Yashuuca 17 ~ ﻳﺸﻮﻉ 17

picture

1 O o intanuna waxay ahayd qaybtii qabiilka reer Manaseh, waayo, isagu wuxuu ahaa curadkii Yuusuf. Maakiir oo ahaa curadkii Manaseh oo aabbe u ahaa Gilecaad, wuxuu helay Gilecaad iyo Baashaan, maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa dagaalyahan.

وَتَمَّ تَحدِيدُ أرْضِ قَبِيلَةِ مَنَسَّى، بِكْرِ يُوسُفَ، بِالقُرعَةِ. فَقَدْ أُعطِيَتْ جِلعادُ وَباشانُ لِنسلِ ماكِيرَ بِكْرِ مَنَسَّى، وَأبِي جِلعادَ، لِأنَّهُ كانَ مُحارِباً شَدِيداً.

2 O o reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen.

أمَّا باقِي شَعبِ مَنَسَّى، الذي أُعْطِيَ حِصَّةً من الأرْض، فأَخَذُوا بِحَسَبِ عَشائِرِهِمْ، لِنَسلِ أبِيعَزَرَ وَحالَقَ وَأسْرِيئِيلَ وَشَكَمَ وَحافَرَ وَشَمِيداعَ. فَهَؤُلاءِ هُمُ الأبناءُ الذُّكُورُ لِمَنَسَّى بْنِ يُوسُفَ بِحَسَبِ عَشائِرِهِمْ.

3 L aakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah.

وَلَمْ يَكُنْ لِصَلُفْحادَ بْنِ حافَرَ بْنِ جِلعادَ بْنِ ماكِيرَ بْنِ مَنَسِّى أولادٌ ذُكُورٌ، فَقَدْ كانَ لَهُ بَناتٌ فَقَطْ. وَهَذَهِ هِيَ أسماءُ بَناتِهِ: مَحلَةُ وَنَوْعَةُ وَحُجلَةُ وَمِلْكَةُ وَتِرْصَةُ.

4 O o waxay u dhowaadeen wadaadkii la odhan jiray Elecaasaar, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo amiirradii, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu Muuse ku amray inuu walaalahayo dhexdooda dhaxal naga siiyo. Oo sidaas daraaddeed amarkii Rabbiga aawadiis ayuu Yashuuca dhaxal ku siiyey walaalihii aabbahood dhexdooda.

فَأتَينَ إلَى ألِعازَرَ الكاهِنِ وَيَشُوعَ بْنِ نُونَ وَالقادَةِ وَقُلْنَ: «أمَرَ اللهُ مُوسَى بِأنْ يُعطِيَنا مِيراثاً فِي وَسَطِ أقرِبائِنا الذُّكُورِ.» فَأعطاهُنَّ مِيراثاً مَعَ أعْمامِهِنَّ، كَما أمَرَ اللهُ.

5 O o reer Manaseh waxaa ku soo hagaagay toban meelood oo aan ahayn dalkii Gilecaad iyo Baashaan oo Webi Urdun ka shishaysa;

فَنالَتْ قَبِيلَةُ مَنَسَّى عَشْرَ حِصَصٍ مِنَ الأرْضِ بِالإضافَةِ إلَى أرْضِ جِلْعادَ وَباشانَ فِي الجِهَةِ الشَّرقِيَّةِ مِنْ نَهرِ الأُردُنِّ،

6 m axaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.

لِأنَّ بَناتَ مَنَسَّى أخَذْنَ مِيراثاً مَعَ أبنائِهِ الذُّكُورِ. وَكانَتْ أرْضُ جِلعادَ لِبَقِيَّةِ نَسلِ مَنَسَّى.

7 O o soohdintii reer Manasehna waxay ahayd ilaa Aasheer iyo tan iyo Mikmetaah, taasoo ku hor taal Shekem, oo soohdintu waxay ka baxday xagga midigta, iyo ilaa dadkii degganaa Ceyn Tafuu'ax.

وَيَمتَدُّ حَدُّ مَنَسَّى مِنْ أشِيرَ إلَى مَكْمَتَةَ الَّتِي تَقَعُ مُقابِلَ شَكِيمَ. ثُمَّ يَتَّجِهُ إلَى الجَنُوبِ إلَى سُكّانِ عَينِ تَفُّوحَ.

8 O o dalkii Tafuu'axna waxaa iska lahaa reer Manaseh; laakiinse Tafuu'ax tii ku tiil soohdinta waxaa iska lahaa reer Efrayim.

وَكانَتْ أرْضُ تَفُّوحَ لِمَنَسَّى. وَأمّا مَدِينَةُ تَفُّوحَ الَّتِي عَلَى حُدُودِ أرْضِ مَنَسَّى فَكانَتْ لِقَبِيلَةِ أفْرايِمَ.

9 O o soohdintu waxay u baxday durdurkii Qaanaah, oo durdurka xagga koonfureed ka ahaa. Magaalooyinkaas ku dhex yiil magaalooyinkii reer Manaseh waxaa lahaa reer Efrayim. Soohdintii Efrayimna waxay ahayd durdurka xaggiisa woqooyi, oo waxaa soohdintii dhammaadkeedu ahaa badda.

ثُمَّ يَنزِلُ الحَدُّ إلَى وادِي قانَةَ. وَكانَتِ المُدُنُ الواقِعَةُ إلَى الجَنُوبِ مِنَ الوادِي فِي وَسَطِ مُدُنِ المَنَسِّيِّينَ لِأفرايِمَ، وَلَكِنَّ حُدُودَ مَنَسَّى كانَتْ شَمالِ الوادِي، وَقَدِ انتَهَتْ عِندَ البَحْرِ.

10 D hanka koonfureed waxaa lahaa reer Efrayim, dhanka woqooyina waxaa lahaa reer Manaseh, oo badduna waxay ahayd soohdintiisa, oo waxay gaadheen ilaa reer Aasheer oo woqooyi jira, iyo tan iyo reer Isaakaar oo ku yaal xagga bari.

الأرْضُ الَّتِي فِي الجَنُوبِ كانَتْ لِأفرايِمَ، وَالأرْضُ الَّتِي فِي الشَّمالِ كانَتْ لِمَنَسَّى. وَكانَ البَحرُ هُوَ حَدُّ مَنَسَّى الغَربِيُّ، وَقَدْ وَصَلَ حَدُّهُمْ إلَى أشِيرَ فِي الشَّمالِ وَإلَى يَسّاكَرَ فِي الشَّرقِ.

11 O o reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd.

وَفِي داخِلَ أرْضِ أشِيرَ وَيَسّاكَرَ كانَ لِمَنَسَّى المُدُنُ التّالِيَةُ: بَيتُ شانَ وَيَبلَعامُ وَقُراهُما، وَسُكّانُ دُورَ وَعْينُ دُورَ وَتَعْنَكَ وَمَجِدُّو وَقُراها جَمِيعاً، وَكَذَلِكَ التِّلالُ الثَّلاثَةُ.

12 L aakiin reer Manaseh ma ay eryi karin dadkii degganaa magaalooyinkaas; reer Kancaanse waxay doonayeen inay dalkaas sii degganaadaan.

وَلَمْ يَتَمَكَّنْ شَعبُ مَنَسَّى مِنَ امتِلاكِ هَذَهِ المُدُنِ، فَبَقِيَ الكَنعانِيُّونَ ساكِنَينَ فِي هَذِهِ الأرْضِ.

13 O o markii reer binu Israa'iil aad u xoogaysteen ayay hawl saareen reer Kancaan, oo ma ay wada eryin.

وَحِينَ قَوِيَ بَنُو إسْرائِيلَ، أجبَرُوا الكَنعانِيِّينَ عَلَى العَمَلِ كَعَبِيدٍ، لَكِنَّهُمْ لَمْ يَطرُدُوهُمْ تَماماً.

14 O o reerkii Yuusuf Yashuuca bay la hadleen, oo ku yidhaahdeen, Maxaad qayb keliya dhaxal noogu siisay? Maxaa yeelay, annagu waxaannu nahay dad badan, oo Rabbigu waa na barakeeyey ilaa haatan.

وَقالَتْ عَشِيرَةُ يُوسُفَ لِيَشُوعَ: «لِماذا أعطَيتَنا قُرْعَةً واحِدَةً وَحَصَّةً واحِدَةً مِيراثاً لَنا؟ إنَّنا شَعبٌ كَبِيرٌ لِأنَّ اللهَ بارَكَنا حَتَّى الآنَ.»

15 M arkaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad dad badan tihiin, haddaba kaca oo duudda taga, oo waxaad soo goosataan dalka reer Feris iyo kan reer Rafaa; maxaa yeelay, dalka buuraha leh oo reer Efrayim waa idinku cidhiidhi.

فَقالَ يَشُوعُ لَهُمْ: «إنْ كُنْتُمْ شَعباً كَبِيراً فاصعَدُوا إلَى الغابَةِ، وَاقطَعُوا الأشجارَ مِنها لِتُعِدُّوا لَكُمْ مَكاناً فِي أرْضِ الفِرِزِّيِّينَ وَالرَّفائِيِّينَ، لِأنَّ أرْضَ أفْرايِمَ الجَبَلِيَّةَ صَغِيرَةٌ عَلَيكُمْ.»

16 M arkaasaa reerkii Yuusuf waxay yidhaahdeen, Dalka buuraha lahu naguma filna; oo reer Kancaanka deggan dalka dooxada leh oo dhammu waxay leeyihiin gaadhifardood bir ah, kuwooda deggan Beytshe'aan iyo magaalooyinkeeda, iyo kuwooda deggan dooxadii Yesreceelba.

فَقالَ شَعبُ يُوسُفَ: «المِنطَقَةُ الجَبَلِيَّةُ غَيرُ كافِيَةٍ لَنا، وَلَكِنَّ الكَنْعانِيِّينَ السّاكِنِينَ فِي الوادِي يَملِكُونَ مَركَباتٍ حَدِيدِيَّةً فِي بَيتِ شانَ وَقُراها فِي وادِي يَزرَعِيلَ.»

17 M arkaasaa Yashuuca wuxuu la hadlay reer Yuusuf, kuwaasoo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin dad badan, oo waxaad leedihiin xoog badan; haddaba qayb keliya heli maysaan;

ثُمَّ قالَ يَشُوعُ لِشَعبِ يُوسُفَ، أفْرايِمَ وَمَنَسَّى: «إنَّكُمْ شَعبٌ كَبِيرٌ وَلَدَيكُمْ قُوَّةٌ عَظِيمَةٌ. لَنْ تَكُونَ لَكُمْ حِصَّةٌ واحِدَةٌ مِنَ الأرْضِ،

18 l aakiinse dalka buuraha leh idinkaa yeelan doona; waayo, in kastoo uu duud yahay, waad jari doontaan, oo meelaha laga baxona idinkaa yeelan doona, maxaa yeelay, waxaad eryi doontaan reer Kancaan in kastay leeyihiin gaadhifardood bir ah, oo ay xoog badan yihiin.

فَالمِنطَقَةُ الجَبَلِيَّةُ سَتَكُونُ لَكُمْ. فَمَعْ أنَّها غاباتٌ، لَكِنَّكُمْ سَتَقطَعُونَ الأشجارَ وَتُمَهِّدُونَها وَتَمتَلِكُونَها. وَسَتَطرُدُونَ الكَنعانِيِّينَ مَعَ أنَّهُمْ أقوِياءُ وَلَدَيهِمْ مَركَباتٌ حَدِيدِيَّةٌ.»