Falimaha Rasuullada 4 ~ ﺍﻋﻤﺎﻝ ﺍﻟﺮﺳﻞ 4

picture

1 I ntay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen,

وَبَينَما بُطرُسُ وَيُوحَنّا يَتَحَدَّثانِ إلَى النّاسِ، تَقَدَّمَ إلَيهِما الكَهَنَةُ وَرَئِيسُ حَرَسِ الهَيكَلِ وَالصَّدُوقِيُّونَ.

2 i yagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay.

فَقَدِ انزَعَجُوا لِأنَّ بُطرُسَ وَيُوحَنّا كانا يُعَلِّمانِ وَيُنادِيانِ بِأنَّ هُناكَ قِيامَةً مِنَ المَوتِ مِنْ خِلالِ يَسُوعَ.

3 M arkaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd.

فَقَبَضُوا عَلَيهِما وَحَجَزُوهُما حَتَّى اليَومِ التّالِي، لأنَّ المَساءَ كانَ قَدْ حَلَّ.

4 L aakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay abbaaraha shan kun.

غَيرَ أنَّ كَثِيرِينَ مِنَ الَّذِينَ سَمِعُوا الرِّسالَةَ آمَنُوا، فَوَصَلَ عَدَدُ الرِّجالِ الْمُؤمِنينَ إلَى خَمسَةِ آلافٍ.

5 M arkaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen;

وَفِي اليَومِ التّالِي اجتَمَعَ قادَةُ اليَهودِ وَشُيُوخُهُمْ وَمُعَلِّمُو الشَّرِيعَةِ فِي مَدينَةِ القُدسِ.

6 w axaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd.

كَما كانَ هُناكَ حَنّانُ رَئيسُ الكَهَنَةِ، وَقَيافا، وَيُوحَنّا، وَالإسكَندَرُ، وَكُلُّ الَّذِينَ يَنتَمُونَ إلَى عائِلَةِ رَئِيسِ الكَهَنَةِ.

7 O o intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

فَأحضَرُوا الرَّسُولَينِ أمامَهُما وَبَدَأُوا يَستَجوِبُونَهُما: «بِأيَّةِ قُوَّةٍ وَبِأيِّ سُلْطانٍ فَعَلْتُمْ هَذا؟»

8 M arkaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

فَقالَ لَهُمْ بُطرُسُ وَهُوَ مُمتَلِئٌ مِنَ الرُّوحِ القُدُسِ: «يا قادَةَ الشَّعبِ وَالشُّيُوخِ،

9 h addii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,

هَلْ تُحَقِّقُونَ مَعَنا اليَومَ بِشَأْنِ عَمَلٍ صالِحٍ قُمنا بِهِ نَحوَ إنسانٍ مُقعَدٍ، وَتَسألُونَنا كَيفَ شُفِيَ؟

10 d hammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.

إذاً فَلتَعلَمُوا جَمِيعُكُمْ وَجَمِيعُ بَنيْ إسرائِيلَ أنَّنا فَعَلنا ذَلِكَ بِاسْمِ يَسُوعَ المَسِيحِ النّاصِرِيِّ الَّذِي صَلَبتُمُوهُ أنْتُمْ، وَقَدْ أقامَهُ اللهُ مِنَ المَوتِ. فَباسمِهِ يَقِفُ هَذا الرَّجُلُ أمامَكُمْ مُعافَىً تَماماً.

11 I sagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka.

فَهُوَ ‹الحَجَرُ الَّذِي رَفَضْتُمُوهُ أيُّها البَنّاؤُونَ، وَالَّذِي صارَ حَجَرَ الأساسِ.›

12 M id kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.

وَما مِنْ خَلاصٍ بِأحَدٍ غَيرِهِ. فَما مِنِ اسْمٍ تَحتَ السَّماءِ أعْطاهُ اللهُ لَنا لِكَي نَخلُصَ بِهِ سِوَى اسْمِ يَسوعَ.»

13 M arkay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.

فَلَمّا رَأَوْا جَسارَةَ بُطرُسَ وَيُوحَنّا، وَأدرَكُوا أنَّهُما غَيرُ مُتَعَلِّمِينَ وَمِنْ عامَّةِ الشَّعبِ، ذُهِلُوا. ثُمَّ أدرَكُوا أنَّهُما كانا مَعَ يَسُوعَ.

14 M arkay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.

وَبِما أنَّهُمْ رَأَوْا الرَّجُلَ الَّذِي شُفِيَ واقِفاً هُناكَ مَعَهُما، لَمْ يَكُنْ لَدَيهِمْ شَيءٌ يَقُولُونَهُ ضِدَّهُما.

15 L aakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,

فَأمَرُوهُما بِأنْ يُغادِرا المَجمَعَ. ثُمَّ تَشاوَرُوا فِيما بَينَهُمْ وَقالوا:

16 M axaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

«ماذا سَنَفعَلُ بِهَذَينِ الرَّجُلَينِ؟ فَإنَّهُ وَاضِحٌ لِكُلِّ شَخصٍ فِي مَدينَةِ القُدسِ أنَّ مُعجِزَةً قَدْ جَرَتْ بِواسِطَتِهِما، وَلا يُمكِنُنا أنْ نُنكِرَ ذَلِكَ.

17 L aakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin.

لَكِنَّنا نُرِيدُ أنْ نَمنَعَ هَذا الخَبَرَ مِنَ الانتِشارِ أكثَرَ بَينَ النّاسِ. وَلِهَذا فَلنُحَذِّرْهُما ألّا يُكَلِّما أحَداً فِيما بَعْدُ بِهَذا الاسمِ.»

18 M arkaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin.

فَاسْتَدعُوهُما وَأمَرُوهُما بِأنْ لا يَقُولا أوْ يُعَلِّما شَيئاً عَنِ اسْمِ يَسُوعَ.

19 L aakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;

لَكِنَّ بُطرُسَ وَيُوحَنّا قالا: «احكُمُوا أنتُمْ إنْ كانَ صَواباً لَدَى اللهِ أنْ نَسمَعَ لَكُمْ بَدَلاً مِنْ أنْ نَسمَعَ للهِ.

20 w aayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.

أمّا نَحنُ فَلا نَستَطِيعُ إلّا أنْ نَتَكَلَّمَ بِما رَأيناهُ وَسَمِعناهُ.»

21 M arkaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

وَبَعدَ مَزِيدٍ مِنَ التَّهدِيدِ أخلُوا سَبِيلَهُما. وَلَمْ يَجِدُوا سَبِيلاً لِمُعاقَبَتِهِما، لِأنَّ كُلَّ النّاسِ كانُوا يُسَبِّحُونَ اللهَ عَلَى ما حَدَثَ.

22 W aayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood. Butros Iyo Yooxanaa Waxay Ku Noqdeen Saaxiibbadood

فَقَدْ جاوَزَ الرَّجُلُ الَّذِي جَرَتْ لَهُ المُعجِزَةُ الأربَعِينَ عاماً. عَودَةُ بُطرُسَ وَيُوحَنّا إلَى المُؤمِنِين

23 M arkii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan.

وَعِندَما أُطلِقَ سَراحُهُما، جاءا إلَى جَماعَتِهِما، وَأخبَراهُمْ بِكُلِّ ما قالَهُ لَهُما كِبارُ الكَهَنَةِ وَالشُّيُوخِ.

24 O o markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan;

فَلَمّا سَمِعَ المُؤمِنُونَ هَذا، رَفَعُوا كُلُّهُمْ مَعاً أصواتَهُمْ إلَى اللهِ وَقالُوا: «أيُّها السَّيِّدُ، أنتَ صَنَعتَ السَّماءَ وَالأرْضَ وَالبَحرَ وَكُلَّ شَيءٍ فِيها.

25 k ii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi, Quruumuhu maxay u cadhoodeen, Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn?

«وَأنتَ قُلْتَ بِالرُّوحِ القُدُسِ عَلَى لِسانِ أبِينا داوُدَ: ‹لِماذا اشتَعَلَ غَضَبُ الأُمَمِ، وَلِماذا تَتَآمَرُ الشُّعُوبُ عَبَثاً؟

26 B oqorrada dhulku col bay u taagnaayeen. Taliyayaashuna intay is-urursadeen Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa;

أعَدَّ مُلُوكُ الأرْضِ أنفُسَهُمْ لِلمَعرَكَةِ. وَاجتَمَعَ الحُكّامُ مَعاً عَلَى الرَّبِّ وَعَلَى مَسِيحِهِ.›

27 w aayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen,

وَقَدِ اجتَمَعَ بِالفِعلِ هِيرُودُسُ وَبُنطيُوسُ بِيلاطُسُ مَعاً فِي هَذِهِ المَدِينَةِ مَعَ اليَهودِ وَغَيرِهِمْ مِنَ الأُمَمِ عَلَى فَتاكَ القُدُّوسِ يَسُوعَ الَّذِي مَسَحتَهُ،

28 i nay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan.

لِكَي يُتَمِّمُوا كُلَّ ما سَبَقَ أنْ قَضَيتَ بِهِ بِقُوَّتِكَ وَإرادَتِكَ.

29 L aakiin Rabbiyow, eeg, way na cabsiinayaane; haddaba addoommadaada sii dhiirranaan oo dhan oo ay ereygaaga ku sheegaan,

وَالآنَ يا رَبُّ، انظُرْ إلَى تَهدِيداتِهِمْ، وَمَكِّنْ عَبيدَكَ مِنَ التَّكَلُّمِ بِرِسالَتِكَ بِكُلِّ شَجاعَةٍ.

30 i ntii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise.

وَفِي أثناءَ ذَلِكَ، مُدَّ يَدَكَ لِلشِّفاءِ، وَاصْنَعْ مُعْجِزاتٍ وَعَجائِبَ بِاسْمِ فَتاكَ القُدُّوسِ يَسُوعَ.»

31 O o markay tukadeen dabadeed, meeshay ku urursanaayeen baa gariirtay; oo dhammaantood waxaa ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo ereygii Ilaah bay dhiirranaan ugu hadleen. Wax Waluba Xertii Bay Ka Dhexeeyeen

وَلَمّا فَرَغُوا مِنَ الصَّلاةِ، تَزَلزَلَ المَكانُ الَّذِي كانُوا يَجتَمِعُونَ فِيهِ، وَامتَلأُوا جَمِيعاً مِنَ الرُّوحِ القُدُسِ، وَاستَمَرُّوا يَتَكَلَّمونَ بِرِسالَةِ اللهِ بِجُرَأةٍ. تَشارُكُ المُؤمِنِين

32 O o intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen.

وَكانَ المُؤمِنُونَ جَمِيعاً مُتَّحِدِينَ فِي القَلبِ وَالنَّفسِ. وَلَمْ يَكُنْ أحَدٌ يَقُولُ إنَّ شَيئاً مِنْ مُمتَلَكاتِهِ لَهُ، بَلْ كانُوا يَتَشارَكُونَ فِي كُلِّ شَيءٍ يَملِكُونَهُ.

33 O o rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay.

وَكانَ الرُّسُلُ يَشهَدُونَ بِقُوَّةٍ عَظِيمَةٍ عَنْ قِيامَةِ الرَّبِّ يَسُوعَ. وَكانَتْ بَرَكَةٌ عَظِيمَةٌ مِنَ اللهِ عَلَيهِمْ جَمِيعاً.

34 M id wax la'aana iyaga kuma jirin, waayo, in alla intii dhul ama guryo lahayd way iibiyeen, oo qiimihii wixii la iibiyey ayay keeneen,

وَلَمْ يَكُنْ أحَدٌ مِنْهُمْ مُحتاجاً. فَكُلُّ الَّذِينَ كانَ لَدَيهِمْ حُقُولٌ أوْ بُيُوتٌ، كانُوا يَبِيعُونَها،

35 o o rasuullada soo hor dhigeen; oo waxaa wax loo qaybshay mid kasta siduu wax ugu baahnaa.

وَيُسَلِّمُونَ ثَمَنَها إلَى الرُّسُلِ، فَيُوَزَّعَ المالُ عَلَى الجَمِيعِ حَسَبَ احتِياجِ كُلِّ واحِدٍ.

36 M arkaasaa Yuusuf oo rasuulladu ugu yeedhi jireen Barnabas, kan lagu micneeyey Wiilkii dhiirigelinta, oo qoladiisu Laawi ahayd oo reer Qubrus u dhashay,

فَمَثَلاً يُوسُفُ الَّذِي كانَ الرُّسُلُ يَدعُونَهُ بَرنابا، وَيَعْني اسْمُهُ ابنَ التَّشجِيعِ، وَكانَ لاوِيّاً مَولُوداً فِي قُبرُصَ،

37 i ntuu beer uu lahaa iibshay ayuu lacagtii keenay oo soo hor dhigay rasuullada.

باعَ حَقلاً، وَأحضَرَ المالَ وَسَلَّمَهُ إلَى الرُّسُلِ.