1 A naa iska hoogay! Waayo, waxaan ahay sidii marka la soo ururiyo midhaha beergoosadka, iyo sida xaabxaabka canabka. Ma jiro rucub la cuna. Naftaydu waxay doonaysaa berdaha hore u bislaaday.
وَيلٌ لِي! فَأنا كَمَنْ يَجْمَعُ ثَمَرَ الصَّيفِ بَعْدَ أنْ جُمِعَتِ الغَلَّةُ. نَفَدَتْ قُطُوفُ العِنَبِ، وَنَفسِي تَشتَهِي تِلْكَ الثِّمارَ النّاضِجَةَ،
2 D adkii cibaadada lahaa wuu ka wada baabba'ay dhulka, oo dadka dhexdiisa laguma arko mid qumman. Kulligood waxay u wada gabbadaan inay dhiig galaan daraaddeed, oo nin kastaaba walaalkiis ayuu shabag ku ugaadhsadaa.
زالَ الأتقِياءُ مِنَ الأرْضِ، وَلَمْ يَبقَ مُستَقيمٌ واحِدٌ. جَمِيعُهُمْ يُخَطِّطُونَ لِلكَمائِنِ وَالقَتلِ، وَكُلُّ واحِدٍ يُرِيدُ اصطِيادَ أخِيهِ.
3 G acmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.
أيدِيهُمْ ناجِحَةٌ فِي عَمَلِ الشَّرِّ. الرُّؤساءُ وَالقُضاةُ يَطلُبُونَ رِشْوَةً، وَيُحَرِّفُونَ العَدْلَ. وَأصْحابُ النُّفُوذِ يَفرِضُونَ رَغَباتِهِمْ. وَيُنَفِّذُها لَهُمْ آخَرُونَ!
4 K ooda ugu wanaagsanu waa sidii qodxan oo kale, kooda ugu wada qummanuna waa sidii yamaarug oo kale. Wakhtigii waardiyihiinna oo ah wakhtigii laydin soo booqan lahaa waa yimid, wareerkoodu hadduu noqon doonaa.
أفضَلُهُمْ كَالعَوسَجِ، وَأكثَرُهُمُ استِقامَةً أسوَأُ مِنَ سِياجِ الشَّوكِ. اقترابُ يُومُ الدَّينُونة يَقتَرِبُ يَومُ دَينُونَتِكَ اليَومُ الَّذِي تَنِبَّأ عَنهُ رُقَباؤُكَ لِعِقابِهِمْ، وَسَتَدُبُّ بِهِمُ الفَوضَى.
5 D eris ha isku hallaynina, saaxiibna ha ku kalsoonaanina, afkaagana ka xidho tan laabtaada ku jiifta.
حينَئِذٍ، لا تَثِقْ بِصاحِبٍ، وَلا تَتَّكِلْ عَلَى صَدِيقٍ. وَاحفَظْ أسرارَكَ حَتَّى أمامَ المَرأةِ الَّتِي تَعيشُ مَعَكَ.
6 W aayo, wiil wuxuu sharafjebiyaa aabbihiis, gabadhuna waxay ku kacdaa hooyadeed, oo naaguna waxay ku kacdaa soddohdeed, oo nin cadowgiisuna waa dadka gurigiisa.
فَالابنُ يَحتَقِرُ أباهُ، وَالابنَةُ تَتَمَرَّدُ عَلَى أُمِّها، وَالكَنَّةُ تَقُومُ عَلَى حَماتِها، وَأعداءِ الإنْسانِ هُمْ أهلُ بَيتِهِ. اللهُ هُوَ المُخَلِّص
7 L aakiinse anigu Rabbigaan dhawrayaa, oo Ilaaha badbaadadayda waan sugayaa. Ilaahay wuu i maqli doonaa. Reer Binu Israa'iil Oo Sarakici Doona
سَأَتَرَّقَبُ مَجِيءَ اللهِ بِشَوقٍ، وَسَأنتَظِرُ اللهَ مُخَلِّصِي بِرَجاءٍ. سَيَسمَعُنِي إلَهِي حِينَ أطلُبُ عَونَهُ.
8 C adowgaygow, ha igu farxin. Goortaan dhoco waan kici doonaa, oo goortaan gudcur fadhiistana Rabbiga ayaa iftiin ii noqon doona.
لا تَشمَتْ بِي يا عَدُوِّي، مَعَ أنَّنِي سَقَطْتُ، إلّا أنَّنِي سَأقُومُ. مَعَ أنَّنِي الآنَ أجلِسُ فِي الظُّلمَةِ، إلّا أنَّ اللهَ سَيُعطِينِي نُوراً.
9 A nigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa.
عَلَيَّ أنْ أحتَمِلَ غَضَبَ اللهِ ، لِأنِّي أخطَأتُ إلَيهِ، إلَى أنْ يُقِيمَ دَعوايَ وَيُنصِفَنِي. سَيُخرِجُنِي إلَى النُّورِ، وَسَأراهُ يَعمَلُ ما هُوَ حَقٌّ وَعَدلٌ.
10 D abadeedna waxaa arki doonta tan cadowgayga ah, oo aad bay u ceeboobi doontaa tan igu lahayd, Meeh Rabbiga Ilaahaaga ah? Indhahaygu way fiirin doonaan iyada, oo haatan waxaa iyada loogu tuman doonaa sidii dhoobada jidadka dhex taal.
سَيَرَى أعدائِي ذَلِكَ، وَسَيُغَطِّيهُمُ الخِزيُ. سَأتَفَرَّسُ بِالَّذِينَ كانُوا يَقُولُونَ لِي: «أينَ إلَهُكَ ؟» وَالآنَ، سَيَدُوسُهُمُ النّاسُ كَالطِّينِ فِي الشَّوارِعِ.
11 W axaa iman doona wakhti derbiyadiinna la dhisi doono, oo wakhtigaas ayaa soohdintiinna la ballaadhin doonaa.
يَومُ إعادَةِ بِناءِ أسوارِكِ قادِمٌ. سَيَكُونُ ذَلِكَ اليَومَ يَوماً تَمتَدُّ فِيهِ حُدُودُكِ.
12 W akhtigaas waxaa laydiinka iman doonaa tan iyo dalka Ashuur iyo ilaa magaalooyinka Masar, iyo tan iyo Masar iyo ilaa Webi Yufraad, iyo tan iyo bad ilaa baddeeda kale, iyo buur iyo ilaa buurteeda kale.
فِي ذَلِكَ الوَقتِ، سَيَأتِي شَعبُكِ إلَيكِ مَنْ كُلِّ مَكانٍ. مِنْ أشُّورَ إلَى مِصْرَ، وَمِنْ مِصْرَ إلَى نَهرِ الفُراتِ. مِنَ البَحرِ إلَى البَحرِ، وَمِنَ الجَبَلِ إلَى الجَبَلِ.
13 L aakiinse dhulku cidla buu noqon doonaa, waana kuwa dhex deggan daraaddood iyo midhihii falimahooda aawadood. Baryo Iyo Ammaan
وَلَكِنَّ الأرْضَ الَّتِي خارِجَكِ سَتَخرُبُ، بِسَبَبِ سُكّانِها، بِسَبَبِ الأُمُورِ الَّتِي عَمِلُوها.
14 D adkaaga oo ah adhigii dhaxalkaaga oo kaynta Karmel ku dhex taal keli ahaantood deggan ushaada ku daaji. Iyagu ha daaqeen Baashaan iyo Gilecaad sidii waagii hore.
يا اللهُ، ارْعَ شَعبَكَ بِعَصاكَ، فَهُمْ غَنَمُكَ. يَسكُنُونَ وَحدَهُمْ فِي الغاباتِ، وَسَطَ أرْضٍ خَصبَةٍ. فَاجعَلْهُمْ يَرعَوْنَ فِي باشانَ وَجِلْعادَ، كَما كانُوا فِي الماضِي.
15 S idii wakhtigii aad dalkii Masar ka soo baxdeen ayaan waxyaalo yaab badan tusi doonaa.
أرِنا عَجائِبَ يا اللهُ، كَما فَعَلْتَ حِينَ خَرَجنا مِنْ مِصْرَ.
16 Q uruumuhu way arki doonaan, oo waxay ka ceeboobi doonaan itaalkooda oo dhan, oo intay gacanta afka saaraan ayay dhego beeli doonaan.
فَلتَنظُرِ الأُمَمُ إلَى تِلكَ العَجائِبَ، وَلْيَخجَلُوا مِنْ قُوَّتِهِمْ. لِيَضَعُوا أيدِيَهُمْ عَلَى أفواهِهِمْ، وَلْتُصْبِحْ آذانُهُمْ صَمّاءَ.
17 W axay ciidda u leefleefi doonaan sidii abeeso oo kale, sidii waxyaalo dhulka ku gurguurta ayay iyagoo gariiraya meelahooda ka soo bixi doonaan, oo waxay cabsi ugu iman doonaan Rabbiga Ilaaheenna ah, oo idinka aawadiin ayay u baqi doonaan.
لِيَلحَسُوا التُّرابَ كَالثُّعْبانِ، وَكَزَواحِفِ الأرْضِ. لِيَأتُوا مُرتَجِفِينَ مِنْ حُصُونِهِمْ إلَى إلَهِنا. لِيَرتَعِبُوا وَيَخافُوا مِنْكَ.
18 B al waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.
مَنْ هُوَ إلَهٌ مِثلُكَ؟ أنتَ تَغفِرُ الشُّرُورَ. أنتَ تَعفُو عَنْ مَعصِيَةِ النّاجِينَ مِنْ شَعبِكَ. لأنَّ اللهَ لَنْ يَظَلَّ غاضِباً إلَى الأبَدِ، بَلْ يُرِيدُ أنْ يَرحَمَ.
19 I sagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda.
سَيَعُودُ وَيَرحَمُنا. وَيَدُوسُ آثامَنا، وَيُلقِي فِي أعماقِ البَحْرِ جَمِيعَ خَطايانا.
20 S idaad waagii hore awowayaashayo ugu dhaaratay, waxaad Yacquub u samayn doontaa run, Ibraahimna naxariis.
سَتُظهِرُ أمانَتَكَ لِيَعقُوبَ، وَرَحمَتَكَ لإبراهِيمَ، كَما أقسَمتَ لِآبائِنا مُنذُ القَدِيمِ.