Sharciga Kunoqoshadiisa 11 ~ ﺍﻟﺘﺜﻨﻴﺔ 11

picture

1 H addaba sidaas daraaddeed waa inaad jeclaataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaad had iyo goor dhawrtaan waxa loo dhawri lahaa, iyo qaynuunnadiisa, iyo xukummadiisa iyo amarradiisaba.

«فَأحِبُّوا إلَهَكُمْ ، وَاحْفَظُوا أوامِرَهُ وَشَرائِعَهُ وَفَرائِضَهُ وَوَصاياهُ دائِماً.

2 O o bal idinku maanta ogaada, waayo, la hadli maayo carruurtiinnii aan aqoon oo aan arkin Rabbiga Ilaahiinna ah edbintiisa, iyo weynaantiisa, iyo gacantiisa xoogga badan, iyo cududdiisa fidsan,

وَافهَمُوا اليَومَ أنَّ كَلامِي هَذا لَيسَ لِأولادِكُمُ الَّذِينَ لَمْ يَعرِفُوا وَلَمْ يَرَوا تَأْدِيبَ إلَهِكُمْ وَعَظَمَتَهُ وَقُوَّتَهُ العَظِيمَةَ

3 i yo calaamooyinkiisa, iyo shuqulladiisii uu ku dhex sameeyey Masar oo uu ku sameeyey boqorkii Masar oo Fircoon ahaa iyo dalkiisii oo dhan,

وَآياتِهِ وَأعمالَهُ الَّتِي عَمِلَها فِي مِصْرَ بِفِرْعَونَ مَلِكِ مِصْرَ وَبِكُلِّ أرْضِها،

4 i yo wixii uu ku sameeyey ciidankii Masar, iyo fardahoodii, iyo gaadhifardoodkoodii, iyo siduu iyaga ugu qarqiyey biyihii Badda Cas markay idin eryadeen, iyo siduu Rabbigu iyagii u baabbi'iyey ilamaa maantadan la joogo,

وَما عَمِلَهُ بِجَيشِ مِصْرَ وَخُيُولِهِ وَمَركَباتِهِ، وَكَيفَ أنَّهُ جَعَلَ مِياهَ البَحرِ الأحمَرِ تَغْمُرُهُمْ وَهُمْ يُلاحِقُونَكُمْ، فَأهلَكَهُمْ اللهُ تَماماً إلَى هَذا اليَومِ،

5 i yo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad meeshan timaadeen,

وَما عَمِلَهُ لَكُمْ فِي الصَّحراءِ إلَى أنْ أتَيتُمْ إلَى هَذا المَكانِ،

6 i yo wixii uu reer binu Israa'iil oo dhan dhexdooda kaga sameeyey Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab oo ahaa reer Ruubeen, iyo sidii ciiddu afkeeda u kala qaadday oo ay u liqday iyagii, iyo reerahoodii, iyo teendhooyinkoodii, iyo wax alla wixii noolaa oo iyaga raacay,

وَما عَمِلَهُ بَداثانَ وَأبِيرامَ ابْنَي ألِيآبَ الرَأُوبَيْنِيَّ، حِينَ فَتَحَتِ الأرْضُ فاها وَابتَلَعَتهُمْ مَعَ عائِلاتِهِمْ وَخِيامِهِمْ وَكُلِّ حَيوانٍ كانَ يَتبَعُهُمْ فِي وَسَطِ كُلِّ إسْرائِيلَ،

7 l aakiinse idinka indhihiinnu way arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu sameeyey oo dhan.

بَلْ كَلامِي هُوَ لَكُمْ أنتُمُ الَّذِينَ رَأيتُمْ كُلَّ الأعمالِ العَظِيمَةِ الَّتِي عَمِلَها اللهُ.

8 H addaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan si aad u xoogaysataan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,

«فاحفَظُوا كُلَّ الشَّرِيعَةِ الَّتِي أُعطِيها لَكُمُ اليَومَ، لِتَكُونُوا أقوِياءَ وَتَدخُلُوا لامتِلاكِ الأرْضِ الَّتِي أنتُمْ عابِرُونَ نَهرَ الأُردُنِّ إلَيها،

9 i yo in cimrigiinnu ku dheeraado dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin inuu siinayo iyaga iyo farcankooda, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

وَلِكَي تَحيَوا طَوِيلاً عَلَى الأرْضِ الَّتِي أقسَمَ اللهُ لآبائِكُمْ بِأنْ يُعطِيَها لَهُمْ وَلِأحفادِهِمْ، أرْضاً تَفيضُ لَبَناً وَعَسَلاً.

10 M axaa yeelay, dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan ma aha sidii dalkii Masar oo aad ka soo baxdeen ee aad abuurkiinna ku abuurteen oo aad cagihiinna ku waraabiseen sidii beer khudaareed,

لِأنَّ الأرْضَ الَّتِي سَتَدخُلُونَ لامتَلاكِها لَيسَتْ كَأرْضِ مِصْرَ الَّتِي تَرَكْتُمُوها، حَيثُ كُنتُمْ فِي مِصْرَ تَزرَعُونَ البُذُورَ وَتَروُونَها بِأرجُلِكُمْ كَبُستانِ خَضراواتٍ.

11 l aakiinse dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan waa dal leh buuro iyo dooxooyin, oo wuxuu biyaha ka cabbaa roobka samada,

لَكِنَّ الأرْضَ الَّتِي سَتَعبُرُونَ النَّهرَ لامتِلاكِها أرْضُ جِبالٍ وَأودِيَةٍ، تُروَى بِمَطَرِ السَّماءِ.

12 o o waa dal Rabbiga Ilaahiinna ahu uu xannaaneeyo, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah indhihiisa ayaa fiiriya tan iyo sannadda bilowgeeda iyo xataa sannadda dabaadigeeda.

أرْضٌ يَعتَنِي بِها إلَهُكُمْ. عَينا إلَهِكُمْ عَلَيها دائِماً، مِنْ بِدايَةِ السَّنَةِ إلَى نِهايَتِها.

13 O o haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,

«فَإنْ أطَعتُمْ بِحِرصٍ وَصايايَ الَّتِي أُوصِيكُمْ بِها اليَومَ، وَأحبَبْتُمْ اللهَ وَخَدَمْتُمُوهُ بِكُلِّ قُلٌوبِكِمْ وَبِكُلِّ نُفُوسِكُمْ،

14 d e markaas dalkiinna roobka waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna.

فَإنِّي سَأُعْطِي مَطَراً لِأرْضِكُمْ فِي الوَقتِ المُناسِبِ. وَسَأُعْطِي لَها مَطَرَ الخَرِيفِ وَمَطَرَ الرَّبِيعِ. وَسَتَجمَعُونَ قَمحَكُمْ وَنَبيذَكُمُ الجَدِيدَ وَزَيتَكُمْ.

15 O o berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.

وَسَيُنبِتُ عُشْباً فِي حُقُولِكُمْ لِحَيواناتِكُمْ، وَسَيَكُونُ لَدَيكُمْ طَعامٌ وَفِيرٌ.

16 H addaba digtoonaada, waaba intaasoo uu qalbigiinnu idin khiyaaneeyaa, oo aad gees u leexataan oo ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

«لَكِنِ احْرِصُوا عَلَى أنْ لا يَخدَعَكُمْ أحَدٌ، فَتَبتَعِدُوا وَتَعبُدُوا آلِهَةً أُخْرَى وَتَسجُدُوا لَها.

17 o o markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo.

إذْ سَيَغضَبُ اللهُ عَلَيكُمْ، وَسَيُغلِقُ السَّماءَ فَلا يَكُونُ هُناكَ مَطَرٌ، وَلَنْ تُنبِتَ الأرْضُ مَحاصِيلَها، وَسَتَمُوتُونَ سَرِيعاً فِي الأرْضِ الجَيِّدَةِ الَّتِي يُعطِيها اللهُ لَكُمْ.

18 H addaba erayadaydan waa inaad gelisaan qalbigiinna iyo naftiinna, oo waa inaad calaamad ahaan gacanta ugu xidhataan, waxayna idiin ahaan doonaan wax indhihiinna dhexdooda ka laalaada.

«فَضَعُوا كَلِماتِي فِي قُلُوبِكُمْ وَفِي نُفُوسِكُمْ. اربُطُوها عَلَى أيدِيكُمْ كَعَلامَةٍ لِتَذكِيرِكُمْ، وَاعْصِبُوا بِها جِباهَكُمْ.

19 O o waa inaad iyaga carruurtiinna bartaan, idinkoo ku sheekaysta markaad gurigiinna dhex fadhidaan, iyo markaad jidka martaan, iyo markaad jiiftaan, iyo markaad sara joogtaanba.

عَلِّمُوها لِأولادِكُمْ وَتَكَلَّمُوا بِها حِينَ تَجلِسُونَ فِي بُيُوتِكُمْ، وَحِينَ تَسِيرُونَ فِي الطَّرِيقِ، وَحِينَ تَنامُونَ، وَحِينَ تَقُومُونَ.

20 O o waa inaad iyaga ku qortaan tiirarka albaabka gurigiinna iyo irdihiinnaba,

اكتُبُوها عَلَى قَوائِمِ بُيُوتِكُمْ وَبَوّاباتِ مُدُنِكُمْ،

21 i n cimrigiinna iyo cimriga carruurtiinnuba uu dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin ugu dheeraado sida cimriga samooyinka dhulka ka sarreeya.

لِكَي تَحيَوا أنتُمْ وَأولادَكُمْ زَمَناً طَوِيلاً عَلَى الأرْضِ الَّتِي أقسَمَ اللهُ لآبائِكُمْ بِأنْ يُعطِيَها لَهُمْ، ما دامَتِ السَّماءُ فَوقَ الأرْضِ.

22 M axaa yeelay, haddaad aad u xajisaan kulli amarkan aan idinku amrayo oo dhan inaad yeeshaan, kaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga ku hadhaan,

«إنْ حَفِظْتُمْ كُلَّ هَذِهِ الشَّرِيعَةِ الَّتِي أُوصِيكُمْ بِها لِتَعمَلُوها بِحِرصٍ، وَأحبَبتُمْ إلَهَكُمْ ، وَعِشتُمْ بِحَسَبِ كَلامِهِ، وَبَقَيتُمْ أُمَناءَ لَهُ،

23 m arkaasuu Rabbigu hortiinna ka wada eryi doonaa quruumahaas oo dhan, oo waxaad hantiyi doontaan quruumo idinka badan oo idinka xoog weyn.

فَإنَّ اللهَ سَيَطرُدُ جَمِيعَ هَذِهِ الأُمَمِ مِنْ أمامِكُمْ. فَتَطْرُدُونَ أُمَماً أعظَمَ وَأقوَى مِنكُمْ وَتَمْتَلِكُونَ أرْضَهُمْ.

24 O o meel kasta oo aad cagta dhigtaanba idinkaa iska yeelan doona, tan iyo cidlada iyo ilaa Lubnaan iyo ilaa webiga, kaasoo ah Webi Yufraad, iyo xataa ilaa badda galbeed.

كُلُّ مَكانٍ تَسِيرُ عَلَيهِ أقدامُكُمْ يَكُونُ لَكُمْ. فَيَكُونُ امتِدادُ أرْضِكُمْ مِنَ الصَّحراءِ جَنُوباً إلَى لُبنانَ شَمالاً، وَمِنْ نَهرِ الفُراتِ شَرقاً إلَى البَحرِ الغَربِيِّ.

25 O o ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.

وَلَنْ يَستَطِيعَ أحَدٌ أنْ يَقِفَ ضِدَّكُمْ، لِأنَّ إلَهَكُمْ سَيَجعَلُ النّاسَ يَخافُونَكُمْ فِي كُلِّ الأرْضِ حَيثُما ذَهَبتُمْ، كَما وَعَدَكُمْ. البَرَكَةُ وَاللَّعنَة

26 B al eega, maanta waxaan idin hor dhigayaa barako iyo habaar,

«سَأُعطِيكُمُ اليَومَ أنْ تَختارُوا بَينَ البَرَكَةِ وَاللَّعنَةِ.

27 b arakada waxaad helaysaan haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo,

البَرَكَةُ لَكُمْ إنْ أطَعتُمْ وَصايا إلَهِكُمُ الَّتِي أُوصِيكُمْ بِها اليَومَ،

28 h abaarkuna wuxuu idinku dhacayaa haddaydnan dhegaysan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiin aad gees uga leexataan jidka aan maanta idinku amrayo, oo aad ilaahyo kale oo aydnan aqoon raacdaan.

وَاللَّعنَةُ لَكُمْ إنْ لَمْ تَطِيعُوا وَصايا إلَهِكُمْ وَلَمْ تَعِيشُوا بِحَسَبِ ما أُوصِيكُمْ بِهِ اليَومَ، بِسَيرِكُمْ وَراءَ آلِهَةٍ أُخْرَى لَمْ تَعرِفُوها مِنْ قَبلُ.

29 O o markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan, barakada waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Gerisiim, habaarkana waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Ceebaal.

«فَعِندَما يُدْخِلُكُمْ إلَهُكُمُ إلَى الأرْضِ لِتَمتَلِكُوها، أعلِنُوا البَرَكَةَ مِنْ فَوْقِ جَبَلِ جِرِزِّيمَ، وَاللَّعنَةَ مِنْ فَوْقِ جَبَلِ عيبالَ،

30 W ar sow iyagu kama shisheeyaan Webi Urdun xagga jidka dambe oo qorrax-u-dhaca, oo ah dalka reer Kancaanka Caraabaah deggan, oo ka soo hor jeedda Gilgaal, oo ku dhinac yaal geedaha Moreh?

الجَبَلينِ اللَّذَينِ عَلَى الضِّفَّةِ الغَربِيَّةِ لِنَهرِ الأُردُنِّ، فِي أرْضِ الكَنعانِيِّينَ السّاكِنِينَ وادِي الأردُنِّ قُربَ مَدِينَةِ الجِلجالِ، بِجانِبِ شَجَرَةِ البَلُّوطِ فِي مُورَةَ.

31 W aayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan.

فَسَتَعبُرُونَ نَهرَ الأُردُنِّ لِتَدخُلُوا وَتَمتَلِكُوا الأرْضَ الَّتِي سَيُعطِيها إلهُكُمْ لَكُمْ. وَحِينَ تَمتَلِكُونَها وَتَسكُنُونَ فِيها،

32 O o waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.

أطِيعُوا جَمِيعَ الشَّرائِعِ وَالفَرائِضِ الَّتِي أُعطِيها لَكُمْ.