِمالَ غَضَبِهِ الشَّدِيدِ؟ يَنسَكِبُ غَضَبُهُ كَنارٍ، فَتَتَشَقَّقَ مِنْهُ الصُّخُورُ.
7 R abbigu waa wanaagsan yahay, oo wakhtigii dhib jirona waa qalcad, wuuna garanayaa kuwa isaga isku halleeya.
اللهُ صالِحٌ، وَهُوَ مَلجَأٌ فِي وَقتِ الضِّيقِ. وَيَهتَمُّ بِالَّذِينَ يَلجَأُونَ إلَيهِ.
8 L aakiinse meesheeda wuxuu ku baabbi'in doonaa daad soo buuxdhaafay, oo cadaawayaashiisana wuu u eryan doonaa gudcurka dhexdiisa.
لَكِنَّهُ بِطُوفانٍ عَظِيمٍ يَقضِي عَلَى مُقاوِمِيهِ. يُطارِدُ أعداءَهُ إلَى الظُّلمَةِ.
9 W ar maxaad Rabbiga la damacsan tihiin? Isagu wuu wada baabbi'in doonaa. Dhibaatana mar labaad soo ma kici doonto.
بِماذا تُخَطِّطُونَ ضِدَّ اللهِ ؟ سَيَقضِي عَلَيهِمْ، وَلَنْ يَقُومَ الضِّيقُ ثانِيَةً.
10 W aayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.
مَعَ أنَّهُمْ مِثلُ شَوكٍ مُتَشابِكٍ، وَمِثلُ سُكارى بِالخَمرِ، فَسَتَلْتَهِمُهُمُ النّارُ كَقَشٍّ يابِسٍ.
11 W axaa kaa soo baxay mid Rabbiga wax shar ah u fikira, oo xumaato ku taliya.
سَيَخرُجُ مِنْكِ مَنْ يُخَطَّطُ بِالشَّرِّ عَلَى اللهِ. إنَّهُ لَمُشيرٌ دَنيءٌ!
12 R abbigu wuxuu leeyahay, In kastoo ay xoog badan yihiin oo weliba ay tiro badan yihiin, haddana iyaga waa la wada gooyn doonaa, oo isna wuu dhammaan doonaa. In kastoo aan idin dhibay, mar dambe idin dhibi maayo.
هَكَذا يَقُولُ اللهُ: «حَتَّى وَإنْ كانُوا أقوِياءَ وَكَثِيرِينَ، سَيَسقُطُونَ وَيَزُولُونَ. مَعَ أنَّنِي أذلَلْتُكِ، لَكِنِّي لَنْ أُذِلَّكِ ثانِيَةً.
13 O o haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.
وَالآنَ، سَأكسِرُ نِيرَكِ عَنْكِ، وَسَأنزَعُ سَلاسِلَكِ.»
14 O o Rabbigu wuxuu bixiyey amar kugu saabsan, si aan innaba mar dambe jirin farcan magacaaga sii wada. Guriga ilaahyadaada waxaan ka baabbi'in doonaa sanamka xardhan iyo sanamka la shubay, oo waxaan samayn doonaa qabrigaagii, waayo, waxaad tahay wax la fududaystay.
أصدَرَ اللهُ أمراً ضِدَّكَ يا مَلِكَ أشُّورَ: «لَنْ يَكُونَ لَكَ نَسلٌ بَعْدُ. سَأُزِيلُ كُلَّ صَنَمٍ وَتِمثالٍ مَسبُوكٍ مِنْ هَيكَلِكَ، وَسَأُجَهِّزُ قَبرَكَ، لِأنَّكَ حَقِيرٌ وَقَلِيلُ القِيمَةِ.»
15 B al eega kan warka wanaagsan keenaya oo nabadda faafinaya cagihiisa oo buuraha dul socda! Dadka Yahuudahow, iidihiinna dhawra, oo nidarradiinna oofiya, waayo, kii sharka ahaa mar dambe idinma soo dhex mari doono, waayo, isagii waa la wada baabbi'iyey.
هُناكَ رَسُولٌ عَلَى الجِبالِ يَحْمِلُ بِشارَةً، يُعلِنُ السَّلامَ. احتَفِلِي بِأعيادِكِ يا يَهُوذا. أوْفِي النُّذُورَ الَّتِي تَعَهَّدْتِ بِها إلَى اللهِ. لَنْ يجتاحَكِ الدَّنِيءُ مَرَّةً أُخْرَى، بَلْ سَيُهزَمُ تَماماً.