1 Butros 4 ~ ﺑﻄﺮﺱ ﺍﻻﻭﻝ 4

picture

1 M ar haddii Masiixu jidhka ku xanuunsaday, idinkuna sidaas oo kale isu diyaariya, idinkoo isku maan ah; maxaa yeelay, kii jidhka ku xanuunsaday waa ka joogsaday dembiga,

فَما دامَ المَسِيحُ قَدْ تَألَّمَ بِجَسَدِهِ، تَسَلَّحُوا أَنتُمْ أيضاً بِهَذا الفِكْرِ. لِأنَّ مَنْ يَتَألَّمُ بِالجَسَدِ، يَتَوَقَّفُ عَنِ العَيشِ فِي الخَطِيَّةِ،

2 s i wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah.

وَلا يَعُودُ يُكَرِّسُ بَقِيَّةَ حَياتِهِ الأرْضِيَّةِ لِلشَّهَواتِ البَشَرِيَّةِ، بَلْ لِتَنفِيذِ إرادَةِ اللهِ.

3 W aayo, waxaa idinku filan wakhtigii hore oo aad doonistii dadka aan Ilaah aaminin samayn jirteen, markii aad ku socon jirteen nejisnimo, iyo damacyadii jidhka, iyo sakhraannimo, iyo rabshad, iyo khamricabbid, iyo sanamcaabudid xaaraan ah.

فَكَفاكُمْ ما قَضَيتُمْ مِنْ وَقْتٍ فِي الماضِي وَأنتُمْ تَفعَلُونَ ما يُريدُهُ غَيرُ المُؤْمِنِينَ، إذِ انغَمَسْتُمْ فِي كُلِّ أنواعِ الخَطايا الجِنسِيَّةِ وَالشَّهَواتِ وَالسُّكْرِ وَالخَلاعَةِ وَاللَهوِ المُنحَرِفِ وَعِبادَةِ الأصنامِ البَغِيضَةِ.

4 O o markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.

وَهُمْ يَستَغرِبُونَ الآنَ أنَّكُمْ لا تُجارُونَهُمْ فِي تَيّارِ انحِلالِهِمْ هَذا، فَيَفتَرُونَ عَلَيكُمْ.

5 I yagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.

لَكِنَّ المَسِيحَ المُستَعِدَّ لإدانَةِ الأحياءِ وَالأمواتِ، سَيُحاسِبُهُمْ عِنْدَ مَجِيئِهِ.

6 W aayo, taas aawadeed injiilka waxaa lagu wacdiyey xataa kuwii dhintay in iyaga jidhka lagu xukumo sida dadka, laakiinse ay ruuxa ku noolaadaan sida Ilaah.

فَمِنَ الأمواتِ الآنَ مَنْ كانُوا قَدْ بُشِّروا سابِقاً، فَأدانَهُمُ النّاسُ أثناءَ حَياتِهِمْ. لَكِنَّ اللهَ كانَ يُريدُ أنْ تَكونَ لَهُمْ حَياةٌ بِالرٌّوحِ. وُكَلاءٌ صالِحون

7 H addaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada.

لَقَدِ اقتَرَبَ زَمَنُ نِهايَةِ كُلِّ شَيءٍ. فَكُونُوا مُتَعَقِّلِينَ وَاضْبُطُوا أنفُسَكُمْ، فَهَذا يُفِيدُكُمْ فِي صَلَواتِكُمْ.

8 W ax walba hortood idinku aad isu jeclaada, maxaa yeelay, jacaylku wuxuu qariyaa dembiyo faro badan.

وَفَوقَ كُلِّ شَيءٍ، لِتَكُنْ مَحَبَّتُكُمْ بَعضُكُمْ لِبَعْضٍ ثابِتَةً، لِأنَّ المَحَبَّةَ تَغفِرُ خَطايا كَثِيرَةً.

9 I smartiqaada gunuunacla'aan.

افتَحُوا بُيُوتَكُمْ بَعضُكُمْ لِبَعضٍ دُونَ تَذَمُّرٍ.

10 S ida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah.

وَليَستَخدِمْ كُلُّ واحِدٍ مِنْكُمُ المَوهِبَةَ الَّتِي نالَها مِنَ اللهِ فِي خِدمَةِ الآخَرينَ، كَوُكَلاءَ صالِحِينَ عَلَى نِعمَةِ اللهِ بِأشكالِها المُتُنَوِّعَةِ.

11 H addii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin. Masiixiyiintu Waa Inay Ku Farxaan Xanuunka Ay Masiixa U Xanuunsadaan

مَنْ يَتَكَلَّمُ، فَليَتَكَلَّمْ بِكَلامِ اللهِ، وَمَنْ يَخدِمُ، فَلْيَخدِمْ بِالقُوَّةِ الَّتِي يُعطيها لَهُ اللهُ. وَهَكَذا يُعطَى المَجدُ فِي كُلِّ شَيءٍ للهِ، بِيَسُوعَ المَسِيحِ. لَهُ المَجدُ وَالقُوَّةُ إلَى أبَدِ الآبِدِينَ. آمِين. ألَمُ المُؤمِن

12 G acaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi.

لا تَستَغرِبُوا أيُّها الأحِبّاءُ، المِحَنَ الشَّدِيدَةَ الحاصِلَةَ بَينَكُمْ، وَالَّتي تَهدِفُ إلَى امتِحانِكُمْ. فَلا تَنظُرُوا إلَيها كَشَيءٍ غَرِيبٍ يَحدُثُ لَكُمْ،

13 L aakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo.

بَلِ افرَحُوا لِأنَّكُمْ تَشتَرِكُونَ الآنَ فِي آلامِ المَسِيحِ، لِكَي تَفيضوا فَرَحاً عِندَما يَظهَرُ مَجدُ المَسيحِ.

14 H addii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah.

فَهَنِيئاً لَكُمْ إنْ كُنْتُمْ تُهانُونَ مِنْ أجلِ اسْمِ المَسيحِ، لِأنَّ الرُّوحَ المَجِيدَ، رُوحَ اللهِ، يَحِلُّ عَلَيكُمْ.

15 H addaba midkiinna yuusan u xanuunsan sida isagoo ah gacankudhiigle, ama tuug, ama sharfale, ama mid faraggeliya axwaasha dadka kale.

فَلا يَتَألَّمْ أحَدُكُمْ لأنَّهُ قاتِلٌ أوْ فاعِلُ شَرٍّ، أوْ حَتَّى مُتَدَخِّلٌ فِي ما لا يَعنِيهِ.

16 L aakiin haddii nin u xanuunsado sida isagoo Masiixi ah, yaanu ceebsan, laakiinse Ilaah ha ku ammaano magacan.

لَكِنْ، إذا تَألَّمَ لِكَونِهِ مَسِيحِيّاً، فَلا مُوجِبَ لِخَجَلِهِ. بَلْ لِيُمَجِّدِ اللهَ لِأنَّهُ يَحمِلُ اسْمَ المَسِيحِ.

17 W aayo, waxaa la gaadhay wakhtigii dadka Ilaah xukunka laga bilaabi lahaa, oo haddii innaga marka hore laynaga bilaabo, kuwa aan injiilka Ilaah addeecin muxuu aakhirkoodu ahaan doonaa?

فَقَدْ حانَ وَقْتُ القَضاءِ الإلَهيِّ بَدءاً بِعائِلَةِ اللهِ. فِإنْ كانَ يَبدَأُ بِنا، فَكَيفَ سَتَكُونُ نِهايَةُ الَّذِينَ لا يُطيعونَ بِشارَةَ اللهِ؟

18 H addaba haddii kan xaqa ahu si dhib leh ku badbaado, xaggee bay ka muuqan doonaan cibaadalaawaha iyo dembiluhu?

«فَإنْ كانَ الإنسانُ الصّالِحُ بِالكادِ يَخلُصُ، فَماذا سَيَحِلُّ بِالفاجِرِ وَالخاطِئِ؟»

19 S idaas daraaddeed kuwa doonista Ilaah u xanuunsada, iyagoo samafalaya, naftooda ammaano ha ugu dhiibeen Abuuraha aaminka ah.

إذاً فَلْيَضَعِ الَّذِينَ يُعانُونَ بِحَسَبِ مَشِيئَةِ اللهِ حَياتَهُمْ وَديعَةً لَدَى خالِقِهِمُ الأمينِ، وَلْيُواصِلوا عَمَلَ الخَيرِ.