2 Korintos 6 ~ ﻛﻮﺭﻧﺜﻮﺱ ﺍﻟﺜﺎﻧﻴﺔ 6

picture

1 A nnagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah,

وَبِما أنَّنا نَعمَلُ مَعاً مَعَ اللهِ، نَحُثُّكُمْ عَلَى أنْ لا تُبَدِّدُوا نِعمَةَ اللهِ الَّتِي نِلتُمُوها.

2 w aayo, wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay, Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey. Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta.

فَاللهُ يَقُولُ: «فِي وَقتٍ مُناسِبٍ سَمِعْتُكَ، وَفِي يَومِ الخَلاصِ جِئتُ لِمَعُونَتِكَ.» فَها هُوَ الآنَ الوَقتُ المُناسِبُ، وَالآنَ هُوَ يَومُ الخَلاصِ.

3 A nnagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.

إنَّنا لا نَضَعُ عَقَبَةً أمامَ أحَدٍ، لِئَلّا تُلامَ خِدمَتُنا.

4 L aakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo,

بَلْ نُظهِرُ أنفُسَنا بِلا مَلامَةٍ مِنْ كُلِّ وَجهٍ كَما يَلِيقُ بِخُدّامِ اللهِ: باحتِمالٍ كَبيرٍ فِي المِحَنِ وَالمَصائِبِ وَالصُّعُوباتِ.

5 i yo karbaashyo, iyo xabsiyo, iyo rabshooyin, iyo hawlo, iyo soo jeedid, iyo soomid,

فَقَد تَعَرَّضنا لِلضَّربِ الكَثِيرِ وَالحَبسِ المُتَكَرِّرِ، فِي حَمَلاتٍ غاضِبَةٍ ضِدَّنا وَمَشَقّاتٍ كَثيرَةٍ، فِي السَّهَرِ وَالجُوعِ.

6 a nnagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn,

نُظهِرُ أنَّنا خُدّامُ اللهِ بِنَقائِنا وَمَعرِفَتِنا، بِصَبرِنا وَلُطفِنا، بِمَواهِبِ الرُّوحِ القُدُسِ، وَبِمَحَبَّتِنا الأصيلَةِ،

7 i yo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba,

وَبِرِسالَةِ الحَقِّ الَّتِي نَحمِلُها، وَبِقُوَّةِ اللهِ. نَتَسَلَّحُ بِالصَّلاحِ مِنْ كُلِّ جِهَةٍ لِلدِّفاعِ وَالهُجُومِ مَعاً.

8 h addii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah;

نُظهِرُ أنفُسَنا عِندَما يُكرِمُنا النّاسُ وَيُهِينُونَنا، بِصِيتٍ حَسَنٍ أوْ بِصِيتٍ سَيِّئٍ. نُعتَبَرُ مُخادِعِينَ مَعَ أنَّنا صادِقُونَ.

9 s ida kuwo aan la garanaynin laakiin la yaqaan, sida kuwo dhimanaya, laakiin bal eeg, waannu nool nahaye, sida kuwo la edbiyo, laakiin aan dhimasho la gaadhsiin,

نُعتَبَرُ مَجهُولِينَ مَعَ أنَّنا مَعرُوفُونَ. نَبْدو قَريبينَ مِنَ المَوتِ، لَكِنْ ها نَحنُ أحياءٌ! نُعاقَبُ وَلَكِنَّنا لا نُقتَلُ.

10 s ida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh. Qalbifurnaan Iyo Jacayl

كَأنَّنا حَزانَى، مَعَ أنَّنا فِي ابتِهاجٍ دائِمٍ. كَفُقَراءَ، مَعَ أنَّنا نُغنِي كَثِيرِينَ. كَأنَّنا لا نَملِكُ شَيئاً، مَعَ أنَّنا نَملِكُ كُلَّ شَيءٍ.

11 A fkayagu waa idiin furan yahay, idinka dadka Korintosow, qalbigayaguna si weyn buu idiinku furan yahay.

أيُّها الكُورِنْثِيُّونَ، تَحَدَّثنا إلَيكُمْ بِحُرِّيَّةٍ كامِلَةٍ. وَقُلُوبُنا مَفتُوحَةٌ لَكُمْ.

12 A nnagu idinma aannan cidhiidhiyin, laakiin waxaa idin cidhiidhiyey jacaylkiinna oo qudha.

نَحنُ لا نَبخَلُ عَلَيكُمْ بِمَحَبَّتِنا، أمّا أنتُمْ فَتَبخَلُونَ بِما فِي داخِلِكُمْ.

13 H addaba idinkuna sidaas oo kale abaalgud ahaan u qalbi furnaada. Waxaan idiinla hadlayaa sida carruutayda oo kale. Waa Laga Gigay In Lala Saaxiibo Kuwa Aan Rumaysnayn Masiix

أنا أتَحَدَّثُ إلَيكُمْ كَأبنائِي وَأقُولُ: افتَحُوا أنتُمْ أيضاً قُلُوبَكُمْ لَنا كَما نَحنُ لَكُمْ. تَحذِيرٌ مِنْ غَيرِ المُؤمِنِين

14 H a noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan?

لا تَكُونُوا شُرَكاءَ مَعَ غَيرِ المُؤمِنِينَ. فَما الَّذِي يَجمَعُ ما بَينَ الصَّلاحِ وَالإثمِ؟ أوْ أيَّةُ مُشارَكَةٍ بَينَ النُّورِ وَالظُّلمَةِ؟

15 O o sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? Ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin?

وَأيُّ اتِّفاقٍ بَينَ المَسِيحِ وَالشَّيطانِ؟ أوْ أيُّ نَصِيبٍ لِلمُؤمِنِ مَعَ غَيرِ المُؤمِنِ؟

16 M acbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.

وَأيُّ اتِّحادٍ بَينَ هَيكَلِ اللهِ وَالأوثانِ؟ فَنَحنُ هَيكَلُ اللهِ الحَيِّ. فَكَما قالَ اللهُ: «سَأسكُنُ بَينَهُمْ، وَأسِيرُ بَينَهُمْ. سَأكُونُ إلَهَهُمْ، وَسَيَكُونُونَ شَعبِي.»

17 S idaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.

وَيَقُولُ الرَّبُّ: «فَاخرُجُوا مِنْ وَسَطِهِمْ، وَانفَصِلُوا عَنهُمْ. وَلا تَلمَسُوا فِيما بَعْدُ شَيئاً نَجِساً. حِينَئِذٍ سَأقبَلُكُمْ،

18 W axaan idiin ahaan doonaa Aabbe, Oo idinkuna waxaad ii ahaan doontaan wiilal iyo gabdho, ayuu Rabbiga Qaadirka ahu leeyahay.

وَسَأكُونُ أباً لَكُمْ، وَتَكُونُونَ أبنائِي وَبَناتِي، يَقُولُ الرَّبُّ القادِرُ عَلَى كُلِّ شَيءٍ.»