1 H addaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos.
وَكانَ فِي كَنِيسَةِ أنطاكِيَّةَ بَعضُ الأنبِياءِ وَالمُعَلِّمِينَ. فَكانَ هُناكَ بَرنابا، وَسِمعانُ الَّذِي كانَ يُدعَى نِيجَرَ، وَلُوكيُوسُ القَيرِينِيُّ، وَمَنايِنُ الَّذِي كانَ قَدْ نَشَأ مَعَ الوالِي هِيرُودُسَ، وَشاوُلُ.
2 O o markay Rabbiga caabudayeen oo soomanaayeen ayaa Ruuxa Quduuska ahu wuxuu ku yidhi, Barnabas iyo Sawlos iigu sooca shuqulkii aan ugu yeedhay.
وَبَينَما كانُوا يَخدِمُونَ الرَّبَّ وَيَصُومُونَ، قالَ الرُّوحُ القُدُسُ: «خَصِّصُوا لِي بَرنابا وَشاوُلَ لِكَي يَقُوما بِالعَمَلِ الَّذِي سَبَقَ أنْ دَعَوتُهُما إلَيهِ.»
3 M arkay soomeen oo duceeyeen oo gacmahoodii saareen dabadeed ayay direen iyagii. Barnabas Iyo Sawlos Oo Qubrus Jooga
فَبَعدَ أنْ صامُوا وَصَلُّوا، وَضَعُوا أيدِيَهُمْ عَلَى بَرنابا وَشاوُلَ، وَأرسَلُوهُما. بَرنابا وَشاوُلُ فِي قُبرُص
4 H addaba iyagoo Ruuxa Quduuska ahu soo diray waxay tageen Selukiya; meeshaasna waxay uga dhoofeen Qubrus.
وَبَعدَ أنْ أرسَلَهُما الرُّوحُ القُدُسُ، ذَهَبا إلَى سَلُوكِيَّةَ. وَمِنْ هُناكَ أبحَرا إلَى قُبرُصَ.
5 O o kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen.
وَعِندَما وَصَلا إلَى سَلامِيسَ، بَشَّرا بِرِسالَةِ الرَّبِّ فِي مَجامِعِ اليَهُودِ، وَكانَ يُوحَنّا مَعَهُما يُساعِدُهُما.
6 O o kolkay gasiiraddii oo dhan dhex mareen ayay waxay yimaadeen Bafos, taas oo ay kala kulmeen nin saaxir ah oo ahaa nebi been ah oo Yuhuudi ah oo magiciisa la odhan jiray Barciise;
فَاجتازا فِي الجَزِيْرَةِ كُلِّها حَتَّى مَدِينَةِ بافُوسَ. فَوَجَدا هُناكَ ساحِراً وَنَبِيّاً كاذِباً، وَهُوَ يَهُودِيٌّ اسْمُهُ بارْيَشُوعُ.
7 k aas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo.
وَكانَ مُرافِقاً لِحاكِمِ الجَزِيرَةِ سَرجِيُوسَ بُولُسَ، وَهُوَ رَجُلٌ حَكيمٌ. فَأرسَلَ فِي طَلَبِ بَرنابا وَشاوُلَ وَطَلَبَ أنْ يَسمَعَ رِسالَةً مِنَ اللهِ.
8 L aakiin waxaa iyagii ka hor istaagay saaxirka Elumas (oo sidaas magiciisa loo fasiri jiray), oo wuxuu isku dayayay inuu taliyihii ka leexiyo iimaanka.
فَقاوَمَهُما السّاحِرُ عَلِيمُ، كَما يُتَرجَمُ اسْمُهُ. وَحاوَلَ أنْ يُبْعِدَ الحاكِمَ عَنِ الإيمانِ.
9 L aakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey,
فَامتَلأ شاوُلُ، الَّذِي كانَ يُدعَى بُولُسُ مِنَ الرُّوحِ القُدُسِ، وَوَجَّهَ نَظَرَهُ إلَى عَلِيمَ،
10 o o ku yidhi, Kaaga khiyaanada iyo xumaanta oo dhammu ka buuxsantay oo ah wiilka Ibliiska iyo cadowga xaqnimada oo dhan, miyaanad ka joogsanayn qalloocinta aad ku qalloocinaysid jidadka toosan oo Rabbiga?
وَقالَ لَهُ: «أنتَ مُمتَلِئٌ بِكُلِّ أنواعِ الغِشِّ وَالحِيَلِ الشِّرِّيْرَةِ! أنتَ ابنٌ لإبلِيسَ، عَدُوٌّ لِكُلِّ ما هُوَ حَقٌّ! ألَنْ تَتَوَقَّفَ أبَداً عَنْ تَشوِيهِ طُرُقِ الرَّبِّ المُستَقِيمَةِ؟
11 H addaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga.
فَالآنَ ها هِيَ يَدُ الرَّبِّ تَضْرِبُكَ، فَتَكُونَ أعمَىً لا تَرَى الشَّمسَ مُدَّةً مِنَ الزَّمَنِ.» فَغَمَرَتهُ عَلَى الفَورِ ظُلمَةٌ شَدِيدَةٌ، وَراحَ يَبحَثُ عَمَّنْ يَقُودُهُ بِيَدِهِ.
12 K olkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa. Bawlos Yuhuudduu Ku Dhex Wacdiyey Magaalada Antiyokh
فَلَمّا رَأى الحاكِمُ ما حَدَثَ، آمَنَ إذْ ذُهِلَ مِنْ تَعلِيمِ الرَّبِّ. بُولُس فِي أنطاكيَة الَّتي فِي بِيسِدِيَة
13 H addaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday.
ثُمَّ أبحَرَ بُولُسُ وَرِفِيقاهُ مِنْ بافُوسَ، وَوَصَلُوا إلَى مَدِينَةِ بَرْجَةَ فِي بَمْفِيليَةَ. لَكِنَّ يُوحَنّا تَرَكَهُما وَرَجِعَ إلَى القُدسِ.
14 L aakiin iyagu kolkii ay ka tageen Berga waxay yimaadeen Antiyokh oo Bisidiya ku jirta; oo maalintii sabtidana sunagogga ayay galeen oo fadhiisteen.
فَتابَعا رِحلَتَهُما مِنْ بَرجَةَ فَوَصَلا إلَى أنطاكِيَةَ الَّتِي فِي بِيسِيديَةَ. وَفِي السَّبتِ ذَهَبا إلَى المَجمَعِ وَجَلَسا.
15 M arkii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.
وَهُناكَ قُرِئَتِ الشَّرِيعَةُ وَكِتاباتُ الأنبِياءِ. وَبَعدَ ذَلِكَ أرسَلَ إلَيهِما المَسؤُولُونَ عَنِ المَجمَعِ رِسالَةً تَقُولُ: «أَيُّها الأَخَوَانِ، إنْ كانَتْ لَدَيكُما رِسالَةُ تَشجِيعٍ لِلشَّعبِ، فَتَكَلَّما.»
16 M arkaasaa Bawlos istaagay isagoo gacan haadinaya, oo wuxuu yidhi. Nimanka reer binu Israa'iilow iyo kuwiinna Ilaah ka cabsadow, dhegaysta.
فَوَقَفَ بُولُسُ وَأشارَ بِيَدِهِ وَقالَ: «يا رِجالَ بَني إسْرائِيلَ، وَأنتُمْ يا غَيرَ اليَهُودِ الَّذِينَ تَخافُونَ اللهَ، أصغُوا إلَيَّ.
17 I laaha dadkan reer binu Israa'iil wuxuu doortay awowayaasheen, dadkana buu sarraysiiyey markay dhulka Masar degganaayeen, oo gacan taagan buuna kaga soo saaray iyagii.
إنَّ إلَهَ بَنِيْ إسرائِيلَ قَدِ اخْتارَ آباءَنا، وَرَفَعَ مِنْ شَأْنِ شَعبِنا أثناءَ إقامَتِهِمْ فِي أرْضِ مِصرَ، ثُمَّ أخرَجَهُمْ بِقُوَّتِهِ العَظِيمَةِ مِنْ تِلكَ الأرْضِ.
18 O o wakhti abbaaraha afartan sannadood ah ayuu dabiicaddoodii ugu dulqaatay cidlada.
وَاحتَمَلَهُمْ نَحوَ أربَعِينَ عاماً فِي البَرِّيَّةِ.
19 O o markuu toddoba quruumood ka baabbi'iyey dhulka Kancaan dabadeed ayuu dhulkoodii dhaxal u siiyey iyagii abbaaraha afar boqol iyo konton sannadood;
ثُمَّ حَطَّمَ سَبعَةَ شُعُوبٍ فِي أرْضِ كِنعانَ، وَأعطَى الأرْضَ لَهُمْ مِيراثاً
20 w axyaalahaas dabadeedna wuxuu siiyey xaakinno ilaa nebi Samuu'eel.
لِمُدَّةِ أربَعِ مِئَةٍ وَخَمْسِينَ عاماً. وَبَعدَ هَذا وَلَّى عَلَيهِمْ قُضاةً حَتَّى زَمَنِ النَّبِيِّ صَمُوئِيلَ.
21 D abadeed waxay weyddiisteen boqor, markaasaa Ilaah wuxuu iyagii siiyey Saa'uul ina Qiish oo ahaa nin reer Benyaamiin intii afartan sannadood ah.
«ثُمَّ طَلَبُوا مَلِكاً، فَأعطاهُمُ اللهُ شاوُلَ بْنَ قَيْسٍ، وَهُوَ رَجُلٌ مِنْ قَبِيلَةِ بَنْيامِيْنَ. فَحَكَمَهُمْ أربَعِينَ عاماً.
22 K olkuu isagii boqortooyadii ka wareejiyeyna, wuxuu u kiciyey iyagii Daa'uud inuu boqorkooda noqdo; kaasoo uu u markhaati furay isagoo leh, Waxaan ogaaday Daa'uud oo ina Yesay ah inuu yahay nin ah sida qalbigaygu doonayo oo samayn doona waxaan doonayo oo dhan.
وَبَعدَ أنْ أزاحَهُ اللهُ، نَصَّبَ داوُدَ مَلِكاً عَلَيهِمْ، وَشَهِدَ لِداوُدَ فَقالَ: ‹لَقَدْ وَجَدتُ داوُدَ بْنَ يَسَّى كَما يُرِيدُهُ قَلبِي. وَهُوَ سَيَفعَلُ كُلَّ ما أُرِيدُهُ.›
23 N inkan farcankiisii Ilaah siduu ballanqaaday ayuu Israa'iil ugaga keenay Badbaadiye kaasoo ah Ciise;
«وَمِنْ نَسلِ هَذا الرَّجُلِ، أعطَى اللهُ لِبَنِي إسرائِيلَ مُخَلِّصاً حَسَبَ وَعدِهِ، هُوَ يَسُوعَ.
24 o o intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.
وَقَبلَ مَجِيئِهِ، نادَى يُوحَنّا لِكُلِّ بَنِي إسرائِيلَ بِمَعمُودِيَّةٍ مَبنِيَّةٍ عَلَى التَّوبَةِ.
25 O o intii Yooxanaa shuqulkiisa dhammaynayay, wuxuu yidhi, Yaad u malaynaysaan inaan ahay? Anigu isagii ma ihi. Laakiin, bal eega, waxaa iga daba imanaya mid aanan istaahilin inaan kabaha cagihiisa ka furo.
وَقَدْ قالَ يُوحَنّا وَهُوَ يُكمِلُ مَهَمَّتَهُ: ‹مَنْ تَظُنُّونَنِي؟ أنا لَستُ هُوَ، لَكِنْ هُناكَ شَخصٌ سَيَأْتِي بَعدِي لا أستَحِقُّ أنْ أحُلَّ رِباطَ حِذائِهِ.›
26 W alaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.
«أيُّها الإخوَةُ، يا أبناءَ إبراهِيمَ، وَأنتُمْ يا غَيرَ اليَهُودِ الَّذِينَ تَخافُونَ اللهَ، لَقَدْ أُرسِلَتْ إلَينا نَحنُ رِسالَةُ الخَلاصِ هَذِهِ،
27 W aayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.
أمّا اليَهودُ وَقادَتُهُمُ الَّذِينَ يَسكُنُونَ مَدينَةَ القُدسِ، فَلَمْ يَعرِفُوا يَسُوعَ، بَلْ أدانُوهُ مُتَمِّمِينَ بِذَلِكَ نُبُوَّاتِ الأنبِياءِ الَّتِي يَقرَأُونَها كُلَّ سَبتٍ.
28 O o in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.
وَرُغمَ أنَّهُمْ لَمْ يَجِدُوا أيَّ أساسٍ لِلحُكمِ عَلَيهِ بِالمَوْتِ، إلّا أنَّهُمْ طَلَبُوا مِنْ بِيلاطُسَ أنْ يَأْمُرَ بِقَتلِهِ.
29 O o markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.
«وَلَمّا تَمَّموا كُلَّ الأُمُورِ المَكتُوبَةِ عَنه، أنزَلُوهُ عَنْ خَشَبَةِ الصَّلِيبِ، وَدَفَنُوهُ فِي قَبرٍ.
30 L aakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,
لَكِنَّ اللهَ أقامَهُ مِنَ المَوتِ.
31 o o maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka.
وَظَهَرَ أيّامّاً كَثِيرَةً لِلَّذِينَ رافَقُوهُ مِنَ الجَلِيلِ إلَى القُدسِ. وَهُمِ الآنَ شُهُودٌ لَهُ أمامَ النّاسِ.
32 O o waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday,
وَنَحنُ نُبَشِّرُكُمْ بِذَلِكَ. لَقَدْ أعْطَى اللهُ لآبائِنا وَعداً،
33 o o ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay.
وَقَدْ حَقَّقَ هَذا الوَعدَ لَنا نَحنُ أبناءَهُمْ، بِأنْ أقامَ يَسُوعَ مِنَ المَوتِ. فَكَما هُوَ مَكتُوبٌ فِي المَزمُورِ الثّانِي: ‹أنتَ ابنِي، وَأنا الَيَومَ وَلَدْتُكَ.›
34 I sagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh, Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.
وَلِيُبَيِّنَ اللهُ أنَّهُ أقامَهُ مِنَ المَوتِ، وَأنَّهُ لَنْ يَعُودَ إلَى فَسادٍ قالَ: ‹سَأُعطِيكُمُ البَرَكاتِ الَّتِي وَعَدْتُ بِها داوُدُ.›
35 S aas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi, Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.
لِهَذا يَقُولُ فِي مَزْمورٍ آخَرَ: ‹لَنْ تَدَعَ جَسَدَ قُدُّوسَكَ يَتَعَفَّنُ.›
36 M axaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay;
فَلَقَدْ ماتَ داوُدُ بَعدَ أنْ حَقَّقَ قَصدَ اللهِ فِي جِيلِهِ. وَدُفِنَ مَعَ آبائِهِ، وَتَعَفَّنَ جَسَدُهُ،
37 l aakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin.
أمّا الَّذِي أقامَهُ اللهُ مِنَ المَوتِ فَلَمْ يَتَعَفَّنْ.
38 S idaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;
فَاعلَمُوا أيُّها الإخوَةُ أنَّنا نُنادِي لَكُمْ بِغُفرانِ الخَطايا مِنْ خِلالِ يَسُوعَ. لَقَدْ عَجِزَتْ شَرِيعَةُ مُوسَى أنْ تُحَرِّرَكُمْ مِنْ خَطاياكُمْ،
39 n in kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.
أمّا كُلُّ مَنْ يُؤمِنُ بِيَسُوعَ فَإنَّهُ يَتَحَرَّرُ مِنْها.
40 S idaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,
فَاحذَرُوا مِنْ أنْ يُصِيبَكُمْ ما قالَهُ الأنبِياءُ:
41 B al eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma; Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul, Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
‹احذَرُوا أيُّها المُستَهزِئُونَ، وَتَعَجَّبُوا وَاهلِكُوا. فَأنا سَأعمَلُ عَمَلاً فِي أيّامِكُمْ، عَمَلاً لَنْ تُصَدِّقوهُ أبَداً، حَتَّى لَوْ أخبَرَكُمْ أحَدٌ!›»
42 K olkay baxayeen, dadkii waxay ka baryeen inay hadalladaas sabtida dambe kula hadlaan.
وَبَينَما كانا مُنصَرِفَينِ، طَلَبُوا مِنهُما أنْ يُكَلِّماهُمْ بِهَذا الكَلامِ نَفسِهِ فِي السَّبتِ التّالِي.
43 H addaba markii sunagogga laga tegey, kuwa badan oo Yuhuud ah iyo kuwa cibaadaysan oo Yuhuudda raacsan ayaa waxay raaceen Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo la hadlayay iyaga oo ku adkeeyey inay nimcada Ilaah ku sii wadaan. Rasuulladii Waxay U Jeesteen Dadka Aan Yuhuudda Ahayn
فَلَمّا انتَهَى الاجتِماعُ، تَبِعَ كَثِيرُونَ مِنَ اليَهُودِ وَالأتقِياءِ المُتَهَوِّدِينَ بُولُسَ وَبَرنابا، فَتَحَدَّثاَ إلَيْهِمْ وَحَثّاهُم عَلَى أنْ يَستَمِرُّوا فِي نِعمَةِ اللهِ.
44 S abtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah.
وَفِي السَّبتِ التّالِي، اجتَمَعَ سُكّانُ البَلدَةِ كُلُّهُمْ تَقرِيباً لِسَماعِ رِسالَةِ الرَّبِّ.
45 L aakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.
فَلَمّا رَأى اليَهُودُ جُمُوعَ النّاسِ، مَلأهُمُ الحَسَدُ، وَقاوَمُوا ما كانَ بُولُسُ يَقُولُهُ. وَكانُوا يَشتِمُونَهُ.
46 H addaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn.
لَكِنَّ بُولُسَ وَبَرنابا تَكَلَّما بِجُرأةٍ. وَقالا: «كانَ ضَرُورِيّاً أنْ نُوصِلَ رِسالَةَ اللهِ إلَيكُمْ أنتُمْ أوَّلاً. لَكِنَّكُمْ رَفَضْتُموها، فَحَكَمتُمْ عَلَى أنفُسِكُمْ بِأنَّكُمْ لا تَستَحِقُّونَ الحَياةَ الأبَدِيَّةَ. فَها نَحْنُ الآنَ نَتَوَجَّهُ بِالبِشارَةِ إلَى غَيرِ اليَهُودِ،
47 M axaa yeelay, sidaasaa Rabbigu nagu amray isagoo leh, Waxaan kaa dhigi doonaa iftiinka quruumaha, Inaad badbaadinta u noqotid ilaa meeshii dunida ugu fog.
فَقَدْ أوصانا الرَّبُّ وَقالَ: ‹أقمْتُكُمْ لِتَكُونُوا نُوراً لِبَقِيَّةِ الأُمَمِ، مُظهِرينَ طَريقَ الخَلاصِ للعالَمِ كُلِّهِ›»
48 H addaba markii dadkii aan Yuhuudda ahayn taas maqleen, ayay ku farxeen oo ereygii Ilaah ammaaneen; oo waxaana rumaystay kuwii nolosha weligeed ah loo dhigay.
فَلَمّا سَمِعَ غَيرُ اليَهُودِ هَذا، فَرِحُوا كَثِيراً، وَامتَدَحُوا رِسالَةَ الرَّبِّ. وَآمَنَ كُلُّ الَّذِينَ عَيَّنَهُمُ اللهُ لِلحَياةِ الأبَدِيَّةِ.
49 E reygii Rabbigana waxaa lagu faafiyey waddankii oo dhan.
وَانتَشَرَتْ رِسالَةُ الرَّبِّ فِي المِنطَقَةِ كُلِّها.
50 L aakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.
فَهَيَّجَ اليَهُودُ النِّساءَ المُتَدَيِّناتِ البارِزاتِ فِي المُجْتَمَعِ، وَكِبارَ رِجالِ المَدِينَةِ. فَبَدَأُوا حَملَةَ اضطِهادٍ ضِدَّ بُولُسَ وَبَرنابا، وَأخرَجُوهُما بِالقُوَّةِ مِنْ مِنطَقَتِهِمْ.
51 L aakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon.
فَنَفَضا التُّرابَ عَنْ قَدَمَيهِما، ثُمَّ ذَهَبا إلَى مَدِينَةِ إيقُونِيَةَ.
52 X ertiina waxaa ka buuxsamay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah.
وَأمّا التَّلامِيذُ، فَكانوا مُمتَلِئينَ مِنَ الفَرَحِ وَمِنَ الرُّوحِ القُدُسِ.